08/05/2026
Musharaxad Tahira Mohamud Oo Isu Sharaxday Kursiga HOP-235 Ee Deegaan Doorashadiisu Tahay Waqooyi Bari
Musharaxad Xildhibaan Tahira Mohamud ayaa isu sharaxday kursiga tirsigiisu yahay
(HOP235) kaasoo deegaan doorashadiisu tahay Waqooyi Bari
Tahira waa Gabadh aqoon, karti iyo himilo fog leh, oo u taagan matalaad dhab ah iyo horumar bulsho. Tahira waxay ka mid tahay dhalinyarada Soomaaliyeed ee wax ku bartay kuna soo barbaartay dibadda, gaar ahaan dalka Maraykanka, waana qof leh aragti ballaaran iyo waayo aragnimo
Iyadoo ka soo jeedda deegaanada Waqooyi Bari Soomaaliya, Tahira Mohamud waxay go’aansatay inay aqoonteeda iyo khibraddeeda dib ugu celiso dadkeeda,
si ay uga qayb qaadato dhismaha dowladnimo hufan, cadaalad ah, oo ka shaqeysa danaha shacabka. Waa musharaxad fahamsan baahiyaha bulshada, gaar ahaan dhalinyarada, haweenka, iyo horumarinta adeegyada aas-aasiga ah sida waxbarashada iyo caafimaadka.
Tahira waxay astaan u tahay hoggaan cusub oo ku dhisan daacadnimo, isla xisaabtan iyo u adeegid shacabka. Waxaa laga rajeynayaa inay noqoto codka dadka aan la maqal,
isla markaana horseed u noqota isbeddel muuqda oo wax ku ool ah.
Tahiira maxamuud waa aqoonyahan Master-ka haysata Culuumta Caafimaadka
Waana (Nurse Practitioner)
Waxayna ku jirtaa Sanadkii ugu dambeeyay ee shahaadada dhakhtarnimada.