
09/06/2025
Siyaasiga danaysta ahi waa shakhsiga aan lahayn mabda’, meelo badana ka muuqda, balse midna dhab k**a aha. Marka laga guulaysto xisbigiisa halkii uu dib u milicsan lahaa sababtii lagaga guulaysta, isla markaana uu bulshada dib ugula noqon lahaa cod toosin iyo aragti dhisaysa xisbigiisi, wuxuu si degdeg ah ugu caraaraa xisbigii uu shalayto la dagaalamayay—isagoon ka xishoonayn hadalladii qadafka ahaa ee uu h**e ugu sheegay xisbigaa.
Ujeedadiisu ma aha adeeg dadwayne ama u adeegid mabda’. Waxa kaliya ee uu raadinayaa waa kursi—hadii uu maanta ka waayo xisbigii uu ka tirsanaa, berri wuxuu ku biirayaa oo jilbaha qabsanayaa xisbigii shalayto afkaartiisu la xumayd ee uu wakhtigii ollallihana ku tookhaayay innuu aaminsanyahay mabda’a Soomaaliwayn, ugana digayay in aannay dooran dadka reer Somaliland, si aanu ugu darrin xamar iyo Somaali wayn. Waa siyaasi aan mabda’ lahayn, xishoonayn, kana arraddan hogaamin iyo aamminaad siyaasadeed. Hadalkiisa h**e iyo ficilkiisa dambe isma waafaqaan. Dan dadwayne k**a hadlo, qaddiyad qaran hadalkeeda daa’, halgan toosanna waligiiba ma galin—Ujeedadiisu waa kursi iyo xil, meel kasta oo uu ka helayo.
Haddaba, waxaa xaqiiqo biyo k**a dhib-caana, in siyaasiga noocani aanu meel ku lahayn lagana soo dhawaynayn nidaam siyaasadeed oo leh damiir iyo isla-xisaabtan. Laakin marka siyaasada lagu galo dan gaar ah iyo hal hayso been ah, waxaa dhalanaysa niyad jab, nacayb siyaasadeed iyo kalsooni daro baahsan. Xaqiiqdii, siyaasadu ma aha jaah-wareer joogto ah oo kursi lagu raadinayo, waa masuuliyad iyo u adeegid dadwayne. Maxaa laga filan karaa siyaasi shalayto aflagaado iyo qadaf kula kacay xisbi qaran, maantana baryo iyo xil raadin marti u aga ah isla xisbigii iyo masuuliyiintii uu aflagaadada, qaddafka iyo eedda culus dusha ee baaadilka ahayd dusha u saaray. Siyaasiga nocani waa kii maahmadu lahayd ‘’Waraabe dhankii loo eryaaba waa u banaan’’.
Mudane madaxwayne waxaan ku xasuusinayaa in masuulka siyaasiga ah aad ku qiimeeyso mabda’a xisbinimo, tacabkii iyo abaalkii uu ku gashaday ee aad kursiga ku gaadhay, ee yaynaan ku qiimamayn kursiga uu doonayo. Mudane madaxwayne, waxaa beryahan dambe baraha bulshada hadal haynt badan ka dhaliyay, dhaqanka siyaasada Somaliland ku cusub oo xukuumadan lagu xamanayaa in siyaasiyiin shalay mucaarad xag jira ahaa, saf ugu jiraan xil-gadasho iyaga oo ku tookhaya inay iibsanayaa kuraasta ay ku fadhiyaan oo aanay cidna abaal ugu qabin, iyaga oo ku tiikhtiikhsanaya masuuliyiintii xisbiga ee ay shalayto iskhaga soo horjeeden ololihii doorashada madaxtooyada.
Mudane madaxwayne, aniga oo ka mida bulshadii ku dooratay walinna ku taageersan, illa hadanna la dhacsan sida aad qaranka u hogaaminayso, waxaan kaala dardaarmayaa in aannay siyaasiyiinta noocani tixgalin iyo aaminaad ku yeelan agtaada oo aannad ku aaminin masuuliyad qaran. Waxaana xaqiiqa ah in aanay waxba soo kordhinayn balse hadiiba ay dhacdo inaad siyaasiga noocasa aamintaa ay dhaawac ku keenayso kalsoonidii shacabkii ku doortay abaal ka dhacna ku noqonayso siyaasiyiintii iyo xisbiyahanadii shalay ku dhisay oo wali dabadda jooga. Horumarka qaranku wuxuu u baahan yahay siyaasi damiir leh oo saaxibul mabda’ ah, tacab iyo taageeraba ku lahaa dhismahaaga oo abaal ku gashaday. Waxaan kaga baxayaa, mudane madaxwayne, in aad qalinkaaga ku beeniso dacaayada raqiiska ah iyo hadalada aan laaqiga ahayn ee odhanaya in akhshaasta noocana ee aan kor ku soo sheegay xilal iyo dib-u magacaabis ka filayaan dhamaystirka xukumadaada cusub
Wariye mustaphe Bulshaawi .