KSM Media

KSM Media Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from KSM Media, Media/News Company, Savvanah, Nairobi.

15/05/2026

Ma fuliyey balanqaadkan mudane Xassan Sheekh?

Guddiga Madaxa-Banaan ee Xuquuqul-Insaanka Qaranka ayaa warbixin kasoo saaray xaaladda Sacdiyo Macalin Cali.𝗪𝗔𝗥-𝗦𝗔𝗫𝗔𝗔𝗙𝗔𝗗...
13/05/2026

Guddiga Madaxa-Banaan ee Xuquuqul-Insaanka Qaranka ayaa warbixin kasoo saaray xaaladda Sacdiyo Macalin Cali.

𝗪𝗔𝗥-𝗦𝗔𝗫𝗔𝗔𝗙𝗔𝗗𝗘𝗘𝗗

Booqashada Guddiga ee Xabsiga Dhexe iyo Xaaladda Sacdiya Macallin Cali

Muqdisho, 13 Maajo 2026 — Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) wuxuu walaac ka muujinayaa sii socoshada xarigga iyo xaaladda Sacdiya Macallin Cali, oo muddo ka badan bil ku xiran Xabsiga Dhexe ee Muqdisho, wax dacwad ahna aan lagu soo oogin.

Guddiga isagoo gudanayo waajibaadkiisa dastuuriga ah ee ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha, wuxuu 29-kii Abriil 2026 booqday Xabsiga Dhexe ee Muqdisho si uu ugu kuurgalo xaaladda xabsiga, waxna uga ogaado xaaladda Sacdiya. Guddigu wuxuu warbixin ka dhageystay masuuliyiinta Ciidanka Asluubta iyo Xabsiga Dhexe, isla maraakana waxa uu xog-wareysi gaar ah la yeeshay Sacdiya iyo qareenkeeda oo uu si gaar ah ula kulmay.

Sida ku cad war-saxaafadeed uu Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranku soo saaray 6-dii Maajo 2026, Sacdiya waxaa loo haystaa eedeymo la xiriira sumcad-dilid iyo kicin bulsho. Hase yeeshee, Guddigu wuxuu walaac ka muujinayaa in ilaa iyo hadda aan wax dacwad ah lagu soo oogin Sacdiya, isla markaana aanay muddeysneyn dhageysiga dacdwadeeda, taas oo lid ku ah xaqa ay u leedahay garsoor caddaalad ah.

Sacdiya waxay Guddigu u sheegtay in xabsiga dhexdiisa dhibaatooyin loogu geystay, sida ciqaab, cabsi-gelin, cunto yari, ciriiri, nadaafad-xumo, hawo yari, iyo xaddidaad lagu sameeyay booqashooyinka qoyskeeda. Sidaas oo ay tahay Guddigu ma xaqiijin karo eedeymahaasi, waxaana uu ku baaqayaa in baaritaan buuxa oo madax-bannaan lagu sameeyo, si looga gun gaaro.

Guddigu wuxuu xusuusinayaa hay’adaha ay khuseyso in dastuurka, xeerarka dalka iyo kuwa caalamiga ah ee Soomaaliya qaybta ka tahay, ay dhammaantood dammaanad qaadayaan xaqa xorriyadda hadalka iyo badbaadada qofka, iyo sidoo kale xaqa helitaanka dhageysi caddaalad ah iyo habraac sharciyeed oo sax ah. Xuquuqahaasi waxay quseeyaan dhammaan dadka, oo ay ku jiraan maxaabiista.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryam Qaasim, ayaa adkeysay: “Xariggu k**a xayuubiyo qofka xuquuqdiisa aas-aasiga ah. Qof kasta oo xiran wuxuu weli xaq u leeyahay karaamo, in loola dhaqmo si bani’aadannimo leh, inuu helo daryeel caafimaad, xiriir qoys, iyo ilaalin sharci oo buuxda sida ay dhigayaan shuruucda dalka iyo kuwo caalamiga ah.

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka wuxuu ugu baaqayaa hay’adaha ay khusayso inay xaqiijiyaan in si buuxda loo dhowro xuquuqda Sacdiya iyo dadka la midka ah, iyadoo la dedejinaayo hanaanka garsoorka, si waafaqsan habraacyada sharciga ah ee dalka.

Guddigu wuxuu sii wadi doonaa la socodka xarigga iyo xaaladda Sacdiya iyo guud ahaan maxaabiista, isaga oo gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah

 :Madaxweynaha ku-meel-gaadhka ah ee Deegaanka Tigray-ga, Janaraal Tadesse Werede, ayaa si adag uga horyimid go’aankii a...
21/04/2026

:Madaxweynaha ku-meel-gaadhka ah ee Deegaanka Tigray-ga, Janaraal Tadesse Werede, ayaa si adag uga horyimid go’aankii ay soo saareen golaha dhexe ee TPLF laba maalin ka hor, kaas oo ku baaqayay in dib loo soo celiyo nidaamkii dawladeed ee ka jiray deegaanka Tigray-ga kahor dagaalkii 2020.

Janaraalku wuxuu ku tilmaamay tallaabadaas mid waxba k**a jiraan ah sidoo kale na khatar ku ah nidaamka sharciyeed ee jira, isla markaana jebinaysa heshiiskii nabadeed ee Pretoria, hishiiskaas oo ahaa tiirkii lagu demiyay colaaddii dhiigga badani ku daatay. Sida uu xusay, dib u soo celinta nidaam h**e oo dagaal horseeday, waa mid dhaawacaysa rajadii laga qabay in nabad waarta la alkumo.

Ugu dambayn, wuxuu xaqiijiyay in xukuumaddiisu ay sii wadi doonto xoojinta hay’adaha dowliga ah iyo hirgelinta hawlaha dib-u-dhiska, isagoo muujiyay kalsooni buuxda oo ku aaddan in jidka nabadda iyo dowlad-dhiska uu yahay midka keliya ee gobolka ka saari kara marxaladda cakiran ee uu ku sugan yahay.

 :TPLF ayaa go’aansatay in ay dib ugu laabto nidaamkii maamul ee ka jiray deegaanka Tigray-ga kahor sanadkii 2013 (E.C),...
19/04/2026

:TPLF ayaa go’aansatay in ay dib ugu laabto nidaamkii maamul ee ka jiray deegaanka Tigray-ga kahor sanadkii 2013 (E.C), nidaamkaas oo aqoonsigii sharci-siyaasadeed ee ay siisay gudiga doorashooyinka Ethiopia kala laabatay ka dib markii TPLF kaligeed qabatay doorasho, xilligii cudurka COVID-19 ku uu sabab u noqday dib u dhigista doorashooyinka guud ee dalka.

Sida ay TPLF ku sheegtay bayaan kasoo baxay golaha dhexe ee ururka, waxaa la go’aamiyay in la kala diro maamulka ku-meelgaadhka ah ee uu hoggaaminayo Tadesse Werede, isla markaana dib loo soo celiyo nidaamkii maamul ee h**e. Go’aankan ayaa imanaya, xili ay dawladda Federaalku hal sano ugu dartay xukunka maamulka ku-meel-gaadhka ah ee Tigray-ga. Arintan ayaa iftiiminaysa suurtagalnimada dagaal dib u dhex mara dawladda iyo TPLF. Wixii ka soo kordha xaaladan halkan kala soco.

“In ka badan 100 xildhibaan ayaa shaaca ka qaadday in muddo-xileedkoodii uu dhammaaday, waxay in dalku galay firaaq dast...
16/04/2026

“In ka badan 100 xildhibaan ayaa shaaca ka qaadday in muddo-xileedkoodii uu dhammaaday, waxay in dalku galay firaaq dastuuri ah.

Deg deg:Ciidanka Jubaland iyo Komandooska Danab ayaa cagta mariyay godod dhulka hoostiisa ah oo la qodayay mudo 12 sano ...
15/04/2026

Deg deg:Ciidanka Jubaland iyo Komandooska Danab ayaa cagta mariyay godod dhulka hoostiisa ah oo la qodayay mudo 12 sano ah kana bilaabanaya Jilib Jubbada dhexe ilaa Qumbi oo Jubbada Hoose ah.

“God kale oo ka bilaabanaya Duleedka Bu'aale,oo Jubbada Dhexe ah illaa laga soo gaaro Weel-marow, Oo jubbada Hoose ah, ayay u suurta Gashay Inay Cagta mariyaan Ciidanka Daraawiishta Jubbaland iyo kuwa Danab.

“Wixii Xog ah Howlgalka marka uu dhamaado ayaa la heli doonaa.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo kuhanjabay Talaabooyin ad adag, kana digay dibu dhaca dalka gaaraya.Si waafaqsan Dastuu...
14/04/2026

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo kuhanjabay Talaabooyin ad adag, kana digay dibu dhaca dalka gaaraya.

Si waafaqsan Dastuurka kumeel gaarka ah ee Federaalka Soomaaliya (2012-kii) waxaa Maantay oo taariikhdu tahay 14ka Bisha Abril 2026 si rasmi ah u dhammaaday muddo xileedkii Goleyaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, taas oo ka dhigan in Dalku si toos ah u galay firaaq dastuuri ah iyo hubanti la'aan siyaasadeed, mana aha mid si kadis ah ku timid ee waa mid Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu si ula kac ah u abuuray.
Madaxweynaha ayaa Shacabka kala doorinsiinaya labo doorasho oo aan midkoodna la aqbali karin, waana doorasho natiijadeeda h**e loo sii ogyahay oo uu isagu sharcigeeda dejiyey, maamulkeeda gacanta ku hayo, lagana maalgeliyey Xafiiskiisa, ama in uu Dalka ku riixo fowdo iyo qalalaase siyaasadeed.
Golaha Mustagbalka wuxuu si adag ugu digayaa Madaxweyne Xasan Sheekh oo asaga laftigiisa uu muddo xileedkiisu ku egyahay 15ka May 2026 in uu ku sii socdo jidka horseedi doona cawaagib culus, sida: burbur hay'adeed, xasillooni darro amni, kala tag siyaasadeed iyo dhaawac weyn oo soo gaara hannaanka curdanka ah ee dowlad dhiska Soomaaliyeed.
Waxaan ugu baaqeynaa shacabka Soomaaliyeed in ay si cad u diidaan sheegashooyinkan been abuurka ah, ayna ka horyimaadaan isku day kasta oo lagu sharciyeynayo doorasho aan la isku raacsanayn oo hal dhinac ah.
Sidoo kale, waxaan ugu baaqeynaa Beesha caalamka inaysan taageerin, ka qeyb qaadan, ama sharciyeyn hannaan doorasho oo aan lahayn sal dastuuri ah, isla markaana khatar gelinaya jiritaanka dowladnimada Soomaaliya.
Haddaba, haddii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku adkaysto go'aanada halka dhinac ah ee khatarta galinaya midnimada iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed, Golaha Mustaqbalka waxaa ka go'an in uu qaado tallaabooyin siyaasadeed oo mas'uuliyadi ku dheehan tahay oo ay ka mid tahay dejinta hannaan doorasho oo loo dhan yahay, ahna mid ku dhisan sharciyad, heshiis garan, iyo matalaad dhab ah.
Dhammaad

Fadlan codkaaga isii...Magacaygu waa Kaafi Xuseen Yusuf, waxaan ahey  musharax madax-banaan oo kasharaxan maamulka magaa...
03/04/2026

Fadlan codkaaga isii...

Magacaygu waa Kaafi Xuseen Yusuf, waxaan ahey musharax madax-banaan oo kasharaxan maamulka magaalada Jigjiga. Waxaan ahey nin dhalinyaro ah oo inbadan kasoo shaqeeyay, ururada dhalinayarada iyo sports-ka, kana mid ahaa muddo dheer hogaaminta ururada dhalinayarada dowlada degaanka Somalida.

Waxaan si sharaf leh idiinka codsanayaa inaad codkiina igu taagertan maadama aan ogahay duruufaha adag ee dhalinayarada degaanku wajahayso, aana xog ogaal idiin ahey. Waxaan balan qaadayaa inaan si dhaba idiin matalo meel kastana dantiina uga hadlo. Idinkaan idinka mid ahey, idinna garab istaagi doono markasta iyo meel kasta.

Fadlan markale codkiina isiiya si aan cod ugu noqdo guud ahaan dhalinayarada degaanka, gaar ahaan kuwa Jigjiga.

Guusha inagaa leh.

28/03/2026

WAR DEGDEG AH: Warar hadda na soo gaadhay ayaa tilmaamaya in ciidamo ka tirsan dowladda Suudaan ay ka soo gudbeen xadka kala dhexeeya dalka Ethiopia, iyagoo gudaha u galay degaanno ka tirsan gobolka Benishangul-Gumuz, halkaas oo la sheegay in ay ciidamada Suudan ku weerareen ciidamo isugu jiray kuwa RSF iyo ciidanka Ethiopia. Waxaa la maqlayaa dhawaqa rasaasta iyada oo labada dhinacba ay adeegsanayaan hubka culus.

DEG DEG: Madaxweynaha Koonfurgalbeed, waxa mar kale loo doortay, Cabdicasiis Laftagareen isaga oo heley codad 66 xildhib...
28/03/2026

DEG DEG: Madaxweynaha Koonfurgalbeed, waxa mar kale loo doortay, Cabdicasiis Laftagareen isaga oo heley codad 66 xildhibaan, xilli DFS ay u soo ruqaanaatay Baydhabo.

Address

Savvanah
Nairobi

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when KSM Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share