25/10/2025
Shirkada taleefanada ee Apple ayaa bilaabaysa dhamaadka sanadkan 2025 talaabo cusub oo loo adeegsan doono baasaboorka safarka.
Tijaabadan cusub oo lagu samayn doono baasaboorka safarka wadama qaar ayaa fududeynaysa in nidaam digital ah la isugu xiro taleefankaaga iPhone-ka iyo baasaboorka safarka, sida hada ay isugu xiran yihiin Kaarkaaga bangiga iyo teefankaagu.
Talaabadan ma'aha mid meesha ka saaraysa isticmaalkii baasaboorka safarka ee warqada laakiin waa hindise la rajaynayo in mustaqbalka loo guuro.
Apple waxay taleefankaaga u rogi doontaa boorsadaada, furahaaga, aqoonsigaaga - iyo mardhow baasaboorka safarka oo digital ah.
Ma ku aamini lahayd Shirkada Apple Baasaboorka?