Farhan media

Farhan media xoga sugan iyo xaqijin buuxda

18/03/2025

Mw dowlada federal somalia aya cawa xanuun san allaha cafiye waxa lashegaya ini calosha laga hayo.

14/01/2025

Meshan niman yohow wax ikala kiciya ma wayay xita hal Like mahelo kwrn.

27/10/2024

Ciidamada Israel ayaa wali ku hareeraysan waqooyiga marinka Qaza iyagoo wata baabuurta gaashaaman muddo 3 todobaad ah, waxayna xayiraad saren dhanka caafimaadka iyo cunada ah ku soo rogeen waqooyiga marinka Gaza, iyadoo maalin walba ay halkaasi ka dhacayaan xasuuqyo loo geysanayo xuquuqda go’doominta. Farhan media

26/10/2024

Deg Deg › xisbu allah : aya shegay inay ku garaacnay gantaal isku imaatin ay ciidamada Israel ku lahaayeen agagaarka magaalada Aita al-Shacab. Farhan media

24/10/2024

Wiil dhalinyaro ah oo sita Hooyadii oo ku dhaawacantay weerarki ka dhacay Waqooyiga Marinka Gaza, waxa una ula socdaa masaafo dheer.

Farhan media

23/10/2024

Difaaca madaniga ah ee waqooyiga Gaza: mid ka mid ah shaqaalaha mesha ka shaqeya ayaa ku dhiig baxaya waddooyinka mana jirto cid badbaadin karta. Alla umaqan. Rer falastin.. Farhan media

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay duqeymo ay la beegsadeen dad shacab ah oo aan hubeysneyn oo ku ...
18/10/2024

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay duqeymo ay la beegsadeen dad shacab ah oo aan hubeysneyn oo ku sugnaa Isgoyska Nassar ee magaalada Jabalia ee waqooyiga Marinka Gaza 🇵🇸 Farhan media

Talyaaniga oo faah-faahiyay sababta uu dal-ku-galka uga joojiyey baasaboorka Somalia.Dowladda Talyaaniga ayaa faah-faahi...
16/10/2024

Talyaaniga oo faah-faahiyay sababta uu dal-ku-galka uga joojiyey baasaboorka Somalia.

Dowladda Talyaaniga ayaa faah-faahisay sababta ay u joojisay dal ku-galkii lagu bixin jiray basaboorka Soomaaliga kaas oo dhawaan ay safaraadda Talyaaniga ee Muqdihso joojisay.

Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Pier Mario Daccò Coppi oo magaalada Rome kula hadlayey wariyaasha ayaa sharaxay sababta ay tallaabadaas u qaadeen.

Shurki Siciid oo ah wariye madaxbanaan oo deggan Roma kana mid ahayd wariyaal su’aalo waydiiyey safiirka ayaa sheegtay in safiir Pier Mario Daccò Coppi uu gaashaanka u daruuray in sababta loo joojiyay ay la xiriirto arrimo siyaasadeed..

Wuxuu sheegay in hakinta ay la xiriirto farsamo dhanka maamulka ah ayna wasaaradda arrimaha dibadda Talyaaniga ay hadda si toos ah ugu hawlan tahay oo ay sida ugu dhakhsiyaha badan ku xaliso.

“Maya sax ma ah in sidaa loo dhigo, waa joojin kooban, waana arrin maamul iyo qabanqaabin ku leh waaye, laakiin haba yaraatee wax siyaasad ku lug leh ma ahan waa arrin wasaaradda arrimaha dibadda Talyaaniga ay il gooniya ku hayso ayna sida ugu dhaqsiyaha badan ku xallineyso,” ayuu yiri.

Xog: Masar oo billowday inay dhisto howlgalkeeda milateri ee Soomaaliya.Masar ayaa billowday inay dhisto howlgalkeeda mi...
16/10/2024

Xog: Masar oo billowday inay dhisto howlgalkeeda milateri ee Soomaaliya.

Masar ayaa billowday inay dhisto howlgalkeeda milateri ee Soomaaliya ka hor inta aan la gaarin 31-ka December markaasi oo ku beegan xilliga ay dowladda Soomaaliya u qabatay in ciidamada Itoobiya ay ka baxaan dalka, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo.

Qaahira waxa ay sidoo kale tababareysaa oo ay taageeraysaa ciidamada ammaanka Soomaaliya ee dagaalka kula jira maleeshiyada Al-Shabaab.

Masar iyo Soomaaliya, oo xubno ka wada ah Ururka Jaamacadda Carabta ee fadhigiisu yahay magaalada Qaahira, ayaa bishii August kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhinaca milateriga ah. Masar ayaa tan iyo markaas u soo dirtay Muqdisho hub, la-taliyayaal ciidan, tababarayaal iyo kumaandooska la-dagaalanka argagixisada.

Kumanaan ka tirsan ciidamada Masar ayaa la filayaa in ay ku lug yeeshaan howlgalka milatari dhammaadka sanadka, sida ay sheegeen ilo-wareedyada. Itoobiya ayaa la rumeysan yahay inay Soomaaliya ka joogaan ilaa 22,000 oo askari.

Ciidamada Itoobiyaanka waxay dalka ku joogaan heshiisyo laba geesood ah, halka qayb kale ay ku joogaan in ay ka mid ka yihiin ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS. Farhan media

R/W Xamza oo qaabilay James Swan, kadib safarkiisii Kismaayo.Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabd...
15/10/2024

R/W Xamza oo qaabilay James Swan, kadib safarkiisii Kismaayo.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta qaabilay sii hayaha ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan oo haatan kasoo laabtay magaalada Kismaayo oo uu kula soo kulmay madaxweynaha maamulka Jubbaland.
Kulanka Xamza iyo Swan ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta ka dhaxaysa Soomaaliya iyo QM, iyada oo si gaar ah looga hadlay taageerada qorshooyinka mudnaanta u leh dowladda.

Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo qaaday arrimaha doorashooyinka oo uu ka taagan yahay muran xoogan, maadaama Axmed Madoobe uu diiday qorshaha Villa Soomaaliya ee qof iyo cod, arrintaas oo looga hadlay shirka golaha wadatashiga qaran ee magaalada Muqdisho.

Arrimaha kale ee laga wada-hadlay waxaa kamid ah xasillinta deegaannada laga xoreeyay Khawaarijta iyo arrimaha bini’aadanimada ee dalka.

Kulankan wuxuu kusoo aaday, xilli xasaasi ah isla markaana ay taagan tahay xiisad siyaasadeed oo culus, waxaana xilliyadaan oo kale dadaallo dheeraad ah sameeya James Swan, kaas oo Axmed Madoobe ugu tegay Kismaayo, si xiisadda loo qaboojiyo.

Si kastaba, ma jirto natiijo laga gaaray illaa iyo hadda dadaallada la sameeyay, waxaana lasoo wariyay in hoggaamiyaha Jubbaland uu ku adkeystay mowqifkiisa diidmada ah iyo inuu qabsanayo doorasho gooni ah oo deg deg ah.

Isbaheysiga Soomaaliya, Masar iyo Eritrea oo su’aal la geliyay sii socoshadiisa.Soomaaliya oo dhinaca saartay Masar iyo ...
15/10/2024

Isbaheysiga Soomaaliya, Masar iyo Eritrea oo su’aal la geliyay sii socoshadiisa.

Soomaaliya oo dhinaca saartay Masar iyo Eritrea ayaa dhawaan wuxuu shir saddex geesood ah ugu soo dhamaaday magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

Madaxweynayaasha dalalka Soomaaliya, Masar iyo Eritrea ayaa shirkaasi ku gaaray go’aanka isbaheysi cusub oo yeesheen saddexda dal, iyada oo marka h**e la dhisayo guddi saddex geesood ah oo ka kooban wasiirrada arrimaha dibadda ee saddexda dal, si loo dardar-geliyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee dhinacyadan.

Xulafaysiga Soomaaliya ee Masar iyo Eritrea ayaa imanaya xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda dalalkan kala dhaxeysa Itoobiya, gaar ahaan Soomaaliya oo si weyn usii kala fogaadeen kadib markii ay Addis Ababa heshiis la gaartay Somaliland, kaasi oo dhabaha u xaaraya damaca guracan ee Itoobiya ku dooneyso bad.

Isbaheysigan ayaa waxaa durba ka dhashay su’aallo, ayada oo wasiirkii h**e ee arrimaha dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad uu sheegay in uusan wax badan sii jiri doonin xiriirka xulufaysiga ah ee ay Soomaaliya la yeelatay dalalkaan.

Cawad ayaa ku tilmaameysa isbaheysigan mid ay ku deg-degtay Soomaaliya, isagoo ku dooday in aysan xilligaan jirin wax sabab ah oo Soomaaliya ku kalifaya in ay isbahaysi weyn la yeelato Masar iyo Eritrea. Farhan media

Muxuu yahay heshiiska laga gaaray biyaha webiga Niil ee Masar iyo Sudan diideen?Heshiis caalami ah oo ku saabsan maareyn...
15/10/2024

Muxuu yahay heshiiska laga gaaray biyaha webiga Niil ee Masar iyo Sudan diideen?

Heshiis caalami ah oo ku saabsan maareynta biyaha webiga Niil ayaa dhaqan galay inkastoo si xooggan ay uga soo horjeedaan dalalka Masar iyo Suudaan.

Kadib in ka badan toban sano oo wadaxaajood ah, heshiiska Iskaashiga Gobolka Webiga Niil ayaa loogu talagalay in lagu xalliyo khilaafaadka taariikhiga ah si loo hubiyo in dalalkan kor iyo hoosba ay ka faa’iideysan karaan biyaha Niil.

Kheyraadkan ayaa marar badan noqday xudunta khilaaf gobolka, gaar ahaan ka dib markii Itoobiya dhistay biyo xireenka oo ay doonayso in ay ka dhaliso koronto.

Address

Maragwa

Telephone

+447438519663

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Farhan media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share