
22/07/2025
Lamaane loo dilay in ay Jaceyl isku Guursadeen, Dhacdo murugo leh!!
Bano Bibi iyo Ahsan Ullah ayaa toogasho lagu dilay bannaanka magaalada Deghari ee Gobolka Balochistan Dalka Pakistan, kadib markii la eedeeyay inay is-guursadeen iyagoo aan ka helin ogolaanshaha qoysaska.
Gabdha yar oo gacanta ku haysa Musxafka Quraanka ayaa sheegtay ereyadeedii ugu dambeye oo dareen Xanuun badan ku Abuuray dadyoowga Caakamka ee daawaday Muuqaalkeeda.
“Toddobo tallaabo ila soco, markaas waad i toogan kartaa!”
Waxay si aamusan u socotay… daqiiqado yar kadibna rasaas ayaa lala dhacay.
Dhacdadaan murugada leh waxay ka dhacday meel fog oo ku taal gobolka Balochistan, halkaas oo lamaanayaal is jecel si arxan darro ah loogu dilay iyadoo lagu andacoonayo “Dil Sharafeed”.
Dilka lagu magacaabo xurmo maaha cadaalad, waa dembi