08/01/2026
Waxaa qoray Aamiin Guuleed oo ah nin dhalinyara oo arrimaha bulshada iyo guud ahaan caalamkaba ka hadla.
2 sano ayaa u buuxsantay maanta waxaa mooda inuu ku jiro kiisii u dambeeyay
1. waxa ay Puntland maraysa halkii ugu xumaa dhaqaale xumada taariikhda, qoysaska Puntland dabaqada dhexe ayaa u guuray dalka dibadiisa nakuro Kenya ,Jigjigada Ethiopia xoogga ku haysto iyo qaahira Egypt ayay aadeen.
Sidoo kake bangiyada private ayaa waayay lacagtii taalay maadama dadku kala baxeen lacagtii , hadii aad u baahatid 10,000 doolar oo kuu taalay inaad qaadatid waa inaad 15 bari ogaysiis soo bixisaa si laguugu uruuriyo cash la'aan darteed.
2 waxaa Dumay nidaamka maaliyada Pl sanadkii 2025 12 bilood 2 ciidood kaliya iyo bishii ramadaan bilowgeeda ayay shaqaalaha rayidka mushaar qaateen taas macnaheedu yahay 3 bil ayay arkeen 9 bilood mushaar ma qaadan.
3. Askarta ciidanka Puntland 68 casho ayay mar helaan mushaarka mar kasta bil ama 2 laga saaraa meesha .
4. Dhalinyaradii Puntland waxay ku dhamaadeen xeebaha Algeria 🇩🇿 iyo Libiiya iyagoo sii maraya benin mali Algeria iyo safar diyaaradeed Qaahira to banqaasi ilaa Tripoli ,sanadkii 2025 waxaa badaha ku dhintay dhalinyaro gaaraysa 200 reer Puntland luma jiraan kuwa badan ee somalida kale ah.
5.waxaa la soo kordhiyay lacago baarlamaanka Puntland uusan ansixin lagu siyaadiyay canshuurta qaab tuugannimo ah waxaana u dambeeyay Wasaaradda cadaaallada nootaayooyinka 4 doolar saarsatay.
6.waxaa badaha gardafuu isku cayrsanaya Wasaaradda Maaliyadda iyo Kalluumaysiga lacag mid kasa qaadanayso iyagoo aan marayn nidaamka canshuurta Kalluumaysiga.
7. Waxaa reer u xirantay xarumo dawadeed, Boosaaso ciyaal weero isku cayrsanaya
8. Maraakiib ay leeyihiin madaxtooyada jariif ah ayaa waxaa ka dhiidhiyay dhalinyaro reer Puntland u daatay qafaashayna ka dib markii kaluunki iyo Aragoostadii ay ku soo caariyeen Bannaanka xeebta maadama jariifku burburiyay dhagxaantii ukumaha iyo ugxanta taaalay.
9. Waxa uu rabaa hadda inuu Muqdisho aado oo lacagta Puntland gurto halkaan ay noqoto Yemen koonfureed.
10. Maashaariicdii hormarinta waa la istaagiyey iyadoo shuruud looga dhigay; ha isoo maraan even xisaabxidhkeedana aan lahaado! Mashruucii beeraha intii yarayd ee soo dhacday mid beerta Deni ee Ceel-haarre ayaa loo dusiyey midna beerta Islaanka ee Gaalkacayo. Xatooyo iyo eex heer yaqyaqsi
11. Xarumihiu hay'adaha Kirayssn jireen iyo hoteelladii waa faaruq gabi ahaan Puntland caasimadda ilaa NGO daganaa gobollada
12. Gaadiidka tallaalka xannaanada xoolaha kirada la heli jiray waxaa loo jiray 24 gaari qoyska leeyihiin madaxtooyada kuwaas hardtop iyo V8 awal Puntland ku heshay mashaariicda barwaaqo worl Bank iyo UAE kuwa ay bixisay .
13. Hoteellada heli jiray shirarka hay'adaha ito laylooyinkii halmar ayay dhulka galeen Waxay. Noqdeen Aakhiro sugayaal.