24/08/2026
Kulan lagu soo dhaweynayo Xoghayaha Aqalka Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu qabtay duleedka magaalada Nairobi.
Munaasabadda waxaa ka soo qayb galay saraakiil ciidan, waxgaradka bulshada, ganacsatada, haldoorka iyo qaybaha kala duwan ee beesha Reer Siyaad Ugaas Diini ee ku sugan magaalada Nairobi.
Kulanka ayaa Sidoo kale diiradda lagu saaray sidii beesha ay uga tashan lahayd aayaheeda, midnimadeeda iyo danaha deegaanada ay degto, iyadoo si gaar ah looga wada hadlay muhiimadda ay leedahay in la yeesho aragti mideysan, wada-tashi joogto ah iyo qorshe cad oo lagu horumarinayo danaha bulshada.
Munaasabadda ayaa ahayd fursad muhiim ah oo ay isugu yimaadeen qaybaha kala duwan ee bulshada, si ay uga wada hadlaan mustaqbalka, horumarka iyo danta guud ee beesha.
Midnimo, wada-tashi iyo isku duubni ayaa saldhig u ah horumarka iyo ilaalinta danaha bulshada.
Ugu dambeyn WaxaaSii Gaara ah loogu Mahad Celiyay Xoghaya Aqalka Sare ee Jamhuuriyada Federalka
soomalia Mudane Abdinasir Gulled oo isagu laf dhabar u aha Qabsoomida Kulanka