Khaalid Caalam

Khaalid Caalam Noloshu waa Tacab

27/11/2025

Miisaaniyadda Somaliland ee 2026 Waa 420 Millions Oo Dollar taas oo korodhay 11%.

20/11/2025

Sababta Isr4il Wadamada Carabta uga Horeyso Dhinac Kasta!

Waxaan Maanta muddo kadib la kulmay Prof Cismaan Abokor Dubbe.Waa Macalinkaygii Saxaafadda, Siyaasadda iyo Taariikhda. S...
15/11/2025

Waxaan Maanta muddo kadib la kulmay Prof Cismaan Abokor Dubbe.
Waa Macalinkaygii Saxaafadda, Siyaasadda iyo Taariikhda. Senator Cismaan qofka la kulmaa wuxuu la kulmay 10 qof oo 10 aqoonood oo kala duwan ku hubaysan (he is a true polymath/multidisciplinary scholar).

13/11/2025

51 Sano Kadib ayuu Ogaaday in aanu Dhalin Caruurtiisii! Qiso Murugo Xambaarsan

11/11/2025

Damaca Cusub ee Soomaaliya ee Dhinaca Badda ah Sidii E-Visa.

10/11/2025

Madaxweyne Cirro: "Xaruntani Waxay Dhalin doontaa Guusha Xisbiga ee 2029-ka"

08/11/2025

Somaliland oo Khatar weyn Waajahaysa! Khatarta Daraagiska ayaa soo badanaysa

Bangiga Premier Bank Somaliland oo warsaxafadeed soo saaray"Ma jiro adeeg Evisa ah oo uu qabto Premier Bank Somaliland" ...
08/11/2025

Bangiga Premier Bank Somaliland oo warsaxafadeed soo saaray
"Ma jiro adeeg Evisa ah oo uu qabto Premier Bank Somaliland" .

08/11/2025

Madaxweyne Cirro oo Xadhiga ka Jaray Qalabkii Hawada lagu Maamulayey

Akhri Go’aanada Xukuumaddu ka soosaartay arinka Hawada.    Kadib shir ay yeelatay Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland oo...
08/11/2025

Akhri Go’aanada Xukuumaddu ka soosaartay arinka Hawada.

Kadib shir ay yeelatay Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland oo uu Guddoominayay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ayaa ka qabsoomay Xarunta Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda JSL maanta November 8th, 2025, shirkaasi oo lagaga wada hadlayay Arrinta eVisa-ha iyo Maamulka Hawada Sare ee Somaliland.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay soo saartay Bayaanka hoos ku sheegan oo la xidhiidha Arrimaha Hawada iyo eVisa.

“1. Maamulka, Madax-bannaanida iyo Bad-qabka Hawada (Airspace Sovereignty and Safety)
Xukuumadda JSL waxay cadaynaysaa inay iyadu leedahay Hawada Cirka, Dhulka iyo Badda ee Xuduudaha Jamhuuriyadda Somaliland, oggolaanshaha isticmaalkeedana laga qaadan karo oo kaliya Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda ee Somaliland, si waafaqsan Shuruucda Duulimaadyada ee Qaranka iyo kuwa Caalamiga ah.

2. eVisa iyo Shuruucda Socdaalka (Disapproval of Somalia’s unlawful eVisa)
Jamhuuriyadda Somaliland waxay caddaynaysaa in dal-ku-galka ay dhawaan soo saartay Somalia ee e-Visa aanu khusaynin Jamhuuriyadda Somaliland, aan lagu soo gali Karin, isla markaana Jamhuuriyadda Somaliland ay leedahay Nidaam u gaar ah oo socdaalka iyo safarrada ah.
Siyaasadda JSL ee socdaalku waa in dal-ku-galku yahay mid furan (Visa on Arrival), qof kasta oo u safraya Somaliland wuxuu dal-ku-galka ka heli karaa Madaaradda Hargeysa ee Cigaal International Airport iyo Berbera International Airport.

3. Shuruucda Duulimaadyada Hawada Sare ee JSL (Regulation of Flights within Somaliland Airspace)
Laga bilaabo November 10th, 2025 dhammaan diyaaradaha isticmaala Hawada Sare ee JSL waa inay haystaan oggolaansaha isticmaalka hawada ee Somaliland oo laga qaadanayo Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda JSL, diyaarad aan haysanin oggolaanshaha Somaliland ma mari karto hawadeeda, cidii sharcigaasi khilaaftana waxa laga qaadayaa tallaabooyinka la xidhiidha si waafaqsan shuruucda Aviation ee Somaliland iyo kuwa Caalamiga ahba.

4. Baaqa Beesha Caalamka (International Appeal)
Xukuumadda JSL waxay ugu baaqaysaa Hay’addaha Caalamiga ah (International Aviation Authorities), Wadaagayaasha Adeegyada Diyaaradaha iyo Duulimaadyada (ICAO, IATA), Qaramada Midoobay, Hay’addaha Dowladdaha ka dhexeeya ee daneeyayayaasha ah (bilateral and multilateral stakeholders), inay ku baraarugaan dhibaatada ka soo socota Hawada Somaliland iyo Somalia ee ay keentay tallaabooyinka ay qaaday Somalia ee ay ku siyaasadaysay Maamulka Hawada iyo Duulimaadyada Ray’idka ah oo ay ka dhigtay Hub ay kula dagaalanto Dowladda iyo Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, taasi oo halis amni ku ah bad-qabka diyaaradaha ganacsiga iyo kuwa rakaabka ee isticmaala Hawada Somalia iyo Somaliland.

Jamhuuriyadda Somaliland waxay ugu baaqaysaa Beesha Caalamka tallaabooyinkan:
1. In la hubiyo dhex-dhexaadnimada Maamulka Hawada sida uu dhigayo Sharciga Caalamiga ah iyo kuwa duulimaadyada ee Qaramada Midoobay, meeshana laga saaro khaladka ku jira System-ka Timatic ee IATA ee Madaaradda Jamhuuriyadda Somaliland sida khaladka ah ugu calaamadiyay inay ka mid yihiin Soomaaliya.

2. In la helo xal sharci oo lagu maarayn karo Dhibaatada Hawada ee ay Soomaaliya abuurtay, maadaama xaqiiqada jirtaa ay tahay in Jamhuuriyadda ay u madaxbannaan tahay Maamulka Dhulkeeda, Baddeeda iyo Hawadeeda.

3. In la sameeyo hab-raac (mechanism) daah-furan oo la xidhiidha Maamulka Dhaqaalaha Hawada Somaliland/Somalia ee sida khaldan gacanta loogu geliyay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

4. In ICAO samayso qiimayn madaxbannaan oo lagu sameeyo Maamulka Duulimaadyada iyo Madaaradda JSL, lana sameeyo nidaam si toos loogula macaamilayo Duulimaadyada Rayidka ah ee JSL.” Xukuumada Somaliland

07/11/2025

Shiinaha oo la Ogaaday inuu Been-Abuuray Biyo Dhicii Weynaa ee Dalxiiska!

06/11/2025

Maxaa Keenay Dhalinyarada Somaliland Siyaasad ku Mashquulaan Halka Dhigooda Xamar Ciyaaro iyo Fan ku Foogan yihiin?

Address

Nairobi
00610

Telephone

+16129865124

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Khaalid Caalam posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share