Walalaha Hiil Walaal

Walalaha Hiil Walaal Maskiin cawiye
(1)

Mahadnaq iyo Duco 🤲❤️Asc akhyaareey, lacagtii nasoo gaartay waxay ahayd 47,000 Birr.40,000 Birr waxaan odaygii miskiinka...
18/08/2026

Mahadnaq iyo Duco 🤲❤️

Asc akhyaareey, lacagtii nasoo gaartay waxay ahayd 47,000 Birr.

40,000 Birr waxaan odaygii miskiinka ahaa ugu iibinnay kareeto.
7,000 Birr ee soo hartayna waxaan u dirnay canugga hooyadii isbitaalka kula jirto, si aan ugu garab istaagno.

Cimrigiinna Alle ha dheereeyo, caafimaad iyo barako ha idin siiyo. 🤲❤️ Dadaalka iyo kheyrka aad samayseen idinkaa iska leh. Alle ha idinka abaal mariyo, hana idiin badalo kheyr ka wanaagsan.

Mahadsanidiin dhammaantiin. ❤️🙏

Asc walaalayaal kheyrka jecel ee halkan isku nahay.Odayga aad aragtaan waa oday waayeel ah oo la sheegay inuu yahay nin ...
11/08/2026

Asc walaalayaal kheyrka jecel ee halkan isku nahay.

Odayga aad aragtaan waa oday waayeel ah oo la sheegay inuu yahay nin duruufo adag ku nool, una baahan garab iyo taageero. Wiil uu dhalay ayaa u shaqeeya, balse duruufaha nololeed ayaa aad u adag.

Ilaa hadda waxaa loo ururiyey 22,000, halka lacagta loo baahan yahay ay tahay 50,000. Waxaa dhiman 28,000 oo keliya.

Walaalayaal, haddii aynu gacmaha is qabsanno, lacagtaas waa wax yar oo aynu si fudud u dhammaystiri karno. Aan u istaagno odaygan waayeelka ah, oo aynu garab istaagno inta awooddeenna ah.

Qof kasta wixii uu awoodo ha ku darsado. Wax yar oo aad bixiso ayaa laga yaabaa inuu nolosha qof kale wax weyn ka beddelo.

Alle ha idinka abaalmariyo wanaaggiinna, ha idiin barakeeyo maal iyo caafimaad, hana idiinka dhigo kuwa mar walba kheyrka ku tartama. 🤲❤️

Aan u kacno odayga waayeelka ah. Kheyrku ha inoo bato, walaalayaal.

Address

Mandera

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Walalaha Hiil Walaal posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share