Xisbiga Tawfiiq

Xisbiga Tawfiiq Xisbiga Dib U Heshiisiinta Iyo Hormarinta Tawfiiq

10/07/2025

Waxaan u mahadcelinayaa Qaabilaada iyo Martiqaadka ay inoo Sameeyeen Maamulka Magaalada ,Culimada Reer Sheikh Abdirahman Celi oo ay ugu horeeyaan Hogaamiyaasha Dariiqada .

Warshiiq Waa magaalo diimeed Soomaaliya ku leh Taarikh Dahabi ah uuna yaalo dhaxalkii diimeed ay laheed Ummadda Soomaaliyeed.

26/06/2025

Waxaan guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyaynayaa 26 june oo ku beegan xiligii gumeystihii Ingiriiska xornimada ay ka qateen Gobolada waqooyi ee Soomaaliya, maalintan oo ku suntan mid ku weyn quluubta shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa dalkeenna u horseeday halyeeya dhiigooda u huray in maalintan aan si nabad ah ugu dabaaldegno, waa maalin xusid mudan oo dowladnimada dalkeenna ka jirta wax badan ku kordhiisay,in laga xoroobo gumeeystaha waxaa maal iyo naf ku bixiyay dhalanyaro Soomaaliyeed oo ku mideysanaa in dalkan laga xoreeyo gumeystaha.

24/06/2025

Gudoomiyaha xisbiga towfiiq Sheikh maxamed Dr.Sheikh Mohamed Shakir Ali Hassan ayaa Boqdey DAGMADA Deyniile oo ey cod bixintii ka bilabatey.

Xigasho TV SMS

23/06/2025

Hawshu way soconaysa wayna socon donta.

Waxaan Magaalada Muqdisho kaga qeyb galay kulan ay ka qeybgaleen qaar ka mid ururada siyaasadeed ee ka jira dalka ay la ...
21/06/2025

Waxaan Magaalada Muqdisho kaga qeyb galay kulan ay ka qeybgaleen qaar ka mid ururada siyaasadeed ee ka jira dalka ay la qaateen Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow waxaana sidoo kale kulanka ka qeyb galay Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux iyo sidoo kale Guddoomiyaha Guddiga Xeerhoosaadka,Anshaxa, Xasaanadda iyo Daryeelka ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Ibraahim Cali (Maxamed Cajiib).

Guddoomiyaha ayaan uga warbixinay qaabka ay u howlgalaan ururada siyaasadda iyo sida ay u taageersanyihiin qorshaha awooda shacabka loogu celinaayo oo ah in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah,waxaana ku balanay in aan dalka laga hirgaliyo doorasho qof iyo cod Sidoo kale loo midoobo dagaalka lagula jira kooxaha khawaarijda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka inoo soo xiray ayaa xisbiyadda siyaasadeed ee dalka uga mahadceliyay sida ay mar walba dowladda ugu garab taaganyihiin in ay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

20/06/2025
19/06/2025

Hogaamiyaha Towfiiq iyo kulan ka Ururada Siyaasada Puntland uu kaga qeybgalay Muqdisho

19/06/2025

Dr sheik maxamed Dr.Sheikh Mohamed Shakir Ali Hassan ayaa ka jeediyey goshii oo madax weyne dhigey

17/06/2025

Dr.Sheikh Mohamed Shakir Ali Hassan ayaa la kulmay qaybaha kala duwan ee bulshada ee ku dhaqan caasimada dalka ee Mogadishu.

Address

Eastleigh
Nairobi

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xisbiga Tawfiiq posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Featured

Share