07/07/2025
Iiraaniyiinta waxay bannaanka usoo saarayaan sida ay uga niyad jabeen Ruushka oo muddo dheer xiriir la lahaa Iiraan, hadda waxaa muuqata si dhab ah inuu xiriirkaa isku beddeli karo; Safiirkii h**e ee Iiraan u fadhiyay Jarmalka, Hossein Mousavian oo h**ey usoo noqday ergaygii wada-hadallada nukliyeerka, wuxuu si cad u sheegay; “Ruushka oo ah waddan xiriir la leh Iiraan, wuxuu Hindiya — oo xulafo dhow la ah Mareykanka — u bandhigay 117 diyaaradood oo nooca Su-35 ah, iyo sidoo kale wuxuu oggolaaday in Ruushka iyo Hindiya si wadajir ah usoo saareen diyaaradda dagaal ee ugu dambeysa Ruushka ee Su-57, taa oo ka dhigan in Hindiya loo diyaarinayo sidii ay wax uga baran lahayd tiknoolajiyada wax soo saarka diyaaradaha casriga ah, taa beddelkeeda Ruushku weli ma uusan siin Iiraan diyaaradaha Su-35 ama nidaamka difaaca cirka ee S-400, inkasta oo Iiraan, xataa iyadoo Iiraan ay si joogta ah hanjabaad ula kulmaysay quwadaha nukliyeerka sida Mareykanka iyo IsrIL oo ugu dambeyntii si wadajir ah u weerarray Iiraan.”
Wuxuu intaa ku daray; “ Haddii Turkiga oo ah xubin ka tirsan NATO ama Sacuudi oo ah xulafada Mareykanka ay codsadaan diyaaradaha Su-35, nidaamka S-400, ama xataa diyaaradda casriga ah ee Ruushka ee Su-57, waxaa aad u badan in Ruushku uu si fudud ugu iibiyo….Tani dhaleeceyn uma aha Ruushka — ugu dambeyntii, wuxuu ku dhaqmayaa danaha uu is leeyahay waa kuwa ugu muhiimsan ee istaraatiijiyadeed…Laakiin Iiraan waa in ay fahantaa in xiriirka caalamiga ahi uu salka ku hayo danaha waddan kasta, marka h**e iyo marka ugu dambeysa."