Danan Media

Danan Media Page-kan waxaad kala socon doonataan warar dhex-dhexaad ah iyo dhacdooyin xiiso leh.

UPDATE: Kooxdii Soomaalida ahayd ee ciidanka badda Hindiya ay ku qabteen markabka MV Ruen ee u afduubnaa bilooyin ayaa h...
23/03/2024

UPDATE: Kooxdii Soomaalida ahayd ee ciidanka badda Hindiya ay ku qabteen markabka MV Ruen ee u afduubnaa bilooyin ayaa hadda la geeyay dalka Hindiya , iyadoo lagu wareejiyay ciidanka Booliska Mumbai oo la sheegay inay maxkamadda gayn doonaan , waxayna wajahayaan eedeymo la xiriira burcad badeednimo, afduub iyo inay iska caabin kala hortageen ciidanka badda Hindiya oo ay rasaas ku fureen , diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee wax sawirtana ka soo rideen.

Kooxdan oo ka kooban 35 nin , oo markii la qabanayay hubaysnaa ayaa la sheegay inay Booliska Mumbai dhowaan muddeyn doonaan xilliga ay billaabanayso dacwadooda oo sidoo kale lala socod siin doono safaaradda ay Soomaaliya ku leedahay Hindiya.

Iman Jama

Garoowe: 21 March 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa garoonka diyaaradaha ee Garo...
21/03/2024

Garoowe: 21 March 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa garoonka diyaaradaha ee Garoowe kusoo dhoweeyay Madaxweynihii h**e ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo.

UPDATE: Kooxda haysata markabka MV Abdullah laga leeyahay dalka Bangladesh ayaa duhurnimadii la xaqiijiyay inay la xirii...
20/03/2024

UPDATE: Kooxda haysata markabka MV Abdullah laga leeyahay dalka Bangladesh ayaa duhurnimadii la xaqiijiyay inay la xiriireen shirkadda iska leh markabka , balse waxba ma aysan ka dalban, iyagoo u sheegay shirkadda inay badqabaan shaqaalaha oo aysan jiri doonin wax dhibaato ah ama jirdil ay u gaysanayaan, si la mid ah markabka ayay sheegeen inay la socon doonaan xaaladihiisa, dibna ula soo xiriiri doonaan, sida u sheegay Mizanul Islam, oo ah la-taliyaha warbaahinta ee kooxda uu markabka hoostago ee KSRM oo la hadlay warbaahinta Bangladesh.

Iman Jama

UPDATE: Sirdoonka Itoobiya waxay sheegeen inay gacanta ku dhigeen 50 qof oo lagu eedeyay inay ka tirsanaayeen koox qarso...
20/03/2024

UPDATE: Sirdoonka Itoobiya waxay sheegeen inay gacanta ku dhigeen 50 qof oo lagu eedeyay inay ka tirsanaayeen koox qarsoodi ah oo diyaarinaysay weerarro argagixiso oo ka dhaca Addis Ababa iyo deegaannada ku dhow ee gobolka Oromia. Waxaa kalo kooxdan lagu eedeyay in ay gacan saar la leeyihiin qaar ka mid ah xerta kaniisadda Ortodokska ee Itoobiya (EOTC), iyaga oo ka faa'iidaysanaya dhismayaasha kaniisadaha oo la sheegay inay xudun u tahay howlgallan sida qarsoodiga ah loo diyaarinayay, sida ay ku warrantay shabakada Addis Standard.

Iman Jama

UPDATE: Sawirkii u horreyay oo laga helay markabka MV Abdullah, ayaa muujinaya sida aan h**ey halkan ugu soo gudbiyay in...
19/03/2024

UPDATE: Sawirkii u horreyay oo laga helay markabka MV Abdullah, ayaa muujinaya sida aan h**ey halkan ugu soo gudbiyay in markabka hub culus oo loo lidka diyaaradaha ah la saaray, tana waxay muujinaysa kooxda markabka haysata inay khibrad ka heleen kooxdii haysatay markabka MV Ruen oo ay ciidanka badda Hindiya gacanta ku dhigeen.

MV Abdullah, ayaa hadda la sheegay shaqaalaha saaran inay ka dhex shaqeynayaan gudaha markabka, waxa ugu weyna waa inan mar walba la socdaan heer kulma markabka si aysan dab u dhalin dhuxasha saaran, si la mid ah kooxda haysata markabka ayaa la siiyay xorriyad ah inay adeegsan karaan doomaha yaryar si ay xeebta uga soo gudbisan karaan agabka ay u baahanyihiin,maaddama ay gabaabsi siigalayaan raashiidka saaran markabka. Waxaana meel ka durugsan ku sugan markaba ay leeyihiin ciidanka badda Turkiga, kaa oo la socda dhaqdhaqaaqa MV Abdullah, wuxuuna markabka ka hortagaya in kooxdan ay u adeegsadaan inay weerarro ku qaadaan markabka. Dawladda Bangladesh iyo shirkadda iska leh markabka ayaa ka hor istaagtay ciidanka badda Hindiya inay markabka ku qaadaan weerar, taana waxay dhalisay inay Hindida isaga tagaan halka uu ku suganyahay markabka. Sidoo kale, dad si dhow ula socda xaaladda markabkan waxay ii sheegeen inaysan jirin wali wax wada-hadal ah oo la xiriira madax furashada ay doonayaan kooxda markabka haysata iyo shirkadda iska leh, balse waxaa jira xiriir wanaagsan oo ka dhaxeeya , kaaso hadda ku kooban kaliya badqabka iyo la socodka xaaladda shaqaalaha iyo markabka.

Iman Jama

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY AGAASIMAHA GUUD EE MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND. Garoowe: 19 March 2024: Madaxweynaha Dowla...
19/03/2024

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY AGAASIMAHA GUUD EE MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Garoowe: 19 March 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 003 ee 19-ka March 2024, ayaa magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad faqradiisa 5-aad iyo Qodobkiisa 109-aad faqradiisa 3-aad

Markuu arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waayo-aragnimadiisa shaqo.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo magacaabida Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

* Waxaa Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

UPDATE: Hindiya ayaa la gayn doona 35 nin ee Soomaalida ah oo ciidanka badda Hindiya ay ka soo furteen markabka MV Ruen,...
19/03/2024

UPDATE: Hindiya ayaa la gayn doona 35 nin ee Soomaalida ah oo ciidanka badda Hindiya ay ka soo furteen markabka MV Ruen, halkaa oo ay ku mari doonaan maxkamadeyn , iyagoo ku eedeysan burcad badeednimo, waxayna wajihi karaan xabsiyo muddo dheer ah.

Iman Jama

Danan Media kala warar iyo xogo sugan.
19/03/2024

Danan Media kala warar iyo xogo sugan.

Qoys Falastiiniyiin ah oo ku sugan Qasa , ayaa laga baahiyay sawirka afurkooda oo kaliya ka kooban, maraq, caleen iyo li...
18/03/2024

Qoys Falastiiniyiin ah oo ku sugan Qasa , ayaa laga baahiyay sawirka afurkooda oo kaliya ka kooban, maraq, caleen iyo liin-dhannaan!

Waa maxay xaaladan erayga aad ku cabiri lahayd?

Iman Jama

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa garoonka diyaaradaha ee Aaddan Cadde...
17/03/2024

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa garoonka diyaaradaha ee Aaddan Cadde ku sii sagootiyey mas'uuliyiin iyo muwaadiniintii Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay weerarkii khawaarijta al shabab ku qaadeen Hotelka SYL, kuwaas oo xaaladdooda caafimaad lagu soo daaweynayo dalka dibaddiisa.

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa safar shaqo ugu amba-baxay dalka Ereteriya oo ay tababar ku qaadanayaan qaar ka mid ah Ciidamada Qalabka Sida, isaga oo dhiggiisa dalkaas kala hadli doono iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ereteriya.

Address

Nairobi
0025

Telephone

+252615688002

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Danan Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Danan Media:

Share