13/05/2025
Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Hirshabelle ayaa maanta si rasmi ah cagaf beeraha lagu qodo ugu wareejisay iskaashatada Wadajir ee ku sugan tuulada Jameeco Shiin, degmada Buuloburde, si loo xoojiyo awoodda wax-soo-saarka beeraleyda deegaanka, loona yareeyo caqabadaha ay la tacaalaan inta lagu jiro xilliyada beereynta iyo goosashada.
Cagaftan ayaa qeyb ka ah qalab casri ah oo loogu talagalay in lagu fududeeyo hawlaha beeraha, looguna dhiirrigeliyo wax-soo-saar waara oo tayo leh. Waxay sidoo kale horseedi doontaa in beeraleydu helaan fursad ay ku kordhiyaan dhul-beereedkooda, una beddelaan hab-beereedkooda mid xirfadeysan oo waafaqsan baahiyaha suuqa iyo deegaanka.
Mashruucan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo wax-soo-saarka gudaha iyo in la gaaro isku filnaansho dhanka cunnada ah. Waxa uu sidoo kale kor u qaadi doonaa dhaqaalaha bulshada deegaanka, isagoo dhiirrigelinaya shaqo abuur iyo iskaashi dheeraad ah oo u dhaxeeya beeraleyda iyo hay’adaha dowladda.
Wareejinta cagafta waxaa gacan ka geysatay hay’adda Zamzam Foundation oo iskaashi la leh hay’adda IRC, iyadoo mashruucani hoos imaanayo barnaamijka horumarinta deegaanka ee BMZ oo ka shaqeynaya xoojinta wax-soo-saarka iyo adkeynta u adkeysiga isbeddelka cimilada.
Munaasabadda wareejinta waxaa si wadajir ah uga qeyb galay mas’uuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Hirshabelle, Mudane Maxamed Bashiir Qaasim (Daqare), Agaasimaha Shaqada iyo Shaqaalaha Wasaaradda, Maxamed Yasiin Mahdi, Guddoomiyaha Degmada Buuloburde, Xasan Maxamed Cabdi, Iskuduwaaha Beeraha Degmada, Jeylaani Jiir Misaad, iyo madax ka socotay hay’adda Zamzam Foundation.
Mas’uuliyiinta halkaas ka hadlay waxay si isku mid ah u bogaadiyeen iskaashatada Wadajir dadaalka ay muujiyeen, waxayna ku dhiirrigeliyeen inay si hufan u maareeyaan qalabkan si ay ugu faa’iideystaan beeraleyda guud ahaan deegaanka.