Fu'aad-hayaan

Fu'aad-hayaan waxaan jeclahay Aqoonta diinta,suugaanta,tariikhda, juqraafiga iyo falsafada

waxa aan aad u xiiseyaa akhriska,sawir gacmeedka,qoraalka&tarjumaada.

Waxaan ku taamaya Helida Bulsho waxgarad wada ah.

30/09/2023

In mudo ah ayuu wuxuu ku xirna geed hoostiis waxayna ula dhaqmeen si aan wanagsanayn Eeb ha caafiyo aabahaas soomaaliyeed.
Ilahay ha ka abaal mariyo walaalkeen idle aaden.

02/04/2023

Meheri abid ugu walnaa ee dunida soo maray.

27/02/2023

Qof walba wuxuu leeyahay hibo iyo meel u ku wanagsan yahay intaas yarta waxay sharaxad buuxda ka bixinaysa Qabiilka inoo ah mabda'a aysan cidna ka tabi karin sidan ugu dhiiranahay iyo qaabka aan ugu shalayno sayidka barakaysan (idiris ) wuxuu tusaalo ahaan inoo tusayaa critical thinking waxa afka qalaad lagu yirahdo.

Xusuus qorka maalinlaha ahi waxa uu waayaha qaar ahaan jiray caado lagu faano, laakiin aad ayaa ay hoos ugu noqotay inti...
23/08/2022

Xusuus qorka maalinlaha ahi waxa uu waayaha qaar ahaan jiray caado lagu faano, laakiin aad ayaa ay hoos ugu noqotay intii uu soo baxay internet ku, gaar ahaan warbaahinta bulshada (Social Media). Dad aad u badan ayaa dhacdooyinka ay maalinlaha ula kulmaan iyo aragtidooda waayaha maalin kasta ay waajahaan waxa ay dhaqso ugu baahiyaan baraha xidhiidhka bulshada.
Si kastaba ha ahaato ee baadhitaanno la isku barbar dhigay waxyaabaha qofku uu ku qori jiray xusuus qorkiisa maalinlaha ah iyo qoraallada aynu dhigno baraha xidhiidhka bulshada, waxaa lagu ogaaday in ay aad ugu kala duwan yihiin dhinaca xogta la qorayo iyo faahfaahinteeda. Sababtuna waa in qofka baraha bulshada wax ku qorayaa aanu marar badan ku dhici karin in uu si badheedh ah u caddeeyo arrinta uu wax ka qorayo, iyo in aanu helin xorriyaddii uu haysan lahaa haddii uu wax ku qorayo buuggiisa gaarka ah. Taasi waxa ay suurtagelinaysaa in marka ay duruufuhu saamaxaan uu xusuusqorkan oo faahfaahsan dadka la wadaago.

Xeeldheereyaashu waxa ay sheegeen in xusuus-qorka maalinlaha ahi uu wanaajiyo caafimaadka jidheed iyo nafsadeed labadaba, isla markaana uu xoojinayo awooddiisa maskaxeed iyo hal-abuur.

Dhacdooyin iyo sheekooyin badan oo aad maanta goobjoog u tahay ama qayb ka tahay ayaa laga yaabaa in aanay macno badan kula lahayn, laakiin xilli dambe oo da’daada ka mid ah uu qiimahoodu soo baxo, ama ay qasab noqoto in jiilasha innaga dambeeya taariikh ahaan loogu gudbiyo.

Haddii aanad h**e xusuus qor u lahayn maanta bilow oo dhacdo kasta oo aad u aragto muhiim qor, goobta iyo goorta, jilayaasha, sababaha, cawaaqibka ka dhashay iwm. berri waxa ay noqon doontaa xog miisaan leh oo buug laga dhigi karo ama cid ka faa’idaysata loo sii werin karo. Haddiiba ay dhacdo in aanay faa’ido yeelan oo aad tuurto, waxa aad niyadda gelisaa in ay ka xumaan lahayd adiga oo inta aanad qorin, aad muhiimaddeeda ogaato beri dambe oo aanad xasuusan karin faahfaahinteeda.

Sida lagu xusay warbixin ay wakaaladda AP faafisay, faa’idooyinka xusuus qorka oo la caadaysto laga helo waxaa ka mid ah:

1. Waxa ay xoojisaa xusuusta qofka.
2. Waxa ay xoojisaa awoodda hal-abuur iyo curineed ee qofka.
3. Waxa ay dhistaa kalsoonida uu qofku naftiisa ku qabo.
4. Waxa ay wanaajisaa doodda iyo awoodda gorfayneed ee qofka.
5. Waxa ay xoojisa caafimaadka jidheed iyo nafsadeed ee qofka.
6. Waxa ay kobcisaa oo wanaajisaa habqoraalka qofka.

TALO:
Muhiim ma’aha halka aad ku qoraysaa, buug iyo qalin, talefan, kombiyuutar iwm, laakiin waxaa muhiim ah:

1. Joogtayn: In 3-dii ama 4 tii maalmoodba aad 15 illaa 20 daqiiqo u fadhiisato qoraalka wixii muddadaas aad u soo joogtay.
2. Waxa ay xeeldheereyaashu ku taliyeen In qoraalkaaga aad samayso subaxnimada ama ugu yaraan gelin h**e ee maalinta.

MAXAAD QORI?
Marar badan qofka qoraalka xusuus maalmeedka waxaa ka hor istaaga isaga oo u arka in aanay jirin arrimo mudan xusuus oo uu la kulmay maalmahaas. Waxa se aad ogaataa in waxyaabaha ay tahay in aad qorto ay ka mid tahay; in aad qorto dareenkaaga caadiga ah ee ku aaddan maalintaas (Sida dhaqaalaha, siyaasadda, arrimaha bulshada iwm), sida ay cimiladu tahay maalintaas, cid muhiim ah oo aad la kulantay, buug aad akhriday ama hal qodob oo aad buug akhris ka faa’iday iwm.

Qalinka: Kamaal Marjaan

19/08/2022

Xikmadii Luqmaan waa suurad Alle oo quraanka ka mid ah .. Luqmaan oo ahaa nin xikmad badan waxaa uu dhalay wiil la oran jiray Ashkam oo ka mid ahaa awlaadiisa, waxaana uu kula dardaarmay Wiilkiisa Xikmado muhiim u ah Qofka kasta oo Dardaaran u baahan Waxaana uu yiri Luqamaan :-

1.Wiil-kaygiiyoow cuntada ha iska badin oo hadii ay Calooshu buuxsanto waxaa seexata Fikrada waxaana daadata Xikmada Xubnuhuna Cibaada ayay ka fariistaan .. iskana ilaali inaad wax xaaraan ah cunto.

2- Wiil-kaygow, Qadarta Rabi ku qanac oo wixii kugu dhaca ama aad la kulantid ajar ka xisaabso, haddi aadan jecleysan Mahadnaq oo u sheeg naftaada in uu kheyr kuugu jiro oo ay kuu fiicantahay.

3- Wiil-keygiyow, Baro Aqoonta inta aadan aqoon, dadkana sii bar wixii aad baratay, hadii aad aragtid majlis ama qolo Alle xusaysana la fariiso waxaa laga yaabaa Alle inuu u naxariisto adiga uu kugu daro.

4- Wiil-keygow, Alle ka cabsiga ka dhigo wax aad ka ganacsatid faa'iidada ayaa kuu imaanaysa adiga oo aan waxba iibine .. ILahaay ka cabso mar walba .

5 - Wiil-keygow, Janaasooyinka raac oo tag .. xafladaha Arooskase ha u dhawaan, maxaa yeelay Janaasadu Aakhiro ayay ku xusuusin , Arooskuna Aduunyada ayuu kuu macaanayn .. Reer Aakhiro noqo oo reer Aduunyo ha noqon .

6- Wiik-keygow, Haddi lagu marti qaado waa inaad xakameysa naftaada oo aad xushmeysa cida ku marti qaaday .. ka taxdar indhaahaaga

7- Wiilkeygow, Hadii aad salaad Tukanaysid, ka taxaddir Qalbigaaga .. ka dhig qalbigaaga qalbi Alle (SW) u khushuucsan

8- Wiil-keygow, Waa in aad xasuusataa Allah ( SW ) oo aad ka mahad-celisaa nimcooyinka tirada badan ee uu kuugu deeqay .. Waa in aad xasuusataa Geeri iyo in ay dunidu tahay meel ku meel gaar ah oo aad mar un ka tagaysid .

9- Wiil-keygow, Waa in aad Iska iloowda wax waliba oo wanaag ah oo aad cid kale u gashay amase u samaysay iyo wax waliba oo xumaan ah oo ay cid kale kuu gaysatay .. Waayo abaal marinta dhabta ah waxa ay jirtaa aakhiro sidaa awgeed camal kaaga wanaagsan dib u dhigo.

Address

Nairobi

Telephone

+252616636230

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Fu'aad-hayaan posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Fu'aad-hayaan:

Share

Category