Gedo Online

Gedo Online Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Gedo Online, TV Network, Nairobi.

DEG DEG: Jubaland oo xiriirkii u jartay Dowladda dhexe ee Soomaaliya.
10/11/2024

DEG DEG: Jubaland oo xiriirkii u jartay Dowladda dhexe ee Soomaaliya.

18/08/2023

Wadada lamiga ah

15/06/2022
Somalia soomaali baa leh
09/06/2022

Somalia soomaali baa leh

Fahad yasiin oo ka hadlay xilka loo dhiibabay Mahad salad.
08/06/2022

Fahad yasiin oo ka hadlay xilka loo dhiibabay Mahad salad.

Madaxtooyada Mamul-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,Maanta iyo Caawa .📸 Cali Ducale
01/06/2022

Madaxtooyada Mamul-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,Maanta iyo Caawa .📸 Cali Ducale

DEG DEG: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto uu soo saara...
07/01/2022

DEG DEG: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto uu soo saaray ku faray Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Dowladda in aan sifo sharci darro ah looga saari karin Khasnadda Dowladda lacagta sida sharci darrada ah lagu soo geliyey dalka ee Hay'adaha Ammaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ku qabteen Garoonka Aadan Cadde 8-dii Bisha Abriil ee sanadkii 2018-kii.

Mohamed Abdullahi Mohamed, farmaajo 🤝
03/01/2022

Mohamed Abdullahi Mohamed, farmaajo 🤝

MADAXWEYNE FARMAAJO OO TABABAR U SOO XIRAY SARAAKIIL IYO SARAAKIIL XIGEEN KA QALIN-JABIYEY DUGSIGA TABABARKA CIIDAMMADA ...
31/07/2021

MADAXWEYNE FARMAAJO OO TABABAR U SOO XIRAY SARAAKIIL IYO SARAAKIIL XIGEEN KA QALIN-JABIYEY DUGSIGA TABABARKA CIIDAMMADA EE TURKSOM

Muqdisho, Luuliyo 31, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay munaasabad tababar loogu soo xirayey Dufcaddii 3-aad ee Layli Saraakiil iyo Dufcaddii 4-aad ee Layli Saraakiil Xigeen ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo ka qalin-jebiyey Dugsiga Tababarka Ciidamada ee TurkSom ayaa abaal-marinno guddoonsiiyey Saraakiisha iyo Saraakiil Xigeennada galay kaalmaha h**e.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Saraakiisha iyo Saraakiil Xigeennada maanta qalinjabiyey looga baahan yahay in ay hormuud u noqdaan qorshaha Qaran ee dhismaha Ciidammada Qalabka Sida, safka h**ena ka galaan dagaalka lagaga xoreynayo dalkeenna argagixisada.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an dib-u-dhiska Ciidamada Qaranka, qalabayntooda iyo tayeyntooda, si dib loogu soo celiyo cududda iyo tayada ay ku tilmaaman yihiin Cidiimmada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed."

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in dowladdu ay ku guuleysatay barnaamijka tababarka iyo tayeynta Ciidamada Xoogga Dalka, iyada oo dugsiyada tababarka ee gudaha dalkeenna lagu leylinayo Saraakiil iyo Saraakiil Xigeenno hanan kara tayeynta iyo hoggaaminta Ciidanka.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga dadaalka ay ku bixiyeen in saraakiishan lagu carbiyo dalka gudihiisa, waxa uuna xusay in xiriirka u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya uu yahay mid ku dhisan walaaltinimo iyo iskaashi mug weyn.

Munaasabaddan waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Mehmet Yilmaz, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamed Maxamuud, Wasiir Ku-xigeenka Gaashaandhigga Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Cabbaas Amiin Cali, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

DHAMMAAD

VILLA SOMALIA

Address

Nairobi

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Gedo Online posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category