17/01/2026
Abaarta ka jirta Gobolka Dawa iyo Saameynta ay ku yeelatay Bulshada
Gobolka Dawa ee Deegaanka Soomaalida waxa uu wajahaya abaar daran oo saameyn xooggan ku yeelatay nolosha dadka, xoolaha, iyo deegaanka guud ahaan. Bulshada gobolka waxa ay la tacaaleysaa cunto yari, biyo la’aan, iyo xaalado nololeed oo aad u adag, gaar ahaan degmooyinka ay abaaruhu si weyn u saameeyeen.
Xaaladdan ayaa u baahan gargaar degdeg ah iyo iskaashi dhinacyada dowladda, hay’adaha samafalka, iyo bulshada rayidka ah si loo yareeyo saameynta abaarta iyo in la badbaadiyo nolosha dadka iyo duunyada.
Ilaahey ha naga dhigo kuwo samir leh, naxariis iyo gargaar naga siiyo, hana naga baabi’iyee abaartan. Alle ha nagu hanuuniyo in aan garab istaagno kuwa dhibaatadu saameysay.
Wariye Hassan Oska
Hassan Mohamed Abdi
Mohamedsharif Malim Ibrahim Mohamed Bulshawi
Sharif Yunis
Shureymi Macalin Edaw
Isaq kiroch