Toosane

Toosane personal page

Garsoore Omar Abdulkadir Artan  wuxuu maanta ku soo laabtay dalkiisa hooyo, wax saameyn ahna kuma yeelan dhacdadii Isir ...
10/06/2026

Garsoore Omar Abdulkadir Artan wuxuu maanta ku soo laabtay dalkiisa hooyo, wax saameyn ahna kuma yeelan dhacdadii Isir takoorka aheyd ee ka qabsatay dalka Maraykanka.

Ciyaartowda, garsooreyaasha iyo shaqsiyaadka caanka ah way la kulmaan caqabadaha noocaan ah, waxayse tani kaga duwan tahay xariirka ay la leedahay dhacdada Sport ee dunida ugu wayn (World Cup) iyo isirka shaqsiga.

Cumar Cartan wuxuu wax ku noqday kuna gaaray heerkaas magaca Soomaaliyeed, wuxuuna ahaan doonaa garsoore Somali ah, caalami ah, dhigayana taariikh dahabi ah.

28/04/2026

South Africa 😭

DEGDEG:- WASIIRKA DHALLINYARADA IYO CAYAARAHA SOOMAALIYA OO LA KULMAY WEJI-GABAX HEER CAALAMI AH!Ururka Olombikada Adduu...
20/03/2026

DEGDEG:- WASIIRKA DHALLINYARADA IYO CAYAARAHA SOOMAALIYA OO LA KULMAY WEJI-GABAX HEER CAALAMI AH!

Ururka Olombikada Adduunka oo ah Hey'adda Caalamiga ah ee taageerta Isboortiga Soomaaliya ayaa warqad faahfaahsan oo ay soo saartay waxa ay ku caddeysay in cidda keliya ee sharciyadda haysato oo ay aqoonsan yihiin ay tahay Ururka Olombikada Soomaaliyeed ee uu hoggaamiyo Mudane Axmed Xasan Wataac.

Ururka Olombikada Adduunka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha Soomaaliya uu qeyb ka yahay iskudayo lagu carqaladeynayo habsami-u-socodka Cayaaraha Soomaaliyeed, kaas oo ka dhashay abuurista kooxo ka baxsan hannaanka sharciga ah oo la rabo in lagu afgambiyo Maamulka la aqoonsan yahay ee Olombikada Soomaaliyeed.

Warqaddan ka soo baxday Olombikada Adduunka ayaa Dawladda Soomaaliya iyo dhammaan hey'adaha ku shaqada leh ka rajaysay in la dhowro sarreynta sharciga, lana ilaaliyo wada-shaqaynta ku dhisan xurmeynta ruuxda madax-bannaanida hey'adaha Isboortiga oo u xilsaaran horumarinta cayaaraha dalka.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay Hey'adda sharciga ah ee Olombikada Soomaaliya ay xalay dib ugu laabatay xafiiskeeda, ka dib maalmo uu si xoog ah uga haystay Wasiirka oo adeegsanayay ciidamo ka baxsan xeyndaabka sharciga.

General Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji ā€œQaloombiā€ oo loo yaqaano Cabdirisaaq Ereteriya ayaa maanta la wareegay xilka Taliyah...
07/03/2026

General Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji ā€œQaloombiā€ oo loo yaqaano Cabdirisaaq Ereteriya ayaa maanta la wareegay xilka Taliyaha Ciidanka Cirka.

Janankan waxaa si weyn loogu xasuustaa kaaliintii uu ku lahaa dhismaha ciidankii Ereteriya lagu soo tababaray. Waana khabiirka dhinaca tababarada iyo tayaynta askarta.

1-Bishii June 2023, Siciid Deni wuxuu isbadal damaciisa xambaarsan ku sameeyay qodobbo ka mid ah dastuurka Puntland, wax...
04/03/2026

1-Bishii June 2023, Siciid Deni wuxuu isbadal damaciisa xambaarsan ku sameeyay qodobbo ka mid ah dastuurka Puntland, waxaana diidmadii ka dhalatay arrintaas ay sababtay inuu dagaal hubeysan ka qarxo magaalada Garoowe, halkaas oo ay ku dhinteen dhowr iyo laabtan qof oo ay ku jireen 14 shacab ah.

2-Bishii July 2024, Axmed Madoobe ayaa isbadal ku sameeyay dastuurka Jubbaland iyadoo meesha laga saaray qodobkii xididayay inta jeer ee qofka loo dooran karo hoggaamiya maamulka. Markii h**e waxay aheyd labo jeer laakiin maadaama ay Axmed Madoobe labadii jeer ka dhamaatay, hada waxaa laga dhigay mid iska furan oo aan xadlaheyn. Sidoo kale mudo xilleedka ayuu Axmed Madoobe ka dhigtay shan sano.

3-Bishan March 2026, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xaqiijiyay ballanqaadkiisii doorashada ee ahaa inuu dhameystiro dastuurka, iyadoo aan dhib iyo dhiig ku daadan.

Xasan Sheekh waajibaadkii loo doortay waxaa ka mid aheyd inuu dhameystiro dastuurka, laakiin Siciid Deni iyo Axmed Madoobe looma dooran iney wax ka badalan dastuurada Puntland iyo Jubbaland.

Waxaa jira dad ay labada h**e la saxanyihiin, laakiin uu midka sadexaad la khaldanyahay.

Dastuurka cusub ee Soomaaliya.-----1-Madaxweynaha Soomaaliya waxaa dooranaya Baarlamaanka.2-Xildhibaannada waxaa doorana...
03/03/2026

Dastuurka cusub ee Soomaaliya.
-----
1-Madaxweynaha Soomaaliya waxaa dooranaya Baarlamaanka.

2-Xildhibaannada waxaa dooranaya shacabka.

3-Ra’iisul wasaaraha waxaa magacaabaya madaxweynaha.

4-Ra’iisul wasaaraha waxaa xilka ka qaadi kara Baarlamaanka.

5-Qofku labo jeer ayuu dalka madaxweyne ka noqon karaa.

6-Da'ada ugu yar ee qofka noqonaya madaxweyne waa 40 sano, da'ada weynaanta lama xadidin.

7-Madaxweynuhu waa inuu yahay Soomaali iska dhal ah. Micnaha qof hooyadii ajinabi tahay madaxweyne k**a noqon karo Soomaaliya.

8-Madaxweynaha, ra'iisul wasaaraha, labada gudoomiye Baarlamaan iyo gudoomiyaha maxk**adda sare waxaa ka mamnuuc ah iney yeeshan jinsiyad labaad. Waa iney celiyan jinsiyadda ajinabiga ah markii la doorto ama la magacaabo.

9-Madaxweyne, ra'iisul wasaare, gudoomiye Baarlamaan iyo gudoomiyaha maxk**adda sare ma noqon karo qof leh xaas ajinabi ah.

10-Maqaamka Muqdisho wuxuu noqonaya gobal caasimad ah, dadka caasimadda degan ayaa dooranaya Golaha deegaanka oo dooranaya gudoomiyaasha degmooyinka iyo Golaha caasimadda oo iyaguna dooranaya duqa magaalada. Dowladda Federaalka ah ayaa Muqdisho usoo magacaabeysa masuul sare oo maamulaya amniga iyo siyaasadda Muqdisho, halka duqa magaaladu uu masuul ka noqonayo heer maamul.

11-Hadii uu xildhibaanku wasiir noqdo wuxuu luminaya kursiga xildhibaanimada. Qofka badalaya waxaa la waafajinaya xeerka doorashada.

12-Da’ada qaangaarnimada diiniga ah waa 15 sano, da’ada qaangaarnimada masuuliyadda ama xilkasnimada waa 18 sano.

13-Mudo xilleedka rasmiga ah ee Dowladdu waa 5 sano.

14-Madaxweynaha, ra'iisul wasaaraha iyo labada gudoomiye Baarlaman waa iney hantidooda guurtada iyo ma guurtada ah u gudbiyan Hanti-Dhowraha guud ee Qaranka guusha doorashada ama magacaabista kadib.

15-Da'ada xildhibaanka ugu yaraan waa 25 sano, da'ada ugu yar ee wasiirkana waa 30 sano.

Dastuurkan hadii ay xildhibaannadu berri u codeeyaan wuxuu sharciyan dhaqangalaya markii uu madaxweynuhu saxiixo, halka qodobbada heer maamul ay dhaqangalayan 4 bilood ilaa lix bilood gudahood.

W/Q Aduunka Tv

27/02/2026

Hada Iyo Location-ka Salemto, ee Port Elizabeth (Eastern Cape, Koonfur Afrika) waxaa goordhaweyd lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray DAA’UUD IBRAHIM MUUSE

Koox Burcad ah ayaa la sheegay toogtay muwaadinka Soomaaliyeed isago ku guda jira howliisa shaqada Afurka kadib

Wariye Cumar Qabiirka oo gaaray dukaanka lagu dilay muwaadinka Soomaaliyeed ayaa faah faahinaya

Alle ha u naxariisto marxuumka, dambigiisana allh dhaafo, qabrigiisana Allah Ha u waasiciyo, Jannatul Firdowsana haka waraabiyo. 🤲

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Port Elizabeth iyo meel kasta oo ay joogaan.

Geeridu waa xaq, waana qadar Alle. Ilaahay samir iyo iimaan haka siiyo qoyskiisa iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee murugada la wadaagaysa.

šŸ•Šļø Samir iyo Iimaan.
🤲 Alle ha u naxariisto Daa’uud Ibrahim Muuse.

Saakow media EASTERN CAPE KOONFUR AFRICA

25/02/2026

Daawo; Mid Ka Mid ah Imaamyadda Xaramka oo Wiil yar Ku soo orday & Waxa dhacay.

Imaamka ayaa arkay askarta oo cunuga u diidaya inuu salaamo Imaamka; balse imaanka ayaa amray soo deynta cunuga. Waxa cajiiba wiilkii yaraa oo aad u faraxsan ayaa ka laabtay ka dib markii uu salamay Sheekha.

Address

Balad Weyn

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00

Telephone

+26879457207

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Toosane posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Toosane:

Shortcuts

Share