04/09/2026
WAR-SAXAAFADEED: Koonfur Galbeed oo si adag u cambaareysay weerar diyaaradeed oo lagu qaaday guriga General Mahad Cabdi
Baydhabo — 4 Sebtembar 2026: Wasaaradda Warfaafinta ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerar ay sheegtay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkigu ay habeenkii xalay ka fuliyeen magaalada Doolow, kaas oo lagu bartilmaameedsaday hoyga General Mahad Cabdiraxmaan Cabdi, oo loo yaqaan General Shub.
Wasaaraddu waxay sheegtay in duqeynta lagu dhaawacay General Shub, halka sidoo kale ay ku dhinteen dad kale oo ku sugnaa gudaha guriga.
Qoraalka Wasaaradda ayaa lagu sheegay in weerarku uusan ahayn howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ama koox kale oo argagixiso, balse uu ahaa weerar militari oo si toos ah loogu qaaday guriga sarkaal Soomaali ah oo siyaasiyan ka soo horjeeda maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Wasaaradda Warfaafinta Koonfur Galbeed waxay ku tilmaantay dhacdada “kor u kac khatar ah oo ku yimid khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya”, iyadoo walaac ka muujisay in awood ciidan oo shisheeye loo adeegsan karo bartilmaameedsiga siyaasiyiinta iyo saraakiisha Soomaaliyeed.
Koonfur Galbeed oo dalbatay baaritaan
Wasaaraddu waxay Dowladda Turkiga ka dalbatay inay si degdeg ah u joojiso weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lagu bartilmaameedsanayo siyaasiyiinta iyo xubnaha mucaaradka Soomaaliyeed.
Waxay sidoo kale dalbatay in la caddeeyo cidda dooratay General Shub iyo hoygiisa bartilmaameedka, cidda codsatay ama oggolaatay howlgalka, iyo saldhigga sharci iyo midka militari ee lagu fuliyay duqeynta.
Sidoo kale, Wasaaradda ayaa ku baaqday baaritaan caalami ah oo madax-bannaan oo lagu sameeyo amarka, fulinta iyo khasaaraha ka dhashay weerarka.
Waxay ugu baaqday Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Mareykanka, Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka iyo dalalka gobolka inay si cad uga hadlaan dhacdadan, isla markaana dalbadaan isla-xisaabtan.
Wasaaradda ayaa xustay xiriirka dhow ee Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo sheegtay in iskaashiga milatari ee labada dal loogu talagalay xoojinta amniga qaranka iyo la-dagaallanka argagixisada, balse aan loo adeegsan karin caburinta ama weerarrada lagu hayo dhinacyada siyaasadda Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, Koonfur Galbeed waxay sheegtay in Soomaaliya aysan noqon karin goob ay siyaasiyiintu adeegsanayaan diyaarado shisheeye si ay uga hortagaan mucaaradkooda, iyadoo ku adkaysatay in mustaqbalka siyaasadeed ee dalka uu go'aaminayo shacabka Soomaaliyeed, ayna tahay inuusan ku dhisnaan cadaadis militari oo shisheeye.