22/09/2025
Waa wiil hoog ah oo saar lugeed tumaya.
Markan camal gabdhaha saar-ka bixinayo waxay oran jireen iyagoo ragga kasii waalayo
Waxaad tahay baarqabe kol haddii aad bowdada bar goyso bilaawaha dhiig u yeel.
Haddii uu burur ka dhab yahay bilaawaha dhiig u yeel.
Raguna bilaawaha ayey gacanta la dhacaan.
Kadibna ragga kale waxay ku yiraahdaan
“War hoy wuxu waa bilcaane bari kuma booqanayso birta ay gaaladu tuntay iyo bilaawaha ha isku dilin.”
Waligaa saar ma ciyaartay?