๐€๐ฅ๐ค๐ก๐ž๐ฒ๐ซ ๐’๐ก๐จ๐ฐ

  • Home
  • Kenya
  • Nairobi
  • ๐€๐ฅ๐ค๐ก๐ž๐ฒ๐ซ ๐’๐ก๐จ๐ฐ

๐€๐ฅ๐ค๐ก๐ž๐ฒ๐ซ ๐’๐ก๐จ๐ฐ Boggani waa bog aad kala soconeyso warar, barnaamijyo diini ah oo xiiso leh.

23/11/2025
17/11/2025

โ€œHaddii aad tahay qof mashquul ah adduunyaduna fara ku heyso oo aad isleedahay markaad mashquulka ka baxdid ayaad usoo jeesan doontaa inaad Quraanka fahantid; Waxaa kugu filan inaad soo dejisato App-ka Quran Tabsera kadibna adiga, qoyskaaga iyo carruurtaaduba si wadajir ah u dhageysataan tafsiirka Quraanka waqtiyada Quraacda, Qadada iyo Cashada ama xilliyo gaar ah oo aad u qorsheysaanโ€

Shiikh Axmed Nuur Cali Jimcaale

Laba caruur ah oo Sucuudiyaan ah oo ka bogsaday cudurka autismโ™ฆ๏ธโ™ฆ๏ธ๐Ÿ‘ˆ Haweeney Sucuudiyan ah ayaa ku guuleysatay daawaynta...
25/10/2025

Laba caruur ah oo Sucuudiyaan ah oo ka bogsaday cudurka autismโ™ฆ๏ธ

โ™ฆ๏ธ๐Ÿ‘ˆ Haweeney Sucuudiyan ah ayaa ku guuleysatay daawaynta labadeeda wiil ee uu hayay cudurka autism, kadib markii ay siiyeen cunto gaar ah oo ku salaysan bocorka (yicibta), looska iyo timirta.

โ™ฆ๏ธ๐Ÿ‘ˆ Labada wiil ayaa gebi ahaanba ka raystay cudurka muddo 14 bilood gudahood, kadib markii hooyadood ay raacday hab daaweyn ah oo ay heshay takhtarad Suuriyaan ah oo lagu magacaabo Dr. Haifa AlKayali, taasoo ku talisay in la joojiyo qamadiga iyo caanaha iyo wax kasta oo laga sameeyo, sida ay sheegtay wargeyska โ€œAl-Watanโ€ ee Sucuudiga.

โ™ฆ๏ธ๐Ÿ‘ˆ Dr. Kayali ayaa wareysi ay bixisay ku kala saartay autism inuu yahay cudur, naafo, ama khalkhal. Waxay sheegtay in labada xaaladood ee h**e (cudur iyo naafo) ilmaha uu ku dhaco inta uu uurka ku jiro, halka khalkhalka uu yimaado marka uu ilmuhu dhasho kadib.

โ™ฆ๏ธ๐Ÿ‘ˆ Habka ay takhtarku bixisay wuxuu ku salaysan yahay in laga fogaado cuntooyinka laga sameeyo qamadiga iyo caanaha, sababtoo ah wax la yiraahdo peptide oo jirta dadka qaba autism, waxaa laga helaa si aad ah qamadiga iyo caanaha.

โ™ฆ๏ธ๐Ÿ‘ˆ Hooyada ayaa tiri:
โ€œWiilkayga weyn wuxuu jiray sagaal sano anigoo raadinaya daawo, kadibna waxaan dhalay wiil kale oo isna uu cudurku ku dhacay. Markan dhakhaatiirtu waxay sheegeen in xaaladdiisu aad u daran tahay firfircooni xad dhaaf ah, xanaaq iyo hurdo laโ€™aan.โ€

โ™ฆ๏ธ๐Ÿ‘ˆ Bilowgii daaweyntu wuxuu ahaa nidaam cunto, iyadoo ay ka saartay cuntada caanaha, qamadiga iyo wax kasta oo laga sameeyo, waxayna raacday nidaam ka kooban:
bocor, loos, iyo timir sida ay kula talisay Dr. Kayali.

โธป

โ™ฆ๏ธโ™ฆ๏ธ Waa kan habka cunto-daaweynta โ™ฆ๏ธโ™ฆ๏ธ

โ™ฆ๏ธ๐Ÿ‘ˆ Hooyadu waxay tiri:
Habkani wuxuu ku salaysan yahay in bocorka la miirayo, kadibna lagu daro loos iyo timir iyo midho kale. Kadibna la isku qaso (blender) ilaa uu noqdo sida casiir, hodan ku ah fitamiinada.

Takhtarku waxay i fartay inaan raaco habkan 10 maalmood kadibna aan la wadaago natiijada.

โ™ฆ๏ธ๐Ÿ‘ˆ Kadib bil gudaheed, waxaan arkay inuu yaraaday xanaaqii, uu kordhay feejignaanta iyo fahamka, wuxuuna bilaabay inuu qoro, akhriyo, iyo inuu amarka qaato.

โ™ฆ๏ธ๐Ÿ‘ˆ Kadib 11 bilood oo daaweyn ah, wiilkaygii weyn wuxuu noqday mid feejigan, akhriya oo qora, bulsho wanaagsan, tukada, jecel masaajidka, deggen, wuxuuna bilaabay inuu hadlo si caadi ah.
Wiilka yaraa isna wuxuu noqday mid deggen, feejigan, in kastoo hadalkiisu weli yar yahay.

๐Ÿ‘ˆ Fadlan faafiya, waxaa laga yaabaa inay faaโ€™iido u noqoto qof uu cudurkan hayo, Ilaahay ha daweeyo bukaannada oo dhan.
Ha ka bakhaylina inaad gudbiso fariintan qof baa laga yaabaa inuu ku bogsado idanka Alle.

โ™ฅ๏ธ Ha illoobin salaanta iyo ducada Nebiga (SCW) โ™ฅ๏ธ

24/10/2025

ุฑูŽุจู‘ู ุงุฌู’ุนูŽู„ู’ ู‡ูŽู€ูŽุฐูŽุง ุจูŽู„ูŽุฏุงู‹ ุขู…ูู†ุงู‹ ูˆูŽุงุฑู’ุฒูู‚ู’ ุฃูŽู‡ู’ู„ูŽู‡ู ู…ูู†ูŽ ุงู„ุซู‘ูŽู…ูŽุฑูŽุงุชู
Somali

Ninkaan dhalinyarada ah ayaa yiri:> โ€œ13 sano ayaan is qabnay xaaskayga, ilmihii kastana markuu dhasho ayuu naga dhintaa....
20/10/2025

Ninkaan dhalinyarada ah ayaa yiri:

> โ€œ13 sano ayaan is qabnay xaaskayga, ilmihii kastana markuu dhasho ayuu naga dhintaa. Maanta kii 12-aad ee ugu dambeyeyna ayaan soo aasay.โ€
Waa murugo aan ereyo lagu cabbiri karin. Lamaanahan waxay la nool yihiin imtixaan aad u culus, mid kaliya oo ay samir, duco iyo kalsooni Eebbe lagu bixi karo.

Aan u duceyno lamaanahan iyo dhammaan kuwa xaalad la mid ah ku sugan:
Ilaahay ha siiyo samir, adkeysi, iyo khayr ka weyn wixii laga qaaday.

Caasigii aabbihii kursiga kula tartamay ee xisbiga aabbihii ka hor yimid, mucaaradkii ugu muddada dheeraa abid waddanka ...
19/10/2025

Caasigii aabbihii kursiga kula tartamay ee xisbiga aabbihii ka hor yimid, mucaaradkii ugu muddada dheeraa abid waddanka Kenya, ma gudbihii shanta jeer u tartamay xilka madaxweynaha Kenya (1997, 2007, 2013, 2017, 2022) balse aan waligiis ku guuleysan, wiilkii madaxweyne kuxigeenkii u horreeyay Kenya Mr. Jaramogi Oginga Odinga, ninkii 11 sanoo nolashiisa ka mid ah xabsiga ku soo qaatay haddana aan quusan, aabbaha Dimmuqraadiyadda Kenya ahna ninki riday xisbigii kaligii taliska ahaa ee uu aabbihii ka midka ahaa ee KANU, ninki ka soo jeeday qawmiyadda aan xilka ugu sarreeyo Kenya ka qaban ee Luo, ninkii ka dambeeyay in ay kenya yeelato nidaamka County yada iyo tastuur dajinta cusub ee 2010, badbaadiyihii dawladnimada Kenya marar badan, Mr. Raila Odinga ayaa shalay ku geeriyooday waddanka Hindiya, xilli ay halkaas uga socotay daaweyn. Raila wuxuu ku geeriyooday da'da 80 isagoo jiro.

Raila Odinga waxaa lagu xasuustaa ma quustannimadiisa iyo in uu aad u jeclaa in uu mar uun madaxweyne noqdo. Doorasho walbo wuu tartami jiray, wuuna dhici jiray. Doorashada xigta ayuu haddana soo laaban jiray isagoo rajo hor leh qabo, halhaysna u yahay, "Baba is still strong." Wuxuu caan ku ahaa naaneysta Baba. Raila siduu u madaxnimo jeclaa, sanadkii 2017 markuu guuldarreystay, intuu taageerayaashiisa isugu wacay Beerta Xorriyadda ee Uhuru Park (Freedom Park), ayuu ka codsaday in ay halmar dhahaan erayga "Madaxweyne." ๐Ÿ˜ Raila, si kale kuma garatide waa Faysal Cali Waraabaha, Bishaar Cabdi Wahaab, iyo Cabdiraxmaan Cabdi Shakuurka Keenyaanka. ๐Ÿ˜

Ninkaan odeyga ah ayaa yiri " ninka soomaaliga ah Gabar buu guur sanaayaa wuxuu uguur sanaayaa ineey ilmo udhasho oo kal...
19/10/2025

Ninkaan odeyga ah ayaa yiri " ninka soomaaliga ah Gabar buu guur sanaayaa wuxuu uguur sanaayaa ineey ilmo udhasho oo kaliya hool kale uma dirsan jirin"gabadhaas inta jirkeedu dhacaan ka imanaayo oo eey wax dhaleeyso weey dhali jirtey" qofka soomaaliga ah markuu ku weeydiiyo wuxuu ku leeyahay gabadha weli caadada maku dhacdaa ma dhaleeysaa ama ma dhashaa weli" qof kaan'ba wuxuu ku qiimeeysan yahay ineey dhaleeyso bes macno kale oo eey leedahay majirto" hadeey dhalmo deeyso waa laga guurayaa mid kaloo dhaleeysaa laga raad sanayaa" xuquuq la seexasho malahan " xuquuq caafimaad malahan" xuquuq in laga war qabo malahan" xuquuq in la dhageysto malahan"xuquuq in lala tashado malahan"habarti dhaliweysey oo laga guurey sadey waayey "Waxaa laga yabaa gabadhaas ineey 30jirto ineey 25 jirto qasab maahan dhalmada qofka inuu da ku dhalo"

Ma saxbaa raga soomaliyeed ineey dumarka dhalmo kaliya uguur sadaan oo eeysan wax kale u guursan"hadeey dhali weeysana eey mid kale ka raadsadaan"?????

fikirkaada Nala wadaag MUDANE- iyo MARWO

Fadlan hadaad nagu cusub tahay fallow nasoo dheh hadaad h**ey noola joogteyna mahad sanid๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด๐Ÿซ‚๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด๐Ÿซ‚โœ…

Run sheeg, Aniga $50 dollar
11/10/2025

Run sheeg, Aniga $50 dollar

Ninkaan waa aqoonyahan u dhashay Dalka Talyaaniga dhawaan ayuu qaatay diinta islaamka, asigoona midaas ka hadlayo ayuu y...
11/10/2025

Ninkaan waa aqoonyahan u dhashay Dalka Talyaaniga dhawaan ayuu qaatay diinta islaamka, asigoona midaas ka hadlayo ayuu yiri; Shan sabab darteed ayaan usoo galay diinta islaamka una rumeeyay iney tahay diinta xaqqa ku taagan, waxayna kala yihiin;

1-Nabi Muxamed SCW;

Waxaan daraaseeyay noloshiisa waxaana lagu magacaabi jiray Saadiq Al-Amiin, Wuxuu ahaa mid naxariis badan, tawaaduc badan, waligiis kuma dhicin xukun jaceyl ama isla weyni, mana arkeysid wax iska hor imaanayo oo noloshiisa quseeyo

2-Qur'aanka;

Lama taxriifiinin, wax lamid ah ma jiraan, mar walba ood akhriso waad dareemeysaa inuusan hadal banii aadam aheyn, malahan waxkabadal ama daabacaad labaad, ama iska hor imaad, waa kitaab dhan walba laga ilaaliyay. Waxaa xifdisan malaayiin qof, mucjisooyinka ku jirana culimada oo dhan ayuu ka yaabiyay.

3-Hal ilaah oo wax abuuray;

Ma jiro shaki, ma jiraan ilaahyo kale kaliya waa hal ilaah oo asali ah, lama arki karo wuxuuna leeyahay awood uu wax walba ku sameeyo

4-Wax walba waa macquul mana jiro iimaan indho la'aan ah;

Islaamka kaama dalbanaayo inaad caqligaaga isticmaalin, balse taas badalkeeda asiga ayaaba kugu boorinaayo inaad caqligaaga adeegsato, fakarkaaga balaariso, cilmigaagana waasiciso, wax walba oo ku jirana waa kuwa ugu haboon uguna macquulsan.

5-Sayniska;

Quraanka wuxuu sifeeyay is waasicinta kownkaan, hab abuurka uur ku jirka, biyaha iney wax walba aasaas u yihiin iyo mucjisooyin kale oo badan, waana qarniyaal badan kahor inta aanan la helin tiknoolijiyada maanta lahaayo, balse quraanka uma baahneen wax tiknooliji, taliskoob iwm, waayo wuxuu ahaa jawharada xaqiiqda dhabta ah.

Sababtaas owgeed uma islaamin caadifad iyo beer jileec darteed, balse cadeymaha aan helay ayaa igu qasbay inaan islaamka qaato.

15 KA APPLICATION EE UGU FIICAN BARASHADA LUQADAHA DUNIDA (AFAFKA) โ€”โ€”โ€”โ€”โ€”โ€”โ€”โ€”โ€”โ€”โ€”โ€”โ€”โ€”โ€”โ€”โ€”โ€”โ€”โ€”โ€”โ€”โ€”โ€”Shan iyo tobanka app oo ugu f...
07/10/2025

15 KA APPLICATION EE UGU FIICAN BARASHADA LUQADAHA DUNIDA (AFAFKA) โ€”โ€”โ€”โ€”โ€”โ€”โ€”โ€”โ€”โ€”โ€”โ€”โ€”โ€”โ€”โ€”โ€”โ€”โ€”โ€”โ€”โ€”โ€”โ€”
Shan iyo tobanka app oo ugu fiican barashada luqadaha si gaar ah ugu habboon heerarka kala duwan (bilow, dhexe iyo sare) sidoo kalena kala duwan habka barashada: maqalka, akhriska, hadalka, iyo qorista waxan kudaray app-yo cusub oo faaโ€™iido leh oo kacawin kara inad dorato midka adiga kugu habon.

1. Duolingo
โ€ข Waxbarasho bilash ah aqon luqaded oo bilash ah, iyo certificate international ah
โ€ข Ku habon herka bilowga iyo dhexe ๐Ÿ”— https://www.duolingo.com

2. Memrise
โ€ข Barashada erayo cusub iyadoo la isticmaalayo muuqaal iyo cod
โ€ข Waxay xoogga saartaa xasuusta iyo fahamka luqadda afka kugu cusub
๐Ÿ”— https://www.memrise.com

3. Babbel
โ€ข Casharro qoto dheer: naxwe, hadal, iyo jumlado nololeed
โ€ข Waxay leedahay nidaam la jaan qaadaya barashada dadka waaweyn
๐Ÿ”— https://www.babbel.com

4. Rosetta Stone
โ€ข Waxay isticmaashaa immersion (dhexgal luqadeed) iyada oo aan turjumid la isticmaalin
โ€ข Waxay xoogga saartaa maqalka iyo hadalka
๐Ÿ”— https://www.rosettastone.com

5. Busuu
โ€ข Baro adiga oo la xiriiraya dadka luqaddaas ku hadla
โ€ข Casharro diyaarsan oo la socda feedback ๐Ÿ”— https://www.busuu.com

6. HelloTalk
โ€ข App loogu talagalay in si toos ah loola xiriiro dadka ku hadla luqadda aad baranayso
โ€ข Ku fiican dhisidda kalsoonida hadalka๐Ÿ”— https://www.hellotalk.com

7. LingQ
โ€ข Barashada akhriska iyo fahamka maqalka adigoo adeegsanaya maqaallo, buugaag, iyo cod
โ€ข Ku fiican dadka jecel akhriska iyo maqalka๐Ÿ”— https://www.lingq.com

8. Tandem
โ€ข La hadal dadka ku hadla luqadda aad baranayso
โ€ข Waxaad heli kartaa speaking partner oo joogto ah
๐Ÿ”— https://www.tandem.net

9. Mondly
โ€ข Casharro interactive ah oo 41 luqadood ah
โ€ข Waxaa jira cod ku hadla erayada si aad u fahamto sida loo dhawaaqo
๐Ÿ”— https://www.mondly.com

10. Pimsleur
โ€ข Ku saleysan dhageysiga iyo ku celcelinta hadalka
โ€ข Ku fiican dadka raba inay si dhaqso ah ugu hadlaan luqadda
๐Ÿ”— https://www.pimsleur.com

11. Beelinguapp
โ€ข Akhri buugaag ama sheekooyin adigoo si isku mar ah u arkaya turjumaadda
โ€ข Ku fiican horumarinta akhriska iyo erayada
๐Ÿ”— https://www.beelinguapp.com

12. Clozemaster
โ€ข Ku baro erayada iyo jumladaha iyadoo loo marayo tartan/jawaan
โ€ข Ku fiican dadka heer dhexe ama sare ah
๐Ÿ”— https://www.clozemaster.com

13. Drops
โ€ข Baro erayo cusub si muuqaal iyo animation ah
โ€ข Waxaad ku baran kartaa 5 daqiiqo maalin kasta
๐Ÿ”— https://www.languagedrops.com

14. Quizlet
โ€ข Samee flashcards ama isticmaal kuwa h**e loogu diyaariyey si aad erayo u xasuusato
โ€ข Waxay caawisaa dadka jecel barashada muuqaal iyo xasuus ah
๐Ÿ”— https://www.quizlet.com

15. BBC Learning English
โ€ข Barnaamijyo tayo leh oo loogu talagalay barashada English-ka
โ€ข Waxaa ka mid ah grammar, vocabulary, pronunciation, iyo listening ๐Ÿ”— https://www.bbc.co.uk/learningenglish

Tallo Koobanโ˜๐Ÿฟ

โœ… Bilowga: Duolingo, Memrise, Drops
โœ… Hadalka & La xiriiirka dad: HelloTalk, Tandem, Busuu
โœ… Qoto dheer & barasho rasmi ah: Babbel, Rosetta Stone, Pimsleur
โœ… Akhris & maqalka: LingQ, Beelinguapp, BBC Learning English
โœ… Erayo & Flashcards: Quizlet, Clozemaster






Dhiiga muslimka oo xaqdaro lagu daadiyo Ama Qabyaalad lagu Daadiyo waxaa lagu galaa Naar Dilku waa Waxa Qofka muslimka a...
04/10/2025

Dhiiga muslimka oo xaqdaro lagu daadiyo Ama Qabyaalad lagu Daadiyo waxaa lagu galaa Naar

Dilku waa Waxa Qofka muslimka ah haduu sameeyo noloshiisa ciriiri geliya iyo in Qoorta loo suro aakhiro qofkii uu dilay, Waxaa Sidaas yiri Nabigeena Scw

Waxa ugu h**eeya ee dadka lagu kala saari doono maalinta Qiyaame waa dhiiga ( Dilka)
ู‚ุงู„ ุตู„ูŠ ุงู„ู„ู‡ ุนู„ูŠู‡ ูˆุณู„ู…:ุงูˆู„ ู…ุง ูŠู‚ุถู‰ ุจูŠู† ุงู„ู†ุงุณ ุงู„ุฏู…ุงุก.

Iska ilaali inaad Dil gaysato ama aad Raad
Ku yeelato walloow hal kalmadna ha ahaatee โ€ฆ

Qof Muslim ah oo xaqdaro lagu Dilo ayaa ilaahay sw Agtiisa kaga qiima badan Kacbada oo ladumiyoโ€ฆโ€ฆ.

โ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆ..akhriso Aayada Hooseโ€ฆโ€ฆโ€ฆ..

โ€œ Ruuxii U-Dila Muu'min si Kas ah, Abaalkiisu waa Jahannamo uu ku Waari dhexdeeda, wuuna u Cadhoon Alle , wuuna Lacnadi, wuxuu u diyaarin Cadaab waynโ€ โ€ฆ.(Alle ayaa udiyaariyay cadaab weyn gacan ku dhiiglahaa) Suuratu-Nissaaa, aayada 93

Somaalidu dilki qofka muslimka ahaa oo xurmada lahaa wuxuu noqday wax la iska fududaysto af iyo adin midna haku tageerin qof muslim ah dhigiisa in aad dhiig muslim gashid way kasii waynin badan tahay, In Aad ka qeyb qaadatid. (Wbillahi Towfiiq)

Bal qiyaas xanunka ayleedahay adoo arkaya nafta oo kabaxaysa Ubixii dunida aad ka eeganysay midkii ugu quruxda badnaa ta...
04/10/2025

Bal qiyaas xanunka ayleedahay adoo arkaya nafta oo kabaxaysa Ubixii dunida aad ka eeganysay midkii ugu quruxda badnaa
tarikhdii awowyadaa oo dunida macsalamaynysa๐Ÿ˜ญ๐Ÿฅบ๐Ÿ˜”๐Ÿ˜ข๐Ÿ’”๐Ÿ’” kaliya awoodaaduna ay kusoo ururtay inaa madaxa qabto laabta taatabato gacanta kudhagto sidii adoo nafta kucelinkara๐Ÿฅบ๐Ÿ˜ข
Hooyo macaneey intaa kaadanbeeyo waa balan duco,Quran iyo sadaqo wixii awodayda ah inaa kugu da,daalo ilahayna ha iwaafajiyo hooyo mcney๐Ÿ˜ญ๐Ÿคฒ๐Ÿป

ูˆูŽุงุฎู’ููุถู’ ู„ูŽู‡ูู…ูŽุง ุฌูŽู†ูŽุงุญูŽ ุงู„ุฐู‘ูู„ู‘ู ู…ูู†ูŽ ุงู„ุฑู‘ูŽุญู’ู…ูŽุฉู ูˆูŽู‚ูู„ ุฑู‘ูŽุจู‘ู ุงุฑู’ุญูŽู…ู’ู‡ูู…ูŽุง ูƒูŽู…ูŽุง ุฑูŽุจู‘ูŽูŠูŽุงู†ููŠ ุตูŽุบููŠุฑู‹ุง .. โฆ๐ŸŒธ๐Ÿ’›

Address

Nairobi
00100

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when ๐€๐ฅ๐ค๐ก๐ž๐ฒ๐ซ ๐’๐ก๐จ๐ฐ posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to ๐€๐ฅ๐ค๐ก๐ž๐ฒ๐ซ ๐’๐ก๐จ๐ฐ:

Share