ceelbuur journalist

ceelbuur journalist male

15/08/2023

Guuleesta geyshaka yagow.
Balanteenu waa Ceelbuur iyo deeganada ku xeeran oo xur ah .

15/08/2023

Dhawaan ka filo War farxadleh degmada Wabxo.
Halkaan isha ku haay .

ceelbuur journalist

15/08/2023

Waqti dhow ka Dib degmada wabxo xurbey noqonee .

Halkaan isha ku haay.
ceelbuur journalist

DEG DEG :Ciidamada dowladda iyo ku dadka deegaanka ayaa maanta la wareegay deegaanka ceelqorof ee duleedka degmada wabxo...
15/08/2023

DEG DEG :
Ciidamada dowladda iyo ku dadka deegaanka ayaa maanta la wareegay deegaanka ceelqorof ee duleedka degmada wabxo.

Ciidamada ayaa si nabad ah kula wareegay halka ay isga carareen kooxdii AS .

Wixii War ka soo kordha halkaan isha ku haay .

ceelbuur journalist

14/08/2023

DEG DEG : Ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ayaa maanta u dhaqaaqay degmada wabxo ee gobolka galgaduud.

Waxa ayna dadka deegaanku inoo sheegeen in wabxo ay isaga bexeen koox AS .

Wixii War ka soo kordhaa halkaan kala soco.

ceelbuur journalist

13/08/2023

Warar caawa aan ka helnay degmada ceelbuur iyo dergaanada ku teedsan ayaa sheegaya in halkaa maanta waraaqado digniin ah ay ku daadiyeen diyaaradaha dronka ah ee ciidamada dowladda dhinaca hawada ka taageera .

Wararka ayaa sheegaya in dadka shacabka ah loogu baaqay in ay isaga fogaadaan goobaha ay ku suganyihiin kooxda shabaab iyo taliskooda.

ceelbuur journalist .fallow soo dheh si aad ula socoto warbixinada deegaanka .

12/08/2023

DEG DEG : ciidamada dowladda iyo
macaawisleyda murusade iyo Xawaadle oo caawa kaa b**a ku haya degmada wabxo ee gobolka galgaduud.

Ciidamada ayaa fadhiisin ka sameystay deegaanka dhisaqtiir ee hoostaga degmada wabxo.

Wixii faahfaahin ka sooboxo halkaan inagala soco

18/01/2023

Deg Deg : ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ayaa kaa b**a u ku haya degmada derri ee gobolka galgaduud

Waxa ayna wararku sheegayan in lala wareegi doono saacada soo aadan

Halkaan isha ku hay

Fallow ceelbuur journalist

24/11/2022

Qaraxa laga maqlay gudaha degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, waxaa daaqada hoygiisa/guriggiisa loogu xiray Taliye ku xigeenkii h**e ee degmada Wadajir.

Sida la ii xaqiijiyay wax khasaaro ah ma jiraan, oo aan ka ahayn burburka gaaray gurigga uu deganaa Taliyaha la beegsaday.

Ceelbuur journalist.

24/11/2022

Waxa la igu heesto waxa ey eheed maad shaqo nageysid

Wasiirka cadaaladda xasan macalin

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MAGACAABAY GUDDOOMIYE KU-XIGEENNADA IYO XOG-HAYAHA GUUD EE GOBOLKA BANAADIRMuqdisho, Nofeemba...
20/11/2022

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MAGACAABAY GUDDOOMIYE KU-XIGEENNADA IYO XOG-HAYAHA GUUD EE GOBOLKA BANAADIR
Muqdisho, Nofeembar 20, 2022;
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo tixraacaya soo-Jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u Heshiisiinta XFS ayaa magacaabay Guddoomiye ku-xigeenada iyo Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir.
Mudane Ciise Maxamuud Guure Guddoomiye Ku-Xigeenka Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda
Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) Guddoomiye Ku-Xigeenka Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga
Mudane C/Casiis Cismaan Maxamed Guddoomiye Ku-Xigeenka Arrimaha Bulshada
Mudane Xasan Maxamed Jimcaale Guddoomiye Ku-Xigeenka Howlaha Guud
Mudane Faysal Carraale Afrax Xog-Hayaha Guud.

DHAMMAAD

20/11/2022

Halganka ka biaawda hiiraan
Ragii hidiseynu nahayoo
By xusen shire
Kooxdii Qeylo dhaan

19/11/2022

Marxuum "Maxamed siyaad barre 18 bilood ayaa salaad gabeyre dusha ku siday isagoo meyd ah,taariikhda dilkii genaraal salaad gabeyre aragtidaada soo qor yaa kula qaldanaa markaa dhameysato khudbada siyaad barre,,,,,,,

19/11/2022

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa magaalada Baxdo ka sheegay in Galmudug ay tahay meeshii ugu h**eysay oo laga diido amarada AS

DEGDEG:  Najma AKA Mss World oo caan ka ah barta TikTok, ayaa lagu xiray magaalada Hargeysa oo caasimad u ah Somaliland,...
19/11/2022

DEGDEG: Najma AKA Mss World oo caan ka ah barta TikTok, ayaa lagu xiray magaalada Hargeysa oo caasimad u ah Somaliland, xilli ay safar dhulka ah halkaas ay ku gashay.

Horay ayaa sidaan oo kale loogu xiray Hargeysa, xilligaas oo dib loogu soo celiyay magaalada Muqdisho.

Booliiska Somaliland xubno katirsan oo aan la hadlay ayaa ii xaqiijiyey Najma, waxaana lasoo celinayaa berri oo Muqdisho laga dajinayaa.

Ceelbuur journalist

19/11/2022

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa guddoomiyaal cusub u magacaabay dagmooyinka Hodan, Waaberi iyo Boondheere.

Degmada Hodan Cali Ahmed Faarax
Degmada Boondheere Maxamed Deeyoo
Degmada Waabari Maxamed Sayid Cali.

Address

Nairobi

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when ceelbuur journalist posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share