
20/04/2025
24 sano ka hor, Maxamed Abuubakar wuxuu ahaa nadiifiye ka shaqeyn jiray shirkad diyaaradeed oo lagu magacaabo Azman Air. Shaqadiisa nadaafada ayuu si xushmad iyo dadaal leh u gutay, isagoo waligiis niyadda ku hayey hal riyo oo keliya — in uu noqdo duuliye.
Lacagtii uu shaqada nadaafada ku qaadan jiray wuu kaydsan jiray, isagoo go’aansaday in uu maalintiisa iyo mustaqbalkiisa beddelo. Ugu dambeyn wuxuu is qoray machad lagu barto duuliyenimada, isagoo si taxadar iyo dulqaad leh u maray dhammaan heerarka adag ee barashada.
Sanado badan oo dadaal, dulqaad iyo caqabado uu la tacaalay kaddib, maanta Maxamed wuxuu noqday Duuliye buuxa (Captain) oo si sharaf leh loogu xidhay darajadaas. Waa isla shirkaddii uu ka ahaan jiray nadiifiye, haddana diyaaradaha ay isaga sugayaan in uu kaxeeyo!
Raganimo waa dadaal, qof walba haddii uu riyadiisa rumeysnaado oo uu juhdi la yimaado, wax celin kara majiraan. Farqiga u dhexeeya nadiifiye iyo duuliye waa hal eray: Dadaal.