Abdibasit Farah Mindiyar

Abdibasit Farah Mindiyar WAXAAN IDIIN SOO GUDBINAYNAA DHACDOOYINKA MAALINLAHA AH KUWAASI OO KADHACA SOMALIA IYO ADUUNKA DACALADIISA KALA DUWAN.

10/07/2025

Reer Hargaysa ilaahay kabaqa gabadhaa xaqeeda u soo dhiciya.

Dhowr jeer ayay arin sidaa oo kale Hargaysa kadhacday.

15/06/2025

Israel caawa habeenlii ugu xumaa ayay utahay duqaymo aad uculis ayaa kusocda. Waxaa lagubay guud ahaan warjadii Israel ee hubka.

Netanyahu: Iran waxay gantaal la beegsatay daaqada sariirta iitaal ee gurigayga.Sawirka hoos ka muuqda waa midka mid ah ...
15/06/2025

Netanyahu: Iran waxay gantaal la beegsatay daaqada sariirta iitaal ee gurigayga.

Sawirka hoos ka muuqda waa midka mid ah shacabka Israel.

Meeshaani ma ahan Gaza, ee waa Israel
14/06/2025

Meeshaani ma ahan Gaza, ee waa Israel

๐—ฆ๐—ฒ๐—ป๐—ฎ๐˜๐—ผ๐—ฟ ๐—•๐—ฒ๐—ฟ๐—ป๐—ถ๐—ฒ ๐—ฆ๐—ฎ๐—ป๐—ฑ๐—ฒ๐—ฟ๐˜€ ๐—ผ๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ ๐˜๐—ถ๐—ฟ๐˜€๐—ฎ๐—ป ๐—”๐—พ๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐—ฆ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ฒ๐—ฒ ๐— ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ๐˜†๐—ธ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ ๐˜†๐—ถ๐—ฟ๐—ถ:Wadahadalladii lagu qaban lahaa Axadda si looga ...
14/06/2025

๐—ฆ๐—ฒ๐—ป๐—ฎ๐˜๐—ผ๐—ฟ ๐—•๐—ฒ๐—ฟ๐—ป๐—ถ๐—ฒ ๐—ฆ๐—ฎ๐—ป๐—ฑ๐—ฒ๐—ฟ๐˜€ ๐—ผ๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ ๐˜๐—ถ๐—ฟ๐˜€๐—ฎ๐—ป ๐—”๐—พ๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐—ฆ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ฒ๐—ฒ ๐— ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ๐˜†๐—ธ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ ๐˜†๐—ถ๐—ฟ๐—ถ:

Wadahadalladii lagu qaban lahaa Axadda si looga wada hadlo barnaamijka nukliyeerka Iran ayaa qorsheysnaa. Balse halkii laga sugi lahaa horumar diblomaasiyadeed, Raโ€™iisul Wasaare Netanyahu wuxuu qaaday duqeymo sharci-darro ah oo ka dhan ah Iran, isagoo dilay mid ka mid ah wakiilladii sar sare ee xabbad-joojinta.

Arrintani waxay wiiqday dadaalladii diblomaasiyadeed ee Mareykanka, waxayna halis gelisay nolosha kumannaan rayid ah. Mar kale lama aqbali karo in Mareykanka lagu jiido dagaal kale oo uu hoggaaminayo Netanyahu.

Netanyahu Oo Raadinaya Dhexdhexaadin: Madaxweyne Putin Wuxuu Diiday Codsi Ka Yimid Israaโ€™iilRaโ€™iisul Wasaaraha Israaโ€™iil...
14/06/2025

Netanyahu Oo Raadinaya Dhexdhexaadin: Madaxweyne Putin Wuxuu Diiday Codsi Ka Yimid Israaโ€™iil

Raโ€™iisul Wasaaraha Israaโ€™iil Benjamin Netanyahu ayaa la xiriiray Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, isaga oo ka codsaday inuu dhexdhexaadiyo si loo joojiyo xiisadda sii kordheysa ee u dhaxeysa Israaโ€™iil iyo Iran. Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Putin ayaa si rasmi ah u diiday codsigaas, isaga oo doorbiday in Ruushku aanu si toos ah uga qaybgalin xiisaddaas.

Warar la helay ayaa sidoo kale muujinaya in Netanyahu uu la xiriiray madaxweynaha Maraykanka Donald Trump kahor inta uusan dhicin weerarka, halka uu la hadlay Madaxweyne Putin kaddib weerarka. Tallaabadan ayaa loo fasiray mid uu Netanyahu isku dayay inuu helayo taageero diblumaasiyadeed oo laga yaabo inay Israaโ€™iil kaga badbaaddo falcelin suurtagal ah oo ka timaada Iran.

Waxay yidhaadeen Xamse Laascaanood ma tagi karo, waana uu tagay.SSC-Khatumo Maamul loo aqonsan maayo bay ku xijiyeen, si...
08/05/2025

Waxay yidhaadeen Xamse Laascaanood ma tagi karo, waana uu tagay.

SSC-Khatumo Maamul loo aqonsan maayo bay ku xijiyeen, si sharafleh baa Maamul logu aqoonsaday.

SSC-Khatumo Shirka Madasha maka qayb gali karaan, iyagoo si wacan loosoo dhaweeyay bay ka qayb galeen.

Markii ay hagardaamo la yimaadaan, waxaa soo if baxda fursaddo cusub oo horumar inoo ah.

Madaxwaynaha Dawlad Gobaleedka SSC-Khaatumo oo ku wajahan Muqdisho ๐Ÿ›ซMadaxwaynaha Dawlad Gobaleedka SSC-Khaatumo ayaa ber...
02/05/2025

Madaxwaynaha Dawlad Gobaleedka SSC-Khaatumo oo ku wajahan Muqdisho ๐Ÿ›ซ

Madaxwaynaha Dawlad Gobaleedka SSC-Khaatumo ayaa berrito ku wajahan caasimadda Muqdisho, halkaas oo la filayo in uu Isniinta ka furmo Shirka Madasha Qaranka.

Shirkan waxaa ka qeyb galaya madaxda maamul goboleedyada:
โžก๏ธ Koonfur Galbeed
โžก๏ธ Galmudug
โžก๏ธ Hirshabeelle
โžก๏ธ Gobolka Banaadir
Kuwaasoo aan weligood ka maqnaan madasha.

Dhanka kale, Puntland oo muddo dheer ka maqneyd shirarka Madasha, ayaa markan shuruud ku xirtay ka qeybgalkeeda โ€“ waxay dalbatay in laga heshiiyo arrimaha lagu kala aragti duwan yahay ee la xiriira siyaasadda, dastuurka, iyo doorashooyinka.

Jubbaland iyaduna waxay DFS u sheegtay in aysan ka qeyb geli doonin ilaa laga laabto doorashadii Madaxweyne Axmed Madoobe, taasoo ay muran ka taagan tahay.

๐Ÿ‘‰ Waxaa isha laguu hayaa sida uu shirkan u furmi doono iyo doorka SSC-Khaatumo ay ku yeelan doonto madasha.

Boqor Buur Madow wuxuu yiri "Daaroodoow aan is kaashano oo Hawiye xukunka ka qaadno"Daaroodoow aan is kaashanoโ€™ ma aha q...
02/05/2025

Boqor Buur Madow wuxuu yiri "Daaroodoow aan is kaashano oo Hawiye xukunka ka qaadno"

Daaroodoow aan is kaashanoโ€™ ma aha qorshe qaran, waa halhays qabyaaladeed. SSC Khatumo Maamul Gobaleedyadda ee Daarood bay ka tirsan tahay, laakiin Daaroodnimadu sharaf bay leedahay, ma ahan hub lagu dumiyo Hawiye ama cid kale.

Boqor buu sheegtay, balse baadi buu daba socdaa.

Ninka aad sawirkiisa aragtaan waxaa la dhahaa Ustaad Khaalid wuxuuna u dhashay dalka Yaman, waa maamule mid kamid ah isk...
10/04/2025

Ninka aad sawirkiisa aragtaan waxaa la dhahaa Ustaad Khaalid wuxuuna u dhashay dalka Yaman, waa maamule mid kamid ah iskuulada halkaas ku yaalo, habeen habeenada kamid ah ayaa waxaa dhacday in loosoo diray fariin yar oo kooban una qorneyd sidatan; "ู…ุช ุดู‡ูŠุฏุง" (dhimo adigoo Shahiid ah).

Ustaad Khaalid wuxuu yiri; Fariintaas kadib waxaan ka bixi waayay guriga mudo todobaad ah, sidoo kalana waxaan u yeertay fuundi iga badala albaabka guriga iigana dhiga albaab Bir ka sameysan.

Mudadaas isbuuca ah wax kale iska daayee xitaa albaabka guriga hadii la iisoo garaaco ma furi jirin oo caruurta ayaan u diri jiray, ilaa laga gaaray maalin aan banaanka wax uga baahday kana fursan waayay, markaa ayaan mid aan dhalay horay usoo watay, anagoo suuqa joogno ayaa waxaa iga hor yimid arday kamid ah ardaydii iskuulka wuxuuna igu yiri; Xagee ka baxday Ustaadow? Fariinteydiina iigama aadan soo jawaabine?

Waxaan ku dhahay; Fariintee?

Markaa ayuu igu yiri; Fariintii aan kuusoo qoray isbuucii h**e waxaana ku dhahay "ู…ุชู‰ ุงู„ุดู‡ุงุฏุงุชุŸ" (goormee la heli karaa shahaadooyinka?).

Maalintaas wixii ka dambeeyay Ustaad Khaalid wuxuu mar walba sitaa Qori AK47 macal qasnadiisa asigoona wacad ku maray dadka qoraalka qalda ee isla sii saxan inuu aduunkaan ka ciribtiri doono.

๐Ÿ”ต WAR CUSUB: Puntland ayaa si adag u beenisay in Hay'adda Maareynta Masiibooyinka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay g...
08/03/2025

๐Ÿ”ต WAR CUSUB: Puntland ayaa si adag u beenisay in Hay'adda Maareynta Masiibooyinka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay gargaar bani'aadannimo soo gaarsiisay deegaannadeeda, waxayna ku tilmaantay hay'ad ay hareeyeen musuqmaasuq iyo wax-is-daba marin baahsan.

Mas'uuliyiinta Puntland ayaa sheegay inaysan jirin wax gargaar ah oo ka soo gaaray hay'addaasi, iyagoo shacabka uga digay wararka lagu marin-habaabinayo bulshada.

Xiisadda ayaa imaanaysa xilli Puntland ay wajahday abaaro iyo xaalado bani'aadannimo oo adag, iyadoo khilaafka labada dhinac uu sii xoogaysanayo.

๐Ÿ”ด DEG DEG: Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga iyo Boqortooyada Ingiriiska ayaa si ...
08/03/2025

๐Ÿ”ด DEG DEG: Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga iyo Boqortooyada Ingiriiska ayaa si wadajir ah u shaaciyay inay taageersan yihiin qorshaha ay waddamada Carabta soo diyaariyeen ee lagu doonayo dib-u-dhiska iyo soo kabashada marinka Gaza, kaas oo dhaqaalihiisu ku kacayo $53 bilyan oo dollar. Wasiirradu waxay sidoo kale sheegeen in qorshahan uu ka hortagayo barakac loo geysto shacabka Falastiiniyiinta ah ee ku nool Gaza, iyadoo la ilaalinayo xuquuqda iyo deegaanadooda, lana hubinayo inaan shacabka laga saarin dhulkooda.

Tallaabadan ayaa timid iyadoo bulshada caalamku ka baaraan-dagayso xal waara oo loo helo xaaladda bani'aadannimo iyo midda dhaqaale ee Gaza ka jirta.

Address

Bagan Lalang

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdibasit Farah Mindiyar posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Abdibasit Farah Mindiyar:

Share