Mohamed Geelle

Mohamed Geelle “I’m a Somali journalist bringing you real time news and trusted predictions. Follow my page for the latest updates!”

12/08/2026

Hooyo Safiyo Xuseen Guulleed waa hooyo danyar ah oo xaalad adag ku jirta, iyadoo wiilkeedii uu dalka ka tahriibay, taasoo ku reebtay xaalad nololeed oo aad u adag.

Hooyo Safiyo ayaa sheegtay inay wiilkeeda wajahayo dhibaato culus iyo jirdil joogto ah, iyadoo u baahan gargaar iyo taageero degdeg ah si looga caawiyo xaaladda uu wiilkeedu kujiro

Waxay ka codsatay dadka Muslimiinta ah iyo dhammaan dadka samafalka jecel inay kala qayb qaataan kharashka lagu siideynayo, si ay cunugeeda uga baxo xaaladda adag uu ku jiro .

Telfoonkeeda: 0907278223

02/08/2026

Jaaliyadda Reer Puntland ee Alberta, Canada, gaar ahaan magaalada Edmonton, ayaa si weyn u dabaaldegtay 28-guurada Aasaaska Puntland..

Jaaliyadda Reer Puntland ee Alberta, Canada, gaar ahaan magaalada Edmonton, ayaa si weyn u dabaaldegtay 28-guurada Aasaa...
02/08/2026

Jaaliyadda Reer Puntland ee Alberta, Canada, gaar ahaan magaalada Edmonton, ayaa si weyn u dabaaldegtay 28-guurada Aasaaska Puntland.

Munaasabaddan waxaa hormuud ka ahayd Guddoomiyaha Jaaliyadda Puntland ee Alberta, Marwo Laylo Jiifo Jabsade, iyadoo ay ka soo qayb galeen qaybaha kala duwan ee bulshada reer Puntland. Xafladdu waxay ka muuqatay midnimo, wadajir iyo farxad, waxaana lagu xusay taariikhda Puntland iyo guulaha ay gaartay mudadii 28-ka sano ahayd.

Guddoomiyaha Jaaliyadda, Marwo Laylo Jiifo Jabsade, ayaa hambalyo u dirtay dhammaan shacabka reer Puntland meel kasta oo ay joogaan, iyadoo u rajeysay nabad, horumar iyo midnimo waarta.

Hambalyo 28-guurada Aasaaska Puntland!

Puntland 28 Sano – Horumar • Nabad • Midnimo

𝙃𝙖𝙢𝙗𝙖𝙡𝙮𝙖𝙙𝙖 𝙈𝙪𝙣𝙖𝙖𝙨𝙖𝙗𝙖𝙙𝙙𝙖 1-𝙙𝙖 𝘼𝙜𝙤𝙤𝙨𝙩𝙤 – 28-𝙜𝙪𝙪𝙧𝙖𝙙𝙖 𝘼𝙖𝙨𝙖𝙖𝙨𝙠𝙖 𝘿𝙤𝙬𝙡𝙖𝙙𝙙𝙖 𝙋𝙪𝙣𝙩𝙡𝙖𝙣𝙙Anigoo ah 𝑮𝒂𝒏𝒂𝒄𝒔𝒂𝒅𝒆 𝑱𝒂𝒂𝒎𝒂𝒄 𝑫𝒉𝒂𝒈𝒂-𝒅𝒉𝒆𝒆𝒓𝒆, wax...
31/07/2026

𝙃𝙖𝙢𝙗𝙖𝙡𝙮𝙖𝙙𝙖 𝙈𝙪𝙣𝙖𝙖𝙨𝙖𝙗𝙖𝙙𝙙𝙖 1-𝙙𝙖 𝘼𝙜𝙤𝙤𝙨𝙩𝙤 – 28-𝙜𝙪𝙪𝙧𝙖𝙙𝙖 𝘼𝙖𝙨𝙖𝙖𝙨𝙠𝙖 𝘿𝙤𝙬𝙡𝙖𝙙𝙙𝙖 𝙋𝙪𝙣𝙩𝙡𝙖𝙣𝙙

Anigoo ah 𝑮𝒂𝒏𝒂𝒄𝒔𝒂𝒅𝒆 𝑱𝒂𝒂𝒎𝒂𝒄 𝑫𝒉𝒂𝒈𝒂-𝒅𝒉𝒆𝒆𝒓𝒆, waxaan hambalyo iyo bogaadin kal iyo laab ah u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka reer Puntland, munaasabadda qiimaha badan ee 28-guurada ka soo wareegtay aasaaskii Dowladda Puntland ee 1-da Agoosto 1998.

Maalintan taariikhiga ah waxay astaan u tahay midnimo, nabad, isku duubni iyo dadaalkii ay shacabka Puntland ku dhiseen maamul sal adag leh oo door muuqda ka qaatay sugidda amniga, horumarinta adeegyada bulshada, dhismaha kaabayaasha dhaaqaalaha iyo geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya.

Waxaan Alle SWT uga baryayaa inuu Puntland ku manneysto nabad waarta, barwaaqo, horumar dhaqaale, caddaalad, midnimo iyo dowladnimo sii xoogaysata, kana dhigo meel ay jiilasha maanta iyo kuwa berri ku naaloodaan amni, xasillooni iyo fursado nololeed oo wanaagsan.

Waxaan sidoo kale bogaadinayaa hoggaanka Dowladda Puntland, gaar ahaan Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, iyo Guddoonka Golaha Wakiillada Puntland, kaalinta ay ka qaadanayaan hoggaaminta, ilaalinta amniga, horumarinta hay’adaha dowladda iyo adkaynta dowladnimada Puntland.

Sidoo kale waxaan hambalyo iyo mahadnaq u dirayaa ciidamada kala duwan ee amniga, isimada dhaqanka, culimada, haweenka, dhallinyarada, ganacsatada iyo dhammaan bulshada reer Puntland, kuwaas oo door weyn ku leh ilaalinta nabadda, wadajirka iyo horumarka Puntland.

Hambalyo 28-guurada Aasaaska Dowladda Puntland.
Puntland ha noolaato, hana sii ahaato astaan nabad, horumar iyo dowladnimo adag.

21/07/2026

DEG-DEG: Puntland oo PSF Ka Qabsatay Gaadiid Dagaal iyo Maxaabiis

21/07/2026

DEG-DEG: Puntland oo gaadiid Dagaal kala wareegtay Ciidanka PSF kadib dagaal ka dhacay deegaanka Laag

20/07/2026

FAHIIMO QUUJE OO HARGAYSA KA DEGTAY! Maxaa Ku Qasbay Inay Ka Tagto SSC-KHAATUMO?

Wariye Shuceyb Daad OO kamida wariyayaasha Puntland ayaa lagu xiray Boosaaso, waxaana xiray Hay'ada sirdoonka Puntland e...
20/07/2026

Wariye Shuceyb Daad OO kamida wariyayaasha Puntland ayaa lagu xiray Boosaaso, waxaana xiray Hay'ada sirdoonka Puntland ee PISA.

Puntland ayaa bil gudeheed Afar wariye ku xiratay Puntland waxaana uu Shuceyb noqonayaa wariyihii labaad ee lagu xiro Boosaaso lana geeyo xarunta PISA .

17/07/2026

"Waan ku qancay inaan cadaalad helay" hooyada dhashay Guuleed Kadleeye oo hadashay markii la qisaasay ninkii dilay wiilkeeda.

17/07/2026

Inta aan la qisassin ayuu salaad tukaday ninkan oo dilay Guuleed Taliyihii saldhiga Jariiban more.....

Address

Nairobi
254

Telephone

+252906882280

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mohamed Geelle posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share