Jaziira Media

Jaziira Media JAZIIRA MEDIA WEHEL KA DHIGO SI AAD WARAR IYO BARNAAMIJYO UGU HESHO

12/06/2025
Degmada Baardheere ayaa hada kabaxday gacanta Jubbaland, waxaana la wareegay maamulka cusub ee uu magacaabay Gudoomiyaha...
26/12/2024

Degmada Baardheere ayaa hada kabaxday gacanta Jubbaland, waxaana la wareegay maamulka cusub ee uu magacaabay Gudoomiyaha Gobalka Gedo, Cabdullaahi Cabdi Jaamac Shimbir, kaas oo taabacsan dawlada Federaalka Soomaaliya.

Dawladda Soomaaliya ayaa ku eedaysay Itoobiya in ay ku xadgudbayso Madax bannaanida Soomaaliya. War ay dawladda Soomaali...
23/12/2024

Dawladda Soomaaliya ayaa ku eedaysay Itoobiya in ay ku xadgudbayso Madax bannaanida Soomaaliya. War ay dawladda Soomaaliya goor dhaweyd soo saartay waxay ku sheegtay in Itoobiya waddo daandaansi ayna ku xad gudubtay Madax bannaanida Soomaaliya iyo heshiiskii Ankara.

Waxay dawladda Soomaaliya sheegtay in maanta ay ciidamada Itoobiya magaalada Doolow ee gobolka Gedo ka gaysteen weerar qorshaysan oo ay ku beegsadeen saddex saldhig oo ciidana DFS ku leeyihiin halkaas, waxayna nasiib darro ku tilmaantay in ciidanka Itoobiya ay dil iyo dhaawac u gaysteen xubno ka tirsan Ciidamada Soomaaliya.

23/12/2024

Wasiirka amniga Jubaland Gen Dhuumaal Yusuf Amniga doolow cidna gorgortan kalama galayno, ciddi Nuclear wadato welcome

27/11/2024

Xil Xasan Firimbi” "furin ayaan ka dhax sameyneynaa Baarlamaanka,Hadii ay DFS Ciidamada ay ku Daabuleysa Jubland ay Joojin Weyso”

27/11/2024

Buuq iyo fowdo ayaa hareeyay fadhigii labada Aqal ee Baarlamaanka ee lagu ansixin lahaa Guddigii Doorashooyinka, kadib markii xildhibaannada mucaaradka ay gaareen, kuwaas oo wada inay xayiraan kulanka.

Ciidamo ayaa la geeyay gudaha xarunta Baarlamaanka.

DEG-DEG: Buuq iyo fowdo ayaa hareeyay fadhigii labada Aqal ee Baarlamaanka ee lagu ansixin lahaa Guddigii Doorashooyinka...
27/11/2024

DEG-DEG: Buuq iyo fowdo ayaa hareeyay fadhigii labada Aqal ee Baarlamaanka ee lagu ansixin lahaa Guddigii Doorashooyinka, kadib markii xildhibaannada mucaaradka ay gaareen, kuwaas oo wada inay xayiraan kulanka.

Ciidamo ayaa la geeyay gudaha xarunta Baarlamaanka.

27/11/2024

: Sida ay xaqiijinayaan wararka laga helayo gobalka Gedo, gaar ahaana deegaanada dhaca xaduuda Itoobiya ay la wadaagto gobalkaas ciidamada Itoobiya ee aan ka mid aheyn howlgalka Midowga Afrika ayaa wada dhaqdhaqaqyo ciidan, iyadoo warar sheegayaan in ay taageerayan dhinaca Jubbaland.

Sidoo kale qaar kamid ah masuuliyiinta gobalka Gedo ee taabacsan dhinaca Jubbaland ayaa la geeyey magaalada Godey, iyadoo lagu qaaday diyaarad ciidan, halkaas oo ay kulamo kula leeyihiin saraakiisha ciidanka Itoobiya, gaar ahaana qeybaha kusugan gudaha gobalka Gedo, oo ay ka wada hadlayaan arrimaha Amniga.

DF Soomaaliya ayaa doonaysa in ay dhammaan la wareegto goobaha ay ciidamada Itoobiya ka joogaan Gedo, Baay & Bakool, iyadoo sheegaysa in ATMIS laga saaray Itoobiya, aysana joogi karin gudaha Soomaaliya, xili ay JL diidan tahay arrintan.

21/11/2024

Gabey qiimo badan amaan macalim oo ka mid ah bandhigii ardeyda Ee xuska maalinta Macalinka soomaaliyeed.

15/11/2024

Bulshada waa mid ku saameynaysa hadii aad hadaladooda dheg u dhigtid.

14/11/2024

Xabad joojin ay garwadeen ka yihiin gudiga Nabadeynta beelihii walaalaha ahaa ee dagalamay degmada luuq oo shir jara'id ku qabtay degmada luuq ee gobolka gedo.

Address

Mandera

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Jaziira Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share