HabibaLadan Abdi

HabibaLadan Abdi Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from HabibaLadan Abdi, Media, Istanbul.
(1)

Ogaysiis muhiim ah dhammaan bulshadda ku nool Degmada Qardho iyo nawaaxigeeda waxan ogaysiinaynaa in la bilaabaayo diiwa...
02/07/2026

Ogaysiis muhiim ah dhammaan bulshadda ku nool Degmada Qardho iyo nawaaxigeeda waxan ogaysiinaynaa in la bilaabaayo diiwaangelinta ardayda cusub ee machadka Dr ahmed college Qardho.

Diiwaam gelintu waxay bilaabanaysaa 2/7/2026 waxayna ku egtahay 20/7/2026

01/07/2026

"Waxa Garowe ka socda hadaan wax laga qaban dhibaato ayay noo horseedi doontaa" Caaqil Maxamuud Yusuf.

OGAYSIIS:Caawa magaalada Qardho waxaa lagu soo bandhigayaa Buugga Maareynta Dhaqaalaha.Waxaa lagu marti qaadaya dhammaan...
30/06/2026

OGAYSIIS:

Caawa magaalada Qardho waxaa lagu soo bandhigayaa Buugga Maareynta Dhaqaalaha.

Waxaa lagu marti qaadaya dhammaan bulshada inay ka soo qaybgalaan bandhiggan aqooneed oo lagu soo bandhigayo buug muhiim u ah fahamka iyo maareynta dhaqaalaha.

30/06/2026
25/06/2026

Dr Guled Salah " Xasan ma kala jecla muxaafid iyo mucaarad Puntland,damiciisu waa inuu..seemore

Dr Guuleed Saalax“Xasan Shiikh ma kala jecla maanta muxaafid iyo mucaarad Puntland, damiciisu waa inuu meesha ka saaro d...
24/06/2026

Dr Guuleed Saalax“Xasan Shiikh ma kala jecla maanta muxaafid iyo mucaarad Puntland, damiciisu waa inuu meesha ka saaro dawladnimada Puntland aynuna noqono tuulooyin iyo jifiyo hub isku haysta.

Siyaasada aan anigu aaminsanahay waa mid ku dhisan silmi iyo aragti, mid ka barraxan xoog iyo xabbad. Waxaan aaminsanahay Puntland mid ah, nabad ah, xasiloon, horumarsan waxaana ku gaari karnaa midnimo iyo islaxisaabtan”.

🌿🏥 AL NAJAH MEDICAL CENTER 🏥🌿AL NAJAX MEDICAL CENTER waxay kuu diyaarisay adeegyo caafimaad oo tayo leh, daryeel wanaags...
24/06/2026

🌿🏥 AL NAJAH MEDICAL CENTER 🏥🌿

AL NAJAX MEDICAL CENTER
waxay kuu diyaarisay adeegyo caafimaad oo tayo leh, daryeel wanaagsan iyo la-talin caafimaad oo xirfadeysan.

📍 Goobta:Xaafadda Xergoble, kana soo horjeedda Aargada Najax.

👨‍⚕️ Waxaa xarunta kuu fadhiya:
✔️ Dhaqtarka Cudurrada Guud iyo Carruurta
Dr OSMAN AXMAD DACAR

🩺 Adeegyada aan bixino waxaa ka mid ah:
• Daaweynta cudurrada carruurta
• Daaweynta cudurrada guud
• Daryeelka iyo la-talinta haweenka
• Daryeelka hooyada uurka leh
• Baaritaanno iyo talooyin caafimaad

✨ Caafimaadkaaga waa mudnaantayada koowaad.

Nagala soo xiriir:📞 0904181015
📞 0906650699

Ku soo dhowaada AL NAJAH MEDICAL CENTER.

22/06/2026

Sanatar Faroole "Muqdisho kuma jirto gacanta Soomaaliyeed, Garoowe waa caasimad..semore

Waxaa magaalada Garoowe lagu qabanayaa Baal-Furka buugga “Federalism Imperative in Post-Conflict Africa: The Case of Som...
22/06/2026

Waxaa magaalada Garoowe lagu qabanayaa Baal-Furka buugga “Federalism Imperative in Post-Conflict Africa: The Case of Somalia” oo uu qoray Dr. Guled Salah Barre.

Buuggu waxa uu ka hadlayaa federaalka, dawlad-dhiska Soomaaliya iyo casharrada laga baran karo nidaamyada awood-qaybsiga ee dalalka kasoo kabanaya colaadaha.

📍 Goobta: Masraxa Dookh, Garoowe
📅 Taariikhda: Arbaca, 24 June 2026
🕡 Waqtiga: 6:30 PM (Maqribnimo)

Bahda Aqoonyahanka , siyaasadda, cilmi-baarista iyo qaybaha kale ee bulshada waxaa si sharaf leh loogu martiqaadayaa inay kasoo qaybgalaan.

Guddoomiyaha Dalladda Dhallinyarada Puntland, Ruun Cabdikamas, ayaa ka biyo diiday habka loo magacaabay Guddoomiyaha Dha...
18/06/2026

Guddoomiyaha Dalladda Dhallinyarada Puntland, Ruun Cabdikamas, ayaa ka biyo diiday habka loo magacaabay Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed, waxayna sheegtay in dhammaan maamul goboleedyada ay tahay in ay door ku yeeshaan doorashada hoggaanka dhallinyarada.

“Goorma ayaa la joojin doonaa guddoomiye la magacaabo? Dhalinyarada maamulada oo isugu imaan kari waayay inay si xor ah u doortaan hoggaankooda, haddana la yiraahdo dowlad ayaan nahay oo nala qaybiya mas’uuliyadaha—arrintaas waa in dib loo eego. Ma aha hab sax ah in dhalinyarada laga reebo doorasho toos ah oo matalaaddooda ah.”ayey tiri Ruun Cabdikamas.

Address

Istanbul

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when HabibaLadan Abdi posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category