07/09/2026
๐ฆ๐ฎ๐ณ๐ฎ๐ฟ๐ธ๐ถ๐ถ ๐๐ฒ๐ฒ๐ฏ๐ฒ๐ฒ๐ฑ.
Waxay dhaheen dhaqankii Duduble ayaa Dhuusamareeb tagay, ujeeddada safarkaas waxay ku sheegeen booqasho iyo u kuur-galid xaaladda deegaanka, balse ma caddayn deegaanka ay booqanayaan, sidoo kale ma sheegin inay booqanayaan dadkay dhaqankooda sheeganayaan. Si kastaba ha noqotee, tage Dhuusamareeb, balse maxay noqotay natiijadii ganacsatada iyo safarkii ceebeed ee Galmudug.
Waxaan Todobadaan qodob ku soo koobeynaa natiijadii safarkii ceebeed ee ganacsatadu ku tagtay Dhuusamareeb iyo wixii ay kala kulmeen iyo meelihii ay tageen iyo hadda oo safarkii ceebeed gabagabo yahay iyo waxay sugayaan iyo natiijada ay ganacsatadu sugayaan imika.
1. Waxay noqotay in ay durbadiiba isku dayaan sii-deynta gacan-ku-dhiiglayaashii dilay saddexdii hablood iyo hooyadood, iyaga oo leh waxaan gabar kasta ka wadnaa $25,000, sidoo kale waxaan wadnaa in maamo la sheegay in ciddu dishay lala dhigo mamadii gabdhahaas dhashay ee sida bareerka ah loo dilay.
2. Waxay isku dayeen luga-qabashada siyaasiga qura ee beeshan uga dhaq-dhaqaaqa Galmudug, iyaga oo adeegsanaya Kista-yare Xamar looga dhiibay, balse ma qiyaasan arrinka fila-waaga ah ee ay kala kulmeen arrinkaas.
3. Waxay sameeyeen taariikh aan waligeed gayiga Soomaalida ka dhicin, oo waxay noqdeen kooxdii ugu horreysay ee dhaqan isku sheegta ee booqday dhaqan ay iyagu marti u yihiin oo ay gurigiisii iyo golihiisii joogaan.
4. Waa kooxdii ugu horreysay ee dhaqan Maxamuud Hiraab isku sheegtay ee haddana awoodi waayey in ay tagaan oo booqdaan hal tuulo oo beeshey dhaqankeeda sheegteen ay degto.
5. Waa kooxdii ugu horreysay taariikhda ee inta dhaqan sheegta, haddana shaqadoodii noqotay inay musharrax guddoomiye baarlamaan ku booqdaan hoygiisa ololaha musharraxnimo. Hade waa musharrax baarlamaan, walibana maamul State u ah musharrax, iyaga oo ujeeddadoodu tahay ha la idin barto iyo ka dhuumashada xaqiiqada safarkooda.
6. Waa nimanka kaliya ee u safray ee dhaqaale iyo waqtiiba u baxshay sidii ay ugu soo caan bixi lahaayeen duugista xaqii dadkooda, una hor fadhiistaan ragii shalay goobta fagaaraha ah la taagnaa wixii Soomaaliba ogeed ee gefka iyo meel-ka-dhaca ku ahaa dadkay dhaqankooda sheeganayaan.
7. Ugu dambeyn, ragii dhaqanka sheegtay ee Dhuusamareeb tagay, natiijadoodii waxay ku soo dhammaatay: war odayashii reer Cadaado hana qaabileen oo xataa hal sawir ha nala galeen iyo odayashii reer Cadaado oo inta runta ogaaday, raga meesha yimidna ogaaday, ku dhahay: aan idinla fadhiisanee maxaad noogoydaan? Mawaadaan dadkii xaqla-yaasha ahaa ee mudnaa inaan la xaajoono? Ugu dambeyse maxaad nooqaba kartaan? Halkaas markay joogtana jawaabta kaliya ee la siiyey markii ugu dambeysay waxay noqotay: bal Jimcaha naga war suga, haddaadna na sugi kari waydana iska baxa, taleefan baan kuwada hadleynaahe.