12/08/2026
🔴 Soo noqosho wacan akhyaarta sharafta leh..
Kadib muddo aan ka nasanay falanqeynteeni siyaasadeed iyo diiwaankii dhacdooyinka caalamka,
caawa waxaan idiin wadaa xog iyo dhacdooyin aad u culus oo dunida ka socda..
Haddaba inta aydnaan hoos u degin, fadlan qormadan sii share-gareeya si ay u gaarto dadka xiiseeya falanqeynta dhabta ah..
⚫️ Aan ku bilowno Odaygii Trump ahaa oo u dhaqmay sidii jilaa filimada Hollywood-ka..
Sida ay baahisay jariidada The Guardian ee Ingiriiska, Trump oo ku sugnaa dalka Turkiga ayaa si qarsoodi ah loogu dhex qariyay "Kunteenarka cuntada ee diyaaradaha"..
si loola baxsado oo loo saaro diyaarad kale oo ammaan ah..
Sababta? Sirdoonka ayaa helay xog muujinaysa in Iiraan ay qorsheyneysay inay khaarajiso..
Bal ila qiyaasa, ninkii adduunka ugu awoodda badnaa ayaa maanta cabsi darteed sanduuq cunto lagu dhex qarinayaa si loo badbaadiyo.. 🤣
Tani waxay si cad inoo tusaysaa sida sirdoonka Iiraan ay mararka qaar u dhex geli karaan xisaabaadka waaweyn iyo cabsida dhabta ah ee haysata reer galbeedka..
🟡 Dhanka kalena, saacadihii la soo dhaafay maxk**ad ku taalla gudaha Suuriya...
ayaa xukun taariikhi ah oo dil toogasho ah ku riday dhiig-yacabkii Bashaar Al-Asad iyadoo uusan maxk**adda goobjoog ka ahayn..
kadib markii lagu helay dambiyo dagaal iyo xasuuq ka dhan ah bini'aadantinimada..
Runtii waa war lagu farxo, waxaana rajaynaynaa in Insha Allah uu goosado wixii uu beeray, oo ummaddii uu xasuuqay uu caddaaladdooda mar uun wajaho..
🟢 Haddaba intaas haddii aan ka gudubno, aynu u nimaadno dulucda qormadeena caawa..
iyo ciyaarta wasakhda ah ee xilligan ka socota dalka Liibiya..
Dalkaas waxaa hadda si xiriir ah uga dhacay saddex dharbaaxo oo lala beegsaday xudunta amniga qaran, dhaqaalaha iyo shidaalka..
Dhacdooyinkan waxaa la fuliyay si gaar ah xilli ay Liibiya bilowday inay cagaheeda isku taagto,
Masarna ay u aragtay beddelka istiraatiijiga ah ee lagaga kaaftoomi karo shidaalka Khaliijka..
Aan idiin faahfaahiyo waxa meesha ka socda iyo dabinada la dhigayo si aad ii fahamtaan..
🔵 Maalmahan, warshadaha sifeynta shidaalka ee Liibiya, gaar ahaan warshadda magaalada Zawiya oo ah tan ugu weyn dalkaas,
ayaa si isdaba joog ah loogu garaacay diyaarado Drones ah oo aan la aqoonsan cidda iska leh..
Weerarradaas waxaa la gaystay ilaa shan jeer oo is xigta..
Tusaale ahaan, diyaarad Drone ah ayaa dhawaan garaacday kayd shidaal oo ay leedahay shirkadda Brega oo ku dhex taal xarunta Zawiya..
Kaydkan oo ay ku jireen 4.5 milyan oo litir oo shidaal ah ayaa gabi ahaanba burburay markii uu dab weyn qabsaday.
Waxaa taas sii dheer in sidoo kale diyaarad kale ay beegsatay xarun biyaha sifeysa..
Xaaladdu waxay gaartay heer Hay’adda Shidaalka Qaranka ay ku dhawaaqdo xaalad degdeg ah,
iyagoo sheegay inay gabi ahaanba xiri doonaan xarumahan haddii aysan weerarradu joogsan, maadaama arrintu faraha ka baxday..
Tani ma aha wax iska dhacay, sababtoo ah waxay ku soo aadaysaa xilli wax soo saarka Liibiya uu gaaray heerkii ugu sarreeyay tan iyo sanadkii 2013,
isagoo gaaray qiyaastii 1.44 milyan oo foosto maalintii..
🟣 Dharbaaxada labaad ee lala beegsaday Liibiya ma ahayn mid dhaqaale ee waxay ahayd mid amni,
waana shil halis ah oo ka dhacay bartamaha magaalada Bengaasi..
Jeneraal Fawzi Al-Mansouri, oo ahaa Madaxii Sirdoonka Milatariga ee Taliska Guud ee Bariga Liibiya, ayaa la khaarajiyay kadib markii walxaha qarxa loogu xiray gaarigiisa..
Weerarkan wuxuu ka dhacay gurigiisa hortiisa, ee magaalada Bengaasi oo ah xudunta amniga ee Bariga Liibiya..
Halkan waxaa inagu dhalanaysa su'aal culus oo ah:
Sidee ayaa qof mas'uul ka ah sirdoonka iyo amniga ciidanka loogu dhowaan karaa, gaarigiisa walxaha qarxa loogu xiri karaa,
dabadeedna loo khaarajin karaa isaga oo ku sugan magaaladiisii uu awoodda ku lahaa dhexdeeda?
Tani waxay muujinaysaa in gacan ku dhiiglaha uu ahaa mid xogtiisa si dhow u hayay oo aad u fududeeyay dilkiisa..
🔸 Sidaas oo ay tahay wali sheekadu ma dhammaan, dharbaaxada saddexaad waxay ka timid meel aysan cidna filayn...
oo ah Bangiga Dhexe ee Liibiya, kadib markii Guddoomiyihii Bangiga, Naji Issa,
uu si lama filaan ah u gudbiyay iscasilaadiisa isagoo sababta ku gaabsaday inay tahay arrin "xasaasi ah"..
Iscasilaadan lama filaanka ah ayaa keentay in Madaxa Golaha Sare ee Dowladda, Maxamed Takaala,
uu si degdeg ah uga codsaday Guddoomiyaha inuu si kumeel gaar ah shaqada u sii wado,
si loo badbaadiyo xasiloonida maaliyadeed iyo midda siyaasadeed ee dalka..
Ogaada..
markii ninkan loo magacaabayay xilkan sanadkii 2024-ka, waxay ahayd heshiis naadir ah oo si dhib badan ay ku gaareen xukuumadaha Bariga iyo Galbeedka Liibiya..
si dalka looga badbaadiyo khilaaf saameeya shidaalka iyo dhaqaalaha, bixitaankiisana wuxuu dalka ku abuuray khalqal weyn..
🔹 Halkaan waxaa laga yaabaa inaad is weydiinaysaan:
“Hamzow, maxaa isku xiraya shidaalkii la gubay, sirdoonkii la dilay iyo ninkii lacagta hayay ee shaqada ka tagay, iyadoo dhacdooyinkan oo dhami ay isku waqti dhacayaan?”
Haddii aan si toos ah uga jawaabo su’aashaas, waxaan idin leeyahay: arrintani ma aha mid ku eg saddex dhacdo oo kala duwan oo iska soo beegmay..
Waxaa jira su’aalo waaweyn oo ka dambeeya dhacdooyinkan, kuwaas oo jawaabahoodu laga yaabo inay ina tusaan waxa dhab ahaan daaha gadaashiisa ka socda..
Waana halka ay sheekadu dhab ahaan ka bilaabanayso..
🔴 Masar iyo Liibiya ayaa isku diyaarinayay mashruuc weyn oo dhuumo shidaal ah oo isku xiraya magaalada Tobruk ee Liibiya iyo magaalada Alexandria ee Masar..
Mashruucan oo dhererkiisu yahay qiyaastii 800 kiiloomitir, kharashkiisuna ka badan yahay Bilyan Doolar,
ayaa ujeeddadiisu tahay in shidaalka ceyriinka ah ee Liibiya si toos ah loogu qaado sifeeyayaasha Masar..
Masar waxay mashruucan uga faa'iidaysanaysaa in ay hesho shidaal dhow oo sugan, si ay ugu kabato qayb ka mid ah carqaladda ku timid shidaalkii uga imaanayay Khaliijka..
Gaar ahaan shidaalka ceyriinka ah ee dalka Kuweyt, kaas oo sahaydiisii ay hakad gashay xiisadda maraakiibta ee ka taagan marinka Hormuz awgeed..
Liibiyana waxay helaysaa awood ay shidaalkeeda ku sifeyso oo ay ugu iib geyso qiimo ka sarreeya midka ceyriinka ah,
halkii ay badda u iib geyn lahayd iyadoo ceeriin ah..
🔺 Waa mashruuc si toos ah u beddelaya xisaabta dhaqaale iyo istiraatiiji ee gobolka,
waxaana halkan ka dhalanaysa su'aal kale oo muhiim ah;
Yaa ka faa'iidaysanaya in Liibiya ay ahaato dal aan degganayn?..
Yaa dhibsanaya in Qaahira iyo Dowladda Liibiya ay yeeshaan shabakad dano dhaqaale oo dammaanad qaadaysa degenaanshaha labada dal?..
Hana iloobina sidoo kale, in maalmo yar uun kahor dalka Masar laftiisa uu bartilmaameed noqday..
Weerar aad u layaab badan ayaa ka dhacay gudaha dalkaas, kadib markii diyaarad Drone ah oo aan wali la aqoonsan cidda iska leh iyo meesha ay ka timid toona,
ay si lama filaan ah u garaacday dekedda caanka ah ee Damietta..
Weerarkaas wuxuu sababay dab iyo khasaare soo gaaray laba markab oo gaaska qaada,
wuxuuna qarka u saarnaa inuu masiibo weyn ka rido magaalada Damietta oo dhan haddii uusan Alle ka badbaadin..
Ilaa haddana, si lamid ah weerarradii Liibiya, ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarkaas..
Haddaba marka la isku geeyo dhacdooyinkan xiriirka ah, ma dhihi karnaa waa shilal iska kala dhacay?..
Aragtidayda, tani waa isku xirnaan cad oo muujinaysa in gacmo shisheeye iyo dano gaar ah aysan doonayn in Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika ay ka baxaan fowdada,
waxayna diyaar u yihiin in qorshe kasta oo dalalkan mideynaya ay dumiyaan kahor inta uusan dhalan.
🔴 Gabgabadii.. haddii falanqayntani iyo xogahan culus ay idin cajabiyeen, fadlan la wadaaga asxaabtiina kale..
si xaqiiqadu u gaarto dad badan oo xiiseeneya arrimaha siyaasadda..
Sidoo kale, aragtidiina iyo falcelintiina igu reeba qaybta faallooyinka;
maxaadse u aragtaan dhacdooyinkan isku xiran ee ka dhacaya Liibiya iyo gobolkaba?..
Waa Walaalkiin Hamza Mx oo idin leh Habeen wanaagsan.. ❤️🥰