01/04/2026
Geesigu maalin Buu dhashaa Fulayguna Habeen Mugdi ah. Kani waa Wasiirka Xariiqday Taariikhda Geesiga Wasiirada Galmudug.
Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo khayraadka biyaha Galmudug Hon Abdullahi Mohamed Leeddo oo wehliyo Xildhibaan Abdikadir Said Abdile ayaa safar Taariikhi ah ku tagay deegaanada Hoos taga Degmada Bacaadweyne ee Koofurta Gobolka Mudug, halkaas oo inta badan looga Cabsado kooxaha Nabad-diidka ah ee Khawaarijta AS.
Safarkaan oo ahaa mid wasiirku ugu kuurgalayay Baahiyada Bulshada ku Dhaqan deegaanadaas ay qabaan iyo muujinta Amni ee deegaanadaas ayaa kusoo dhamaaday si guul leh.
Wasiirka ayaa safarkiisa ku tagay Deegaanada Baraagciise, Jiicdheere, Laas-gacameey iyo deegaano kale oo ka tirsan Dhulkaasi.
Masuuliyiin badan oo deegaanadaas ka soo jeeda ayaa tagin xitaa inay gacanta ku hayeen Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Deegaanka Magaalada Bacaadweyne, wuxuuna safarka wasiir C/laahi oo daaha ka rogay dhiiranaan iyo geesinimo masuuliyadeed.
Wasiir Guulayso waxay dadkaasi kaa sugayaan Saddexda Cadow ee kala ah Deegaankooda oo xor ka ah Argagixiso, Baahida Biyaha iyo helista gargaarka oo ka shaqeeya dhulkaas balaaran.