
28/01/2023
Nin 111 sano jira oo Carro uga maqnaa qoyskiisa 66-sanno dibna ula midoobay
Nin u dhashay dalka Uganda oo la waayay sannadkii 1957kii isagoo 45 jir ah ayaa ugu dambeyntii dib ugu soo laabtay xubno ka haray qoyskiisa ,waxaana ninkan muddo 66-sanno la weysanaa nolol iyo geeri halka uu ku dambeeyay.
Patrice Okubal kasoo jeeda beesha Iteso ee degta Uganda ayaa dib ula midoobay qoyskiisa talaadadii, kaddib markii uu dib ugu laabtay gurigii uu deganaa oo kuyaalla tuulada Guyaguya ee degmada Soroti oo h**e loo oran jiray Katakwi.
Odaygan qoyskiisa dib ula midoobay hadda jira 111 sanno, waxaana dad badan aad ula yaabeen in ninkan 66 sanno kaddib dib ugu soo laabtay tuuladii uu kasoo jeeday ee degan yihiin dadka beeshiisa iyo xubno katirsan qoyskiisa.
Patrice Okubal waxaa si kal iyo laab ah loogu soo dhoweeyay dabbaaldeg laba maalmood socday oo qoyskiisa iyo dadka isku beesha yihiin u sameeyeen , waxaana soo dhaweyntiisa loo gowracay lo’ iyo ari.
Okubal ayaa la rumeysan yahay inuu ka tagay gurigiisa kaddib markii la sheegay inuu hantidiisa ku waayay ciyaar khamaar ah uu dhigtay, waxaana tan iyo xilligaasi la waayay halka uu jaan iyo cirib dhigay.