Tubta nolosha Media

Tubta nolosha Media Ku soo Dhawaada Gacmo Furan Page Kan Waxaad Kala Socon Dontaan Wararka Sheekoyin Iyo Barnamijyo Xiiso

02/04/2023
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Cabdikariim Xuseen Guuleed Ergayga a...
02/04/2023

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Cabdikariim Xuseen Guuleed Ergayga arimaha Somaliland.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Dowlada Federaalka ay ka go’an tahay xaqiijinta midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, si taas loo gaarana ay u baahan tahay talo wadaag, is dhageysi, wadahadal iyo in xal waara laga gaaro tabashooyinka ay qabaan Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si deg deg u faray Ergayga in uu diiradda saaro sidii loo ambaqaadi lahaa wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Somaliland.

Xukuumadda Puntland ayaa mar kale ku celisay in aysan gebi ahaanba qayb ka ahayn colaadda ka taagan magaalada Laascaanoo...
02/04/2023

Xukuumadda Puntland ayaa mar kale ku celisay in aysan gebi ahaanba qayb ka ahayn colaadda ka taagan magaalada Laascaanood.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo maanta warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa waxba k**a jiraan ku tilmaamay in Ciidamada Puntland ay qayb ka yihiin dagaalkaas.

“Waxaan ku celinaynaa in dowladda Puntland aysan wax lug ah ku lahayn dagaalkaas ay shacabku isaga difaacayaan xasuuqa maamulka Somaliland ka wadaan Laascaanood”ayuu yiri Maxamuud Caydiid.

Wasiirka Warfaafinta Puntland ayas sidoo kale jabhad argagixiso ah ku tilmaamay Somaliland waxaana uu ka hortimid ergay gaar ah oo xalay madaxweynaha Soomaaliya u magacaabay arrimaha Somaliland.

Address

Nairobi
Nairobi
00100.

Telephone

+254700618894

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Tubta nolosha Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Tubta nolosha Media:

Share