30/11/2025
๐๐ ๐ฌ๐๐ง๐จ ๐ค๐๐ก๐จ๐ซ ๐ฐ๐๐ฑ๐๐ฒ ๐๐ก๐๐ฒ๐ ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ฒ๐๐โฆ ๐ฆ๐๐๐ง๐ญ๐ ๐ฐ๐๐ ๐ฆ๐ข๐ ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐จ๐จ๐ฐ๐๐๐ฒ, ๐ข๐ฅ๐๐๐ก๐๐ฒ ๐ฆ๐๐ก๐๐๐๐ข๐ข๐ฌ.
2014 markii aan ka baxay dugsigaygii sare, waxaan talo u doontay mid kamid ah macallimiintii iigu dhowaa waqtigaas si aan u billaabo jaamacadda. Xilligaas waxaan aad u jeclaa in aan barto kuliyadda caafimaadka ee Daawada iyo Qalliinada (Medicine & Surgery), balse cabsi guud ayaan ka qabay inaan bilaabo jaamacadda, aqoon durugsan oo aan u lahayn waxbarashada heerka jaamacadeed awgeed.
Macallinkaygii wuxuu igu yiri: โAxmed, adoo kaalinta 1-aad ee school-ka galay ma aha inaad baqdo oo sanad dib u dhacdo.โ Wuxuu igula taliyay in aan tago Jaamacadda Benadir University oo waqtigaas iyo hadaba astaan u ahayd kuliyadaha caafimaadka dalka, maadaama ay ahayd jaamacaddii ugu horeysay ee billowday waxbarashada kuliyadda Caafimaad, kadib burburkii dowladdii dhexe!
Nasiib darro, duruufihii jiray awgood ma suurtogelin in aan ku biiro Jaamacadda Benaadir. Waxaan bilaabay jaamacad kale oo aan ka bartay kuliyadda caafimaadka, gaar ahaan Shaybaarka (2014 -2018).
9 sano kadib, Septermber 2022, waxaan iska diiwaangeliyay ๐๐ฎ๐ ๐ฌ๐ข๐ ๐ ๐๐๐ซ๐๐๐ฌ๐๐๐๐ค๐ ๐๐๐ซ๐ ee Jaamacadda Benaadir, gaar ahaan program-ka Master of ๐๐๐๐ฅ๐ญ๐ก ๐๐ฒ๐ฌ๐ญ๐๐ฆ๐ฌ ๐๐๐ง๐๐ ๐๐ฆ๐๐ง๐ญ, oo si rasmi ah u bilaabmay November 2023.
Labo sano oo dedaal joogto ah kadib, maanta program-kii wuu ii dhammaaday. Taas waxay ii horseedday in 10 sano kadib aan ๐ฌ๐ก๐๐ก๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ฌ๐ญ๐๐ซ-๐ค๐ ka qaato isla jaamacaddii aan ku riyoon jiray in aan Bachelor ka diyaariyo!