Inner Arrow - Falaadh

Inner Arrow - Falaadh Somaliland and then Isaaq/SubeerAwal.

24/03/2026

Afhayeenka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Xasan Cabdi Maxamed, ayaa xaqiijiyey inaysan waxba ka jirin wararka sheegaya in maamulka uu la wareegay diyaarad ciidan, ama ay jirto diyaarad ku soo dhacday Baydhabo oo ay gacanta ku hayaan. benintan ayaa daba socotay kaddib markii saacadihii u dambeeyey ay jireen warar sheegayay in diyaarad ciidan oo waajid ka soo duushay ay Baydhabo ku degi rabtay, balse la xabbadeeyey, isla markaana ay gacanta u gashay maamulka Koonfur Galbeed.

24/03/2026

Diyaaradda ayaa ku dagtay gudaha Xerada ciidanka AUSSOM ee Baydhabo.

Ciidanka Itoobiya ayaana ilaalo kahaya,gudahana waxaa kujira masuuliyiin katirsan dhinaca Koonfur Galbeed oo xaalka hubinaya, iyadoo warar is khilaafsan kasoo baxayaan cida diyaaradan iska leh, dhinaca KG ayaa bilowgii sheegtay in ay tahay diyaaradii Waajid kasoo laabatay, laakiin ilaa hadda majirto xog taas cadeynaysa.

24/03/2026

Diyaarad Aircaptor ah oo duleedka Waajid lagu soo xabbadeeyay ayaa ugu dambeyn gacanta u gashay maamulka Koonfur Galbeed.

Diyaaraddan ayaa agab ciidan u daabuleysay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Koonfur Galbeed, waxaana ugu dambeyn la wareegay maamulka Koonfur Galbeed iyadoo lagu haayo garoonka baydhabo sida ilowareedyo sheegayan.

24/03/2026

Baydhabo diyaarad military ayaa la soo riday. La soco faahfaahinta

Deg-Deg:-Koonfurgalbeed ayaa Gudoomiyayaal u magacaawday Kaaraan,Shibis,Cabdul-casiis iyo Dharkeenley.!
24/03/2026

Deg-Deg:-Koonfurgalbeed ayaa Gudoomiyayaal u magacaawday Kaaraan,Shibis,Cabdul-casiis iyo Dharkeenley.!

136 mudane oo katirsan baarlamaanka 11-aad ee waqtigiisy gabaabsiga yahay DFS ayaa ugu baaqay madaxweyne Xassan Sheikh i...
23/03/2026

136 mudane oo katirsan baarlamaanka 11-aad ee waqtigiisy gabaabsiga yahay DFS ayaa ugu baaqay madaxweyne Xassan Sheikh in uu joojiyo duulaanka uu kuwado Koonfur Galbeed.

Xildhibaanada ayaa bogaadiyey doorashada Koonfur Galbeed in loo dhaqaaqo, waxayna sheegeen in Galmudug iyo Hirshabeelle-na Talaabadaas oo kale laga doonayo, ayna muhiim tahay in sharciyada la dhawro.

Urur-siyaasadeedka Ramaas oo kamida ururadii ka qeybgalay doorashada Golaha deegaanka Muqdisho ayaa qaadacay doorashada ...
23/03/2026

Urur-siyaasadeedka Ramaas oo kamida ururadii ka qeybgalay doorashada Golaha deegaanka Muqdisho ayaa qaadacay doorashada qof iyo Cod ee Madaxwwyne Xasan .

Ururkan ayaa kamid ahaa Afarta urur ee ugu codadka badnaa doorashadii Muqdisho.!

Baydhabo Shacab careysan ayaa hadda wadooyinka ka fujinaya Sawirka Madaxweyne Xasan Shekh.!Sidookale Magaalada waxaa kas...
23/03/2026

Baydhabo Shacab careysan ayaa hadda wadooyinka ka fujinaya Sawirka Madaxweyne Xasan Shekh.!

Sidookale Magaalada waxaa kasocda dibad baxyo looga soo horjeedo dowlada federaalka.

Deg-Deg:-Gudoomiyaha Gobolka Bakool ayaa kasoo horjeestay go,aan ay maanta ku dhawaaqeen Maamulka degmada xudur isagoo s...
21/03/2026

Deg-Deg:-Gudoomiyaha Gobolka Bakool ayaa kasoo horjeestay go,aan ay maanta ku dhawaaqeen Maamulka degmada xudur isagoo sheegay inay hoostagaan Maamulka Koofur-galbeed we uu hogaamiyo Lagtagareen.!

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo ka hor-hadlayay ciidan uu tababar u soo xiray ayaa sheegay in ay...
21/03/2026

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo ka hor-hadlayay ciidan uu tababar u soo xiray ayaa sheegay in aysan marnaba ka gorgortameynin nabadda & daganaanshaha deegaankiisa.

Laftagareen ayaa sheegay in isku dayada lagu doonayo in lagu dumiyo Koonfur Galbeed, aysan shaqeyn doonin oo ciidamada amniga ay qeyb ahaan ka hortageen, K/Galbeed ay jiri doonto.

Sawirada Laftagareen oo Ciidamadii uu diyaarsaday hadda uxiray tababar isagoo ay wehliyaan Saraakiisha Itoobiyaanka ah e...
21/03/2026

Sawirada Laftagareen oo Ciidamadii uu diyaarsaday hadda uxiray tababar isagoo ay wehliyaan Saraakiisha Itoobiyaanka ah ee Fadhigoodu yahay Baydhaba.!

Address

Camp Somali
Nakuru

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Inner Arrow - Falaadh posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share