Hamza Mx

Hamza Mx wll soo dawow fadlan subscribe deh channel Keega

Cabsideyda ayaa ah in haddii taalada si rasmi loo furo, ay Hindida caabudi doonaan.. 😂
12/12/2025

Cabsideyda ayaa ah in haddii taalada si rasmi loo furo, ay Hindida caabudi doonaan.. 😂

Wuxuu hadiyad ahaan u siiyay gurigii ay nadiifisay.. 🙏🥰Haddi aad tahay dadka xiiseeya muuqaalada xiisa leh fadlan follow...
12/12/2025

Wuxuu hadiyad ahaan u siiyay gurigii ay nadiifisay.. 🙏🥰

Haddi aad tahay dadka xiiseeya muuqaalada xiisa leh fadlan follow deh profile-ka.. 🫡❤️

Waxay u egtahay in Gandhi uu wax ka bartay khaladaadkiisii .. 😂💔
12/12/2025

Waxay u egtahay in Gandhi uu wax ka bartay khaladaadkiisii .. 😂💔

12/12/2025

Ninkaan ma ku qaldan yahay wuxuu sameeyay.. 🤔👇

Aamiin.. ❤️🤲
12/12/2025

Aamiin.. ❤️🤲

Hala badiyo saliga nabiga ﷺ SCW saliga nabiga waxaa uu furaa albaabada camalka wanaagsan. ❤️❤️
12/12/2025

Hala badiyo saliga nabiga ﷺ SCW saliga nabiga waxaa uu furaa albaabada camalka wanaagsan. ❤️❤️

Shimbirka Zaqzaq wuxuu ku wareegaa meelaha ay ku nool yihiin yaxaasyadu. Marka yaxaasku uu dhammeeyo cunidda ugaadhkiisa...
12/12/2025

Shimbirka Zaqzaq wuxuu ku wareegaa meelaha ay ku nool yihiin yaxaasyadu. Marka yaxaasku uu dhammeeyo cunidda ugaadhkiisa, hadhaaga cuntada ayaa ku soo hara afkiisa, kuwaasoo xanuun u keeni kara una waxyeeli kara mustaqbalka.

Markaasuu yaxaasku afkiisa furaa, si uu shimbirkaas u yimaado oo uu u cuno dhammaan hadhaaga cuntada. Sidaas darteed, shimbirku wuu dhargaa oo gaajada ayaa ka ba'da, halka yaxaaskuna ilkihiisa nadiifiyo.

Subxaanallaah! Waa Eebbe kan baray yaxaaska inuusan afkiisa ku xirin shimbirka Zaqzaq.

Waa Eebbe kan baray shimbirka Zaqzaq inuu si kalsooni leh ugu istaago afka yaxaaska isagoo og inuu waxyeeloobi doonin.

هَٰذَا خَلْقُ اللَّهِ فَأَرُونِي مَاذَا خَلَقَ الَّذِينَ مِن دُونِهِ ۚ بَلِ الظَّالِمُونَ فِي ضَلَالٍ مُّبِينٍ

"Kani waa abuurka Alle, ee i tusa waxa ay abuurayaan kuwa isaga ka sokow. Xaqiiqdii, daalimiintu waxay ku jiraan baadi cad."

12/12/2025

Intii ay haweeney Isbaanish ah ku jir­tay socdaal gudaha saldhigga tareenka, ayay aragtay nin cabsan oo si aan degganayn ugu socday meel u dhow wadada tareenka.

Haweeneydu waxay istaagtay iyadoo indhaha ka daawanaysa ninka, balse si lama filaan ah ayuu miisaankiisii u lumay oo wuxuu ku dhex dhacay wadada tareenka. Isla markiiba, haweeneydu waxay hawlgelisay nidaamka gurmadka degdegga ah ee saldhigga, waxayna si geesinimo leh ugu degatay wadada si ay u badbaadiso iyadoo aan wax shaki ah muujin.

Dhacdadan waxay ka dhacday Saldhigga Plaza España.

12/12/2025

Los Angeles
Haweeney ayaa hortay istaagtay maqaayad Korean ah oo mashquul ahayd, waxayna bilaawday inay ku qayliso dadka joogay goobtaas, iyada oo leh “Dalkiinni ku laabta”
Inkasta oo lagu dadaalay in la dejiyo oo lagu yiraahdo inay meesha ka dhaqaaqdo, haddana waxay sii waday qaylo iyo buuq

taas oo keentay in boolisku yimaadaan oo ay isla markiiba xiraan.

Bal qiyaas inaad telefoonkaaga ku furto garaaca wadnahaaga.. 😱🤯Haddi aad tahay dadka xiiseeya muuqaalada xiisa leh fadla...
12/12/2025

Bal qiyaas inaad telefoonkaaga ku furto garaaca wadnahaaga.. 😱🤯

Haddi aad tahay dadka xiiseeya muuqaalada xiisa leh fadlan follow deh profile-ka.. 🫡❤️

Markuu Qur’aanku doorto qofkiisa, waa sheekada nin aan raadin muuqaal ama caannimo, balse iftiinka Qur’aanka ayaa u hors...
12/12/2025

Markuu Qur’aanku doorto qofkiisa, waa sheekada nin aan raadin muuqaal ama caannimo, balse iftiinka Qur’aanka ayaa u horseeday inuu galo guri kasta oo Muslim ah.

Tuulo yar oo ku taal Sa‘iid, ee Masar, ayaa waxaa ku dhashay ilmo aan cidina filayn inuu noqon doono astaanta akhriska Qur’aanka ee dunida Islaamka.

Ilmahaas wuxuu ahaa Sheekh Muxammad Siddiq al-Minshawi, kaas oo ku soo koray guri Qur’aanka u ahaa laf-dhabarka iyo ruuxda reerka.

Wuxuu xifdiyay Qur’aanka isagoo siddeed jir ah. Inkastoo codkiisu markaas ahaa cod caruureed, haddana wuxuu lahaa cod gaar ah oo ahayd hibo Ilaahay siiyay, oo si toos ah qalbiga u galaysa.

Markii uu weynaaday, codkiisu si dabiici ah ayuu u faafay, isaga oo aan raadin magac, muuqaal ama faan.

Maalin maalmaha ka mid ah, Idaacadda Qur’aanka Masar ayaa la soo xidhiidheen waxayna ka codsadeen inuu u safro Qaahira si uu u galo imtixaanka rasmiga ah ee diiwaangelinta, laakin wuu ka diiday.
Xataa markii ay ku yidhaahdeen, “Haddii aadan iman karin annagaa kuu imanayna,” haddana sidoo kale wuu ka diiday.

Markaas ayay idaacaddu samaysay wax aanay cid kale h**e ugu samayn: waxayna isaga dartii ugu safreen Sa‘iid, iyaga oo ka soo baxay Qaahira, bisha barakaysan ee Ramadaan, si ay codkiisa si toos ah u maqlaan.

Markuu bilaabay akhrinta Qur’aanka, wejiyadoodu isla markiiba way is beddeleen. Waxayna yidhaahdeen:
“Codkani waa inuu gaadhaa dunida oo dhan.”

Kadib dalab badan iyo sharaxaad ay si xushmad leh u bixiyeen oo ku saabsan muhiimadda codkiisa, ayuu ugu dambayn oggolaaday sheikha, inkasta oo uu asal ahaan ka fogaaday iftiinka, kaamerooyinka iyo sumcad raadiska.

Tan iyo maalintaas, codkiisu wuxuu noqday cod Muslimiintu jecel yihiin akhris dejinaya qalbiga, dhaqaajinaaya ruuxda, oo qofka taabanaya xitaa haddii uusan af Carabi ga aqoon.

Mar uu Sheekh Minshawi lagu casuumay munaasibad diini ah oo ay imanayaan masuuliyiin sar sare, ayaa mid ka mid ah qabanqaabiyayaashu ku yidhi:

“Madaxweyne Jamaal Cabdilnaasir, Madaxweynaha Masar waqtigaas, kana mid ahaa hoggaamiyeyaashii ugu saamaynta badnaa Carabta, ayaa iman doona. Arrintaasi waa sharaf weyn oo adiga kuu kordhaysa.”

Laakiin Sheekha oo ahaa nin mabda’ adag ayaa ku jawaabay hadal taariikh da galay:
“Sharaftu isaga ayay u tahay, waayo Qur’aanka ayuu maqli doonaa.”

Sidoo kale, Sheekh Maxamed Mutawalli Al Shaacrawi, caalim Masri ah oo aad loo ixtiraamo laguna yaqaan tafsiirka Qur’aanka, ayaa isaguna si qoto dheer u ammaanay Minshawi. Waxa uuna yidhi:

“Kuwa sida Minshawi u akhriya Qur’aanka waxay u socdaan sidii doon dhex sabbaysa badda Qur’aanka, doontaasna ma istaagayso ilaa Maalinta Qiyaamaha.”

Sheekhu wuxuu u safri jiray dalal badan, codkiisuna wuxuu furay qalbiyo badan oo aanu isagu waligiis arag ama garan.
Mar uu ku daahay garoon diyaaradeed oo dal shisheeye ah, wuxuu si fudud ugu fariistay dhulka, wuxuuna bilaabay akhriska Qur’aanka.

Dadka garoonka joogay waxay iskood ugu soo urureen, iyaga oo uu soo jiitay codkiisa macaan iyo degganaanta qalbigiisa.

Waxaa xitaa loo bixiyay “Codka Ooyaya,” ma aha murugo darteed, ee waa daacadnimada, khushuucda iyo saamaynta tooska ah ee codkiisa oo u ekaa qof kaligiis Rabbigiisa la hadlayo.

Maalmihiisii ugu dambeeyay, dhakhaatiirtu waxay ku taliyeen inuu akhriska joojiyo maadaama jirkiisu daciifay.
Laakiin isaga Qur’aanku ma u ahayn shaqo .. wuxuu u ahaa noloshiisa oo dhan.

Wuxuu akhriyey ilaa neeftiisii ugu dambaysay.
Waxa uu nooga tagay cod aan dhamaan doonin, oo weli ku dhex nool qalbiyada Muslimiinta.

Allah ha u naxariisto Sheekh Maxamed Siddiq al-Minshawi cod dahabi ah, khushuuc leh, oo weligiis noolaan doona.

Haddi aad tahay dadka xiiseeya muuqaalada diiniga ah fadlan follow deh profile-ka.. 🫡❤️

11/12/2025

Hinduuga waxay leeyihiin caado la yidhaahdo Pativrata Dharma, oo micnaheedu yahay waajibaadka xaaska daacadda u ah ninkeeda.
Caadadan, ninka waxaa loo arkaa sidii ilaah, wixii ka soo burqanayana way quduusyeeyaan.. 😂

Xaasku waxay dhaqdaa cagaha ninkeeda, biyaha ka da’ayana waxay u yaqaanaan Charan Amrit, oo macnihiisu yahay Raxiqa cagta ee barakaysan.
Kadib, xaasku waxay cabtaa biyahaas si ay barako uga hesho sida ay u rumaysan yihiin.

Laakiin Alxamdulillaah, Islaamku waa diin ilaalisa karaamada haweenka, u dammaanad qaaday xuquuqdooda, kana dhowra wax kasta oo dhaawici kara qiimahooda ama sharafkooda..

Address

Https://maps. App. Goo. Gl/ohK1HFb2VhKua8VDA
Nairobi
00100

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hamza Mx posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share