
05/08/2025
War saxaafadeed ay soo saareen odayaasha Dds ee ku sugan Addisababa ayey sheegeen inay muhiim tahay qodobadan hoose.
-In la ilaaliyo nabada iyo xasiloonida dalka iyo Deeganka.
-In la sii xoojiyo dadaalada isbadalka siyaasaded ee Xisbiga Barwaaqo, islamarkaan door libaax laga qaato hindisaha Raysal Wasaare Abiye Ahmed, ee ah dal barwaaqo sooran ah.
-In la garab taagan yahay daddaalada khayraadka Deeganka ee shidaalka lagu soo saarayo.
- In xukuumadu ku degdegtay go’aanka lagu ansixiyay goobaha cusub, una muuqda in xukuumadu oogu tala gashay khalkhal galinta amniga iyo xasiloonida.
- In Mustafe iyo xukuumadiisu ay talada ku soo celiyaan dadka deegaanka maadama ooy ku fashilmeen hogaaminta deegaankuna ku suntanyihiin: Maamul xumo, Musuq-maasuq, cabudhin iyo Cadaalad daro.
- In dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada ay diidaan dulmiga, cadaalad darada, dhaca iyo boobbka hantida dadweynaha ee ay wado xukuumadu.
- In Dawlada Federalku ahmiyad gaara siiso amniga deegaanka islamarkaana laga hortago khataraha amni ee isku dhufashada qabiilada iyo qoomiyadaha aan dariska nahay.
- In Dawlada Federaalku kala doorato shacabka deegaanka ee aahmiyada wayn u leh Dawlada Federalka iyo xukuumada Fashilantay ee Dawlada Deegaanka Soomaalida.