12/11/2024
XUSKA XASUUQII WARAABEEYE/HAYAAG!
………………………………………………………………….
‘’Ma damaniye daynkayga waan daba galaayaaye." Abwaan Soomaaliyeed
Xasuuqii Waraabeeye ee ka dhacay HAL IYO NIRIG, eeriyada degmada Luuq, gobalka Gedo 05/08/1991! Taariikh foolxun oo lagu gummaaday beesha Magan Xuseen Hayaag Dhulbahante iyo Maxamed Xuseen Hayaag Dhulbahante oo lagu naaneyso Waraabeeye ee deganaa tuullo hoos timaaddo degmada Luuq Ganaane, Gobalka Gedo 1991. Waa taariikh aan weli wax laga qorin, la wada ogeyn iyo soo bandhigin sidii ay u dhacday, dadkii sameeyay iyo kuwii ay ku dhacday. Dhacdo ka mid ah kuwii ugu darnaa iyo foolxumaa ee ka dhaca geyiga gobalka Gedo oo aan weli la xusin ayaynnu halkaan ku soo baahineynaa qoraal iyo muuqaal ee akhris iyo daawasho wacan.
SU’AALAHA IYO JAWAABAHA
Sidee ku dhacay xasuuqaas? Sababta uu u dhacay waa maxay xasuuqa? Qaabkee u dhacay? Maalintee iyo bishee ayuu dhacay? Goormee dhacay? Intee iyo goobtee ka dhacay? Tirada dadkii la xasuuqay waa meeqaa? Dadkii wax xasuuqay waayo? Yaa amarka bixiyay ugaas iyo hoggaamiye in dadka la xasuuqo oo maanta nool? Taariikhda raggaas wax xasuuqay ma la yaqaanaa iyo meesha ay joogaan hadda? Maxaa ka dhashay xasuuqaas? Meelihii ay deganaan jireen dadkaas waa intee? Yaa qaatay dhulkaas hadda oo degan? Waxyaabaha hantida ee laga dhacay iyo boobay maxaa ka mid ahaa? Maxaa loo diwaangelin iyo baahin waayay taariikhdaan fooshaxun si aysan markala ugu dhicin jiilasha dambe ee beesha Waraabeeye? Hartiga waqooyi ma la socdaan taariikhdaan? Yaa usoo gurmaday oo badbaaddiyay Waraabeeye intii badbaadday? Sidee iyo qaabkee ku badbaaddeen dadkii badbaadday? Sidee ku dageen iyo ku yimmaadden asalkoodii markii h**e Waraabeeye dhulkaas? Ugu dambeyn, macallinweynaha dadka xasuuqay yaawayo qabiil ahaan?
Taariikhda Xasuuqii Waraabeeye!
‘’Marka la eego warbixin uu qorey Xassan Jaamac waxa uu yiri’’1989 ayaa gogol la dhigay degmada Luuq, nabadoonkii Dhulbahante (Qayaad) ee reer LUUQ Ganaane ahaa oo ganacsade Cayddiid Cali Xassan Shiil la oran jiray Allaha u naxariista ayaa 10 nin oo Waraabeeye ah martiqaad u sameeyay, Daaroodka LUUQ joogayna waa uu isugu yeeray oo martiqaadkii ayay joogeen, sida Adan Warsame Barre/guddoomiyahii Golaha DEEGAANKA LUUQ iyo Gurxan Xirsi Adan Taliyihii Saldhigga Booliska LUUQ Ganaane. Laga bilaabo maalintaas kadib beesha Waraabeeye waxaa loo aqoonsaday beel Daarood, Kablalax, Harti ah, Dhulbahante Hayaag ah, waxaana loo caleemo saaray nabadoon Cabdinuur la dhihi jiray bisha 5-aad 1989 oo hadda aan nooleyn. Waxaana lagula balamay inay ka soo guuraan degaankaas oo dhanka Gedo soo degaan maaddama colaad la dareensanaa, laakiin nasiibdarro iyaga oo ku jira geeddigii qorshihiisa ayaa la ogaaday xogtooda oo la xasuuqay. Dagaalkii sokeeyo markii uu dhacay Caydiid Cali waxaa uu ku ku dhintay dagaalkii LUUQ bishii maarso 1991. Isla sanadkaas bishii Agosta 1991, waxaa xasuuq ba’an oo bahalnimo ah loo geystay Beesha Waraabeeye, xoolihiina waa laga dhacay. Marreexaankii LUUQ, gaar ahaan reer Xassan, Howraarsame iyo reer Axmed ayaa u gurmaday oo soo badbaaddiyay. Waxaa ciidankaas hoggaaminayay Korneelkii reer Xassan ee jifada Ibraahiim ee la oran jiray Maxamed Barre Axmed (Anjalo), xoolaha iyo raggii Waraabeeye intii hartay waxaa loo gudbiyay Gobolka Gedo, shacabkii Waraabeeye waxaa la geeyay Mandhera Kenya, degaanka Qalaaliyoow oo qayb kala sii daganeyd.’’ Xassan Jamac Warsame (Internet), Al-akhbaari Ganaane News, Baardheere.
Maxaa loo xasuuqay shacabkaas xoolo dhaqatada Dhulbahante ahaa?
Ujeedka iyo sababta loo xasuuqay Waraabeeye waa cadaawad iyo naceyb loo qabay Daarood markii ay dowladdii dhexe ee Somaaliya burburtay, macallinweyne ciil ay u qabeen Daarood ayay kaga aargoosteen dadkii la daganaa miyiga nawaaxiga tuullooyinka Luuq hoos yimaaddo oo ay ogaayeen inay asalkooda Daarood yihiin. Majirin dagaal dhexdooda ka jiray ama isku dhac arrimo gaar ahaaneed oo ka dhaxeeyay macallinweyne iyo Waraabeeye oo la isdhihi kara waa sababta loo xasuuqay dadkaas reer miyiga ahaa. Keliya Waraabeeye waxa uu deganaa dhulkaas oo xoolaha iyo reeraha ku dhaqnaayeen wakhti badan. Mana ahayn dad hubeysan iyo dhibaato ku ahaa deegaankaas.
Goobta uu xasuuqa ka dhacay deegaan iyo juqraafi ahaan gobalka Gedo ayay xisaabsan tahay, laakiin waxaa degan oo ku badan Raxaweyn, gaar ahaan beesha macallinweyne oo ka mid ah beellaha Raxaweyn. Waana aga gaarka deegaanka lagu magacaawo Yurkud, meesha xasuuqa uu ka dhacayna waa tuullo la dhaha ‘’Hal iyo Nirig’’ oo 9km ayay u jirtaa Yurkud oo macallinweyne iska leeyihiin. Luuq iyo deegaanka Yurkudna waxay isku jiraan 45km oo meesha dadka lagu xasuuqay ma ahan deegaanka Marreexaan ay degan yihiin ee dhinaca Gedo soo xiga. Waa deegaanka usii dhow gobalka Bay, degmada Bardaale iyo Baydhabo ee dhulka Raxaweynta xiga, balse waa eeriyada degmada Luuq laga xukumo ee Raxaweynta/macallinweyne degan yihiin.
Dadkii la xasuuqay waa 78 qof oo carruur, dumar iyo rag wada ah ayaa inta meel xero ah lagu aruuriyay xabbad sida ushii la la dhacay iyaga oo aan aqoonin sababta loo laynayo iyo waxa ay galabsadeen! Welibana dadka laynayo waa kuwii ay la daganaayeen iyo is yaqaaneen muddo badan. Waxaana la qafaashay qaar dumarkii ka mid ah oo iyagana loo geystay jariimo iyo gaboodfal ka dhan ah islamnimada iyo bani aadamtanimada. Dadkii badbaadday waxa ay isugu jireen kuwa ay mayd ahaan ugu tageen, kuwa baxsaday/ka orday oo intii ayaa tarantay oo maanta degmada Luuq ku nool iyo qaar degmada Mandera ee Kenya joogta. Xoolaha reerka laga dhacay waxaa lagu qiyaasaa tiro ahaan 900 neef oo geel ah oo ay ka sii dhiman yihiin ari iyo lo’. Dadkii intii baxsatayna waxa ay noqdeen sabool iyo kuwa la nool jugtii dhaawacyadii iyo taroomadii soo gaaray oo aan garab iyo gurmad Hartiga waqooyi weli ka helin. Xataa maydkii dadka ay xasuuqeen macallinweyne ma duugin, taas oo ku tusineyso inaysan bani aadam ahayn.
Macallinweyne hadafkoodu wuxuu ahaa inay dabarjaraan iyo ciribtiraan dadkaas oo qofna ka badbaaddin, laakiin ma suurtagalin riyadoodii cadownimada iyo doqonnimada ahayd oo Waraabeeye Illahay iyo beesha Marreexaan ayaa badbaaddiyay. Inkastoo ay dhaawac iyo raad xun ugu tageen beesha Waraabeeye oo qof walba oo beeshaas ah waalidkiis, walaalkiis ama abtigiis ay meesha ku dhinteen oo dhibane u wada yihiin jarriimadaas jir iyo nafsad ahaan. Welibana ay ku sii ceyroobeen oo u burbureen maskax iyo iyo nafsiyad ahaan saameynta xasuuqaas.
Yaa u gurmaday Waraabeeye oo badbaaddiyay? Waxaa u gurmaday ciidammo Marreexaan ahaa oo uu hoggaaminaayay korneel Maxamed Bare Axmed la oran jiray beesha reer Xassan ee Ibraahiim ahaa, waxaana la socday ciidamadda Howraarsame iyo reer Axmed. Waxaa sidoo kala gurmadka qayb ka ahaa Daaroodkii iyo Hartigii kala ee joogay degmada Luuq iyo Waraabeeye ka soo gurmaday dhanka Mandera Kenya, degaanka Qalaaliyoow iyo Areeri Hoosle. Dadkii la soo badbaaddiyay qaar magaaladda Mandera (Siliga/xero kaam) ayaa loo gudbiyay, qaarna Luuq ayaa la dejiyay. Haddii aan intaas laga soo badbaaddin lahayn dhammaan waa ay dabarjari lahaayeen, laakiin Illahay ayaa ka badbaaddiyay inta tarantay maanta ee Luuq iyo Mandera, Kenya, Qalaaliyoow iyo Areeri Hoosle deegaanka ku ah.
Liiska qaar ka mid ah dadkii Waraabeeye ee la xasuuqay magacyadooda!
1. Kiyere Isaq Xuseen
2. Isaq Mukhtar Libax
3. Ibrahim Cawerey Aadan
4. Cabdinuur Maxamed Doodi
5. Isaq Cusman Gurxan
6. Ibrahim Dulale Xuseen
7. Ibrahim Cali Yare
8. Cabdulahi Ibrahim Cali
9. Malaq Isaq Xuseen
10. Maxamed Xuseen Aadan
Raggii xasuuqa ka dambeyay iyo amarka bixiyay yay ahaayeen? Yaa ka nool maanta kuwii hoggaaminaayay xasuuqaas?
1. Madyare Maadoow: Waa hoggaamiyihii ugu sarreeyay ciidanka ee lahaa amarka dadka lagu xasuuqay, wuuna dhintay oo si foolxun ayuu u dhintay sida la sheegay. Waa nin ka dhashay beesha macallinweyne ee Raxaweyn.
2. Aadan Malaaq ‘Shaarubcows’: waa ninkii sahanka ahaa iyo xoolaha wax ka dhacay oo wuu noolyahay, waana ugaas ka mid ah ugaasyada macallinweyne ee deegaanka Yurkud. Waa sawirka koowaad.
3. Suuni Baalaloow: Waa ninkii ciidanka watay, waa noolyahay oo tuullooyinka degmada Luuq hareeraheeda ayuu joogaa, welibana isla maanta ayuu u hanjabayaa Waraabeeyaha Luuq jooga! Laakiin maanta Waraabeeye degmada Luuq wax laguma yeeli karo, oo tolkood Marreexaan, gaar ahaan beesha reer Xassan ayaa jooga oo la gala xisaabtamayaa waxkasta oo ka dhaca degmada Luuq maaddaama ay Luuq degmo Daarood, Marreexaan, gaar ahaan reer Xassan tahay. Hartiga iyo Kablalaxa Kismaayana waa inay la socdaan arrintaan.
Gobannimada iyo dhaqanka Soomaalida kuma jirta in dad magan iyo marti ku ah deegaankaada la waxyeeleyo, la dilo ama la dhaca xoolahooda. Laakiin gobannimo iyo dhaqanka dadka cawaanka iyo waxmagaratada ah ma yaqaanaan, oo wax ma xeeriyaan. Waana taariikh iyo godob foolxun oo beesha macallinweyne u diiwaangashan foolxumada xasuuqaan sooyaalka ku xusan. Beesha Daarood, gaar ahaan Kablalax iyo Harti waa u diiwaangashan yahay xasuuqaan. Waana la is kala xisaabtami marka ay noqotoba..
Runtii meeshaas waxaa ka dhacay xasuuq iyo gummaad aad u culus, oo ka dhan ah insaannimada, islamnimada, gobannimada, darisnimada, oo aan weli la diiwaangelinin iyo ummadda Soomaaliyeed loo soo bandhigin. Kaas oo aysan dad badan oo dhallinyaro reer Gedo iyo Dhulbahante ama Hartiga waqooyi ah ka warheynin foolxumadii dhacday ee qayb dadkii tolkood ahaa lagu xasuuqay. Waana markii kowaad oo wax laga qoro iyo duubo jariimadda xasuuqaas ee loo geystay beesha Waraabeeye oo ah qabiilka Dhulbahante. Qofkii ugu horreeyay ee wax ka qoro iyo saxaafadda ka adeejiyo qaddiyadda xasuuqaan waa qoraaga reer Luuq ee Yaxye Xassan Aadan oo markii loo sheegay qalinka u qaatay inuu ummadda Soomaaliyeed iyo beellaha Harti tacaddiga iyo xasuuqaan taariikhiga ah usoo bandhigga dulmigii laga galay beeshe Waraabeeye ee reer Luuq.
Waraabeeye goormee yimid dhulkaan lagu xasuuqayo? Sidee ku yimid? ‘’Sida aynnu ka soo xiganay nin beeshaas u dhashay oo reer Luuq ah, lana dhaha Ibraahim; ‘’waxa uu yiri’’ Waraabeeye asalkoodii h**e waxaa loo soo diray Sahan xilli abaar ahayd intii aysan ka soo tagin caro Dhulbahante, waxa ay soo dageen dhulka Xawaadle iyo Ogaden isgalkooda, cabaar kadib waxa ay soo dageen dhulka Gaaljecel iyo Raxaweynta iska galaan, waxa ay ugu sii gudbeen meesha lagu xasuuqi doono ee dhulka Marreexaanka iyo Raxaweynta u dhaxeyo ah. Waxaa soo hayaamiyay abaaro, waxa ay daganaayeen 200 sano dhulkaan, mana ay soo noqon xilligii sahanka loo soo diray, reer miyi deegaanka iyo daaqsinka waddaaga ayay ahaayeen iyaga iyo macallinweyne, caanahana waxa ay keeni jireen degmada Luuq Waraabeeye inta aan laga dhicin xoolahooda, lana xasuuqin.’’
Waa sharci iyo nidaam caalami ah in la diiwaangeliyo wixii xasuuq dhaca iyo dadka geysto jariimadda iyo godobtaas. Waxa uuna waajibkaas saaran yahay saxaafadda, qoraayada iyo waxgaradka jooga deegaanka iyo goobta uu ka dhaca xasuuqa. Inta badan xasuuqyada waa dhaxal taariikheed oo ku suntan baalka madoow ee taariikhda bani aadamka. In dadka wax xasuuqa la la xisaabtamo, buuggaag laga qoro iyo mediyaha/saxaafadda laga sheego waa waajib saaran qof kasta oo damiir iyo garasho wanaagsan leh. Xisaabta Eebe ee aakhiro inta aan la gaarin waa in adduunka ay ku arkaan natiijada gaboodfalka ay galeen oo walwal iyo cabsi ku dhammeystaan nolosha dambiilayasha dadka xasuuqo.
Raxaweyn, Hawiye iyo Isaaq wixii loo geystay waa xusaan iyo sheegaan markasta, waana kuwa adeecadaha iyo tiifiiyada ka sheego. Waxaana jira buuggaag iyo wargeyso badan oo ay ku qoreen dadka u dhashay labadaas beel taariikhda dadkooda la xasuuqay iyo liiska magacyadooda. Kuwii dibadda joogayna maxkamad ayay ku dacweeyeen, siiba beesha Isaaq. Raxaweyn Daaroodkii qaxaayay 1991 jidka ayay u gashay, oo ka furteen wixii ay siteen, laami iyo musbaar la dhaceen, dhibaato weyn ku faleen, kuwii la deganaana waa xasuuqeen sida Waraabeeye. Daarood ma sheeg sheegaan xasuuqa loo geysto sida qabiiladda kala ay u xusaan dhibka ku dhaca. Waxa ay u arkaan liidnimo, laakiin taariikhda lama qariyo oo waa kayd iyo dhaxal jiilasha dambe loo reebo inta la qoro oo dhigaal iyo dukumiintari dhaxalgal ah laga sameyo.
Maxaa la gudboon Hartiga iyo Kablalaxa Jubaland ama waqooyi jooga qaddiyadda xasuuqa Waraabeeye/Hayaag ee Luuq degan? Horta ma ogyihiin xasuuqaan xogtiisa iyo taariikhdiisa? Maxaa looga baahan yahay inay sameeyaan?
Waa inay diiwaanka kaydka ku daraan xasuuqaan fooshaxun. Inay godobtooda aqoonsadaan oo dadkii la xasuuqay ee ehelkooda diiwaangashadaan maaddama xasuuq uusan wax sahlan ahayn. Inay dadkaas walaaladood ah ee cadowga xasuuqay ay la socdaan xaaladdooda oo ka warhayaan. Welibana beesha macallinweyne maanta waxa ay usoo dhaaranayaan beesha Waraabeeye oo taasna waa in la la socda Dhulbahantoow. Siiba labadii nin ee xasuuqa geystay ayaa maantana usoo hanjabayo Waraabeeyaha Luuq jooga iyo dadkii ay xasuuqeen iyaga oo dambiilayaal aan la la xisaabtamin ah. Ugaasyada, saraakiisha iyo siyaasiyiinta Kablalax iyo Harti ee Kismayo jooga waa inay qaddiyadda kiiskaan xog-ogaal u ahaadaan oo taageero, difaac iyo xuquuq ahaan dhisaan beesha Waraabeeye. Jaalliyadda qurbojoogta Dhulbahante inay gurmad iyo gargaar u fidiyaan dadkii xasuuqaan ku naafoobay iyo ceyrtoobay maskax iyo jir ahaan ee degmada Luuq jooga oo ku tabaaleysan.
In kor loo qaada tacliin ahaan oo laga taageero dhinaca waxbarashada, si ay ugu dhex muuqdaan oo wax ula qaybsadaan bulshada gobalka Gedo iyo degmada Luuq. In garaadada Dhulbahante, garaadka Hayaag, aqoonyahannada, siyaasiyiinta, qurbojoogta iyo ganacsadayaasha beesha Hayaag ay il-gaar ah ku soo eegaan qaddiyadda kiiskaan xasuuqa ah oo guddi soo kormeera degmada Luuq usoo diraan ama la soo xiriiraan garaadka Waraabeeye ee degmada Luuq ku sugan. In wax laga qoro ama duubo oo laga sameyo barnaamijyo iyo baaritaan taariikhi ah oo saxafiyiinta Dhulbahante ay wareysiyo la yeeshaan garaadka Waraabeeye ee degmada Luuq jooga.
Taariikhda oo aan la qorin iyo baahin waa musiibo ku dhacda dadka aan waxbaran iyo lahayn dhaqanka qoraalka afka qalaad iyo afka hooyo. Taariikh iyo xog badan oo aan wax laga qorin iyo soo bandhigin oo la la dhintay ama maskaxda uun lagu hayo ayaa jirta sababo jira dartooda. Waraabeeye waa inuu xusaa xasuuqii ku dhacay, waana ay ka dhasheen qabiil godobtiisa diiwaangashan kara oo maamul goboleedka SSC-Qaatumo ayaa la dhahaa. Macallinweyne xasuuqaas waa in lagula xisaabtamo oo Daaroodka iyo Hartida Juballand degan diiwaangashadaan gummaadkii dadka ehelkooda lagu sameeyay. Inkastoo laga falceliyay wakhtigaas, laakiin Dhulbahante waqooyi lama socdo badankiisa taariikhda xasuuqaan loo geystay dadkooda reer Luuq. Kaydka taariikhda waa inuu ku darsada xasuuqaan Dhulbahante.
Sidaas darteed, xasuuqaas waxaa loo geystay Daarood iyo Harti oo dhan, waana in lagu dara liiska dadkii Daarood ee la xasuuqay 1991 ee ka kala dhacay Muqdisho, Gobalka Hiiraan/Banbalaayo/Ogadenkii lagu xasuuqay iyo Yurkud/Hal iyo Nirig Dhulbahante lagu xasuuqay, waxaana xasuuqaas Waraabeeye ka dambeeyay macallinweyne oo ka mid ah beellaha Raxaweyn oo daganaa dhulka uu xasuuqa ka dhacay oo u dhaxeyo jidka Baydhabo iyo Luuq dhexdooda.
Raadraac: Dad goobjoog ahaa xilligaas iyo dhibanayaal. Dadkaas waxaa ka mid ah:
1. Ibrahim Ahmed Maxamed
2. Maxmed Cabdi Joof (Joof Yare).
3. Shide Cabdi Joof
4. Xassan Jaamac Warsame (Internet), Al-akhbaari Ganaane News, Baardheere.
FG: Maqaalkaan waxaa qorey: Agaasimaha Akademiyadda Filo, Yaxye Xassan Aadan oo Qoraa iyo Filosof reer Luuq ah (Filo Academy &Warbaahinta Filo Media).