
07/03/2024
Nuxur ahaan, furitaanka IRAD waxay na xasuusineysa isku milanka siyaasada iyo machadyada ka shaqeeya cilmi-baarisyada ee Soomaaliya. Dadku kalsooni badan kuma qaban machadkan (IRAD) ee maanta laga furay madaxtooyada Koonfur-Galbeed lakin hadii ujeedka laga leeyahay ee ah in shuko/jalbaab loo xiro Laftagareen, waxaa ku karaamo seegaya dhamaan inta ka shaqeesay aasaska machadka.