30/09/2025
Ganacsatada Waqooyi Bari ee ku dhaqan Magaalooyinka Laascaanood iyo Buuhoodle ayaa beeniyey in Gaadiid Xamuul ah oo bilihii u dambeeyey ay qabsadeen qaar ka mid ah ganacsatada gobolada Bari iyo Mudug ee Puntland oo Hanti deyn ay u sheeganayeen inay kaga maqan tahay 179,363.5 Dawlada Waqooyi inaanay bixin cid aan ahayn ganacsatada iyo maamulka Waqooyi Bari ka dib markii maalinimadii shalay ay warbaahinta Puntland ka sheegteen in Shakhsiyaad Reer Puntland ah ay lacagtaasi bixiyeen.
Lacagtan oo dhamayd 179,363.5 ayaa waxaa bixiyey maalinimadii shaley Ganacsatada Waqooyi Bari oo kaashanaya Dawladooda Waqooyi Bari iyo Qurba Joogtooda , Waxaana ay la soo daayey gaadiidkaa oo u rarnaa ganacsatada.
Waxaana ay sidoo kale sheegeen in aanay jirin warka sheegaya in Taliyaha Ciidanka Police ka Soomaaliyeed Gen.Asad Diyaano uu lacagtaasi wax ka bixiyey .