Shaaciye Media group

Shaaciye Media group Warbaahin madax banaan

๐€๐ ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐œ๐๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐‰๐ข๐ง๐ฌ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐Œ๐ฎ๐๐š๐ง๐ž Mustafa Duhulow    ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฐ๐š๐Ÿ๐๐ข ๐ฎ๐ฎ ๐ก๐จ๐ ๐ ๐š๐š๐ฆ๐ข๐ง๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐š๐ฒ๐š๐š ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ฆ๐จ ๐ฆ๐ฎ...
19/07/2025

๐€๐ ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐œ๐๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐‰๐ข๐ง๐ฌ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐Œ๐ฎ๐๐š๐ง๐ž Mustafa Duhulow ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฐ๐š๐Ÿ๐๐ข ๐ฎ๐ฎ ๐ก๐จ๐ ๐ ๐š๐š๐ฆ๐ข๐ง๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐š๐ฒ๐š๐š ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ฆ๐จ ๐ฆ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐ฅ๐š ๐ฒ๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐š๐ฒ ๐ก๐š๐ฒโ€™๐š๐๐š๐ก๐š ๐š๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ฌ๐จ๐œ๐๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ฎ ๐ช๐š๐š๐›๐ข๐ฅ๐ฌ๐š๐ง d๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ˆ๐ง๐ ๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š.

Ugu horayn, Agaasimaha Guud iyo wafdigiisa ayaa wada hadal sare la yeeshay madaxda laamaha socdaalka ee dwoladda Ingiriiska kuwaas oo ku saabsanaa ka taageerista Hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda arrimaha teknolojiyada, xirfadda shaqaalaha, maareynta socdaalka iyo aqoonsiga baasaboorka Soomaaliga.

Wafdiga ayaa intii ay joogeen dalka Ingiriiska khibrad wadaag ahaan loo soo marsiiyay garoomada Manchester iyo Heathrow si ay u arkaan teknologiyada casriga ee loo isticmaalo maareynta socdaalka iyo sugidda amniga garoomada dalka.

Sidoo kale Agaasimaha Guud iyo wafdigiisa ayaa lagu marti geliyay Xafiiska Qaran ee Baarista Dukumeetiyada Been Abuurka ah, xafiiskaas oo gacan weyn ka geesta sugidda amniga dukumeentiyada dalka. Masโ€™uuliyiinta xafiiskan ayaa balan qaaday in Soomaaliya ka taageri doonaan samaynta baasaboor buuxin kara shuruudaha caalamiga ah ee loo yaqaan Jiilka 3aad.
Immigration and Citizenship Agency

Wasiirkii h**e ee Ganacsiga iyo Warshadaha Eng Cabdullaahi Cali Xasan marna kamid noqday Murashaxiintii u tartantay kurs...
01/04/2025

Wasiirkii h**e ee Ganacsiga iyo Warshadaha Eng Cabdullaahi Cali Xasan marna kamid noqday Murashaxiintii u tartantay kursiga Madaxweynaha Soomaaliya. ayaa soo dhoweeyay gogosha u fidiyay Madaxweynaha JFS Xassan Sheekh Maxamuud.

War qoraal ah uu soo saaray ayaa u dhignaa sidaan.

Waxaan bogaadinayaa si buuxdana u soo dhoweynayaa gogosha qaran ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u fidiyay dhammaan Siyaasiinta Iyo hoggaanka bulshada Rayidka Soomaaliyeed, si aragtidooda iyo dadaalkooda qeyb uga noqdo dagaalka lagu ciribtiraayo Khawaarijta diidan jiritaanka dowlad Soomaaliyeed oo ku dhisan nidaam dimoqraadi ah oo xor ah in ay dalka ka hana qaado.

Goโ€™aanka geesinimada leh ee Madaxweynu qaatay kuna doonaayo in meesha looga saaro kala aragti duwanaanta siyaasadeed waa talaabo mudan in la bogaadiyo, waxayna kusoo beegantay xiligii loogu baahi badnaa si loogu midoowo in la iska dulqaado cadowga dalka, dadka iyo diinta duulaanka ku ah.

Waxaan rajeynayaa in gogoshaan madaxweynuhu fidiyay ay aqbali doonaan siyaasiyiinta iyo hoggaanka bulshada ayna horseedi doonto midnimo iyo guul soo dedejiso ciribtirka khawaarijta islamarkaana horseedina doonto xasilooni siyaasadeed mid amni iyo horumar.

Waxaan Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay garab istaagan Dowladooda si looga guul gaaro dadaalka loogu jiro la dagaalanka argagaxisada Khawaarijta arxanka daran, isla markaana loo helo xasilooni siyaasadeed, amni waara iyo horumar bulsho.

Eng. Abdullahi Ali Hassan

Siyaasiga Eng. Abdullahi Ali Hassan oo kamid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed kuwaada ugu miisaanka culus oo Hambalyo u dir...
08/01/2024

Siyaasiga Eng. Abdullahi Ali Hassan oo kamid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed kuwaada ugu miisaanka culus oo Hambalyo u diray"Madaxweynaha la doortay iyo xigeenkiisa ee Puntland.

Wasiir h**e Injineer Cabdullaahi, kana mid ahaa musharaxiinta u tartamay xilka Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa dhambaalka uu soo dhigay bogga Facebook u qornaaa sidaan.

Hambalyo Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo mar labbaad loo doortay inuu hoggaamiyo Dowlad Goboleedka Puntland. Waxaan Allaah kaaga baryaa inuu kugu guuleeyo xilka iyo madโ€™uuliyada culus ee laguu doortay.

Waxaan kaloo u hambalyeynayaa Ilyaas Cusmaan Logatoor oo loo doortay Madaxweyne kuxigeenka Puntland illaaheey ha idiin fududeeyo masโ€™uuliyada aad qasdeen.

Mar labaad Hambalyo Madaxda la doortay, waxaan idiin rajeynayaa inaad si wadajira uga shaqeeysaan horumarka Puntland iyo guud ahaan Soomaalida

Wasiirkii h**e ee Ganacsiga iyo Warshadaha Injineer Cabdullaahi Cali Xassan, ayaa si adag ugu hadlay isku dayga gurracan...
02/01/2024

Wasiirkii h**e ee Ganacsiga iyo Warshadaha Injineer Cabdullaahi Cali Xassan, ayaa si adag ugu hadlay isku dayga gurracan ee heshiis ku sheegga Itoobiya.

Siyaasiga Injineer Cabdullaahi Cali Xassan oo marna kamid noqday Murashaxiintii u tartantay kursiga Madaxweynaha Soomaaliya. ayaa qoray sidaan.

Waxaan si aad u adag u cambaareynaa heshiis ku sheegga ay wada gaareen dowladda Itoobiya iyo maamulka Soomaaliland. Waa arrin aan marna la aqbali karin oo maangalna aheyn heshiis ku sheegga maamulka Somaliland iyo Abiya Axmad ku gaareen Addis Ababa, kaasoo xadgudub aad u weyn ku ah gobanimada, madaxbannaanida iyo qaranimada dalkeenna Soomaaliya.

Heshiis ku sheeggaan, waxaa kale uu ku xadgudbay xeerarka caalamiga ah ee Qaramada Midooobay, Midowga Afrika iyo kuwa urur goboleedyada oo dhamaantood xoojinaayo dhowrista iyo xormeynta madaxbannaanida iyo gobanimada dawladaha xubnaha ka ah ururrudaas oo ah mid lama taabtaan ah.

Heshiis ku sheeggaan xadgudbka aadka u weyn iyo duulaanka ku ah qaranimadeena iyo madaxbanaanideenna, waa in shacabka Soomaaliyeed ay meel uga soo wada jeestaan oo uu noqdaa midkii na mideyn lahaa oo aan dhammaanteen u istaagnaa difaaca iyo ilaalinta sharafta iyo ilaalinta gobanimada iyo madaxbannaanida dalkeena oo ah lama taabtaan.

Waxaan ku kalsoonahay in madaxda dowladeena ay ka soo saari doonaan goโ€™aano degdeg ah oo aad u adag oo farxadgeliya shacabka Soomaaliyeed islamarkaana shacabka ku hoggaamin doonaan sidii looga hortegi lahaa damaca waalida, boobka iyo qar iskartuurnimada ku dhisan ee Itoobiya la soo banbaxday.

Soomaali Wadajirta, mid ah, Ilaah idankiisa

Address

Maragwa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Shaaciye Media group posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share