28/12/2023
FADLAN AKHRISO TALOOYINKAN KU SAABSAN SIDA LOO SAMEESTO FARXADDAADA, ๐ค CAQABADAHA NOLOSHANA LOO MAAREEYO!!!.
1. Had iyo jeer xasuusnoow in aanu dhulkan ku nooleyn cid aan dhibaato ku qabin sidaada oo kale, Ma tihid qof kali ku ah dhibaatada ku haysata.
2. Caqabaduhu waa qayb ka mid ah nolosha. Waa qof dhintay oo kaliya cidda aan lakulmeyn caqabado.
.
3. Dhib aan xal lahayni ma jiro Nolosha. Waxaa jira mar kasta xalal daweeya xanuunka ku haya laga yaabee inaanu kuu muuqan adiga.
4. Sida aad maskaxdaada ugu sawirto muuqaalka caqabadda ku heysato waxay saameyn kartaa farxadaada. Isku day inaad tahay qof qiimo leh oo dadnimo badan, qurux badan. Ka fogow isu arkidda qof hoose iyo laciifnimada.
.
5. Waxba ha u arkin waxa ay dadku kaa sheegaan. Dadka qaar waa afxuma miiran. Wax uun bay ku odhan karaan si ay muruga kuugu abuuraan.
6. La saaxiib dad caqli gal ah oo kaa farxiya. Ha la saaxiibin dadka kugu kaftama ama ku qoslaya caqabadahaaga.
7. Wakhtiga firaaqada, naftaada ku mashquuli hiwaayadaha aad ugu jeceshahay sida Madadaalada ciyaaraha, daawashada filimada, dhex galka internetka, ciyaaraha kombayutarka, iwm.
8. Ha u ogolaan qofna inuu kugu Duleesto wax dhaawacaya Qiyamkaaga Qofeed sida, lacag iyo agab. Miskiinka maanta berri ayuu taajir noqon karaa. Isbeddelku waa joogto.
9. Wax kasta oo aad maanta tahay iyo Xaalad kasta oo aad ku sugantahayba, ha quusan. Inta ay nolol jirto, rajo ayaa jirta.
10. Aad u tuko Sunnada. Qur'aankana aqri wax yarba ha ahaatee, Ducadana badi, waayo Ducadu waxey soo dedejisaa Nasiibkaaga wanaagsan iyo Barwaaqadaada.
11. Ku dhiiranow inaad gaartid waxaad rabto. Noloshu waa khatar. Haddi aanad khatar ubareerin, ma heli doontid waxa qalbigaaga ku jira.
12. Weligaa ha u beddelin asalkaaga dadka kale aawadood. Sababtoo ah ma jiro qof ka ciyaari kara doorkaaga mid ka fiican. Adiga ayaa ugu fiican. Markaa naftaada noqo...
"SAMEYSO FARXADAADA" SI AAD UHESHID NOLOL WANAAGSAN.