FinTech Somalia

FinTech Somalia FinTech in Somalia
https://linktr.ee/fintechsomalia welcome

Salaam Somali Bank just launched a new crypto exchange feature in their app.Now you can buy, sell, or swap crypto direct...
13/07/2025

Salaam Somali Bank just launched a new crypto exchange feature in their app.

Now you can buy, sell, or swap crypto directly from your bank account—fast and easy!

Ciid wanaagsan dhammaan ummada Muslimiinta meel walbaa ay joogaan,
05/06/2025

Ciid wanaagsan dhammaan ummada Muslimiinta meel walbaa ay joogaan,

Fariin inoogu soodir qeybta messageska ama comment  hoos inoogu reeb hadii aad xiiseyneyso fursaddaan.
15/05/2025

Fariin inoogu soodir qeybta messageska ama comment hoos inoogu reeb hadii aad xiiseyneyso fursaddaan.

𝐇𝐀𝐌𝐁𝐀𝐋𝐘𝐎 SomBank oo ku guuleystay Bangiga ugu fiicnaa ee Sanadkii tagay ee 2024🏦🏆
20/02/2025

𝐇𝐀𝐌𝐁𝐀𝐋𝐘𝐎 SomBank oo ku guuleystay Bangiga ugu fiicnaa ee Sanadkii tagay ee 2024🏦🏆

Celebrating out 3rd year on Facebook. Thank you for your continuing support. We could never have made it without you. 🙏🤗...
16/02/2025

Celebrating out 3rd year on Facebook. Thank you for your continuing support. We could never have made it without you. 🙏🤗🎉

Waxaa la hirgeliyey SIPS (Somali Instant Payment System) oo ah nidaam lacag-bixin degdeg ah oo isku xiraya dhammaan bang...
18/01/2025

Waxaa la hirgeliyey SIPS (Somali Instant Payment System) oo ah nidaam lacag-bixin degdeg ah oo isku xiraya dhammaan bangiyada dalka. Waxaad si fudud lacagaha ugu diri kartaa, uguna bixin kartaa suuqyada, internetka, iyo ganacsiyada – si degdeg ah oo ammaan ah.

Waa adeeg muhiim ah oo kor u qaadaya dhaqaalaha iyo fududeynta maaliyadda gudaha Soomaaliya.

Waafi App oo ku guuleysatay abaalmarinta Best Islamic Fintech for Islamic Inclusion ee shirka Global Islamic FinTech For...
18/12/2024

Waafi App oo ku guuleysatay abaalmarinta Best Islamic Fintech for Islamic Inclusion ee shirka Global Islamic FinTech Forum oo ka dhacay magaalada Dubai. Guul Soomaaliyeed oo dhiirigelin leh!

𝐂𝐨𝐧𝐭𝐚𝐜𝐭𝐥𝐞𝐬𝐬 𝐏𝐚𝐲𝐦𝐞𝐧𝐭 waa hab lacag bixin degdeg ah oo fudud, adigoo isticmaalaya taleefankaaga leh tiknoolajiyada 𝐍𝐅𝐂 (𝐍𝐞...
17/07/2024

𝐂𝐨𝐧𝐭𝐚𝐜𝐭𝐥𝐞𝐬𝐬 𝐏𝐚𝐲𝐦𝐞𝐧𝐭 waa hab lacag bixin degdeg ah oo fudud, adigoo isticmaalaya taleefankaaga leh tiknoolajiyada 𝐍𝐅𝐂 (𝐍𝐞𝐚𝐫 𝐅𝐢𝐞𝐥𝐝 𝐂𝐨𝐦𝐦𝐮𝐧𝐢𝐜𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧). Waxaad ku bixin kartaa lacagta adigoon istcmaaleynin cardkaga bankiga lafta ah amaba aan gelin PIN-kaaga, taas oo ka dhigaysa mid ammaan ah oo nadiif ah.

Waafi app wuxuu kuu soo kordhiyay adeegiisa cusub ee Mastercard-ka digital ah, kaas oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee Soomaaliya la keeno. Hadda waxaad si sahlan oo degdeg ah ku bixin kartaa lacagaha adigoo isticmaalaya Waafi app iyo Mastercard-ka ku xiran wallet-kaaga. Uma baahnid kaarkaaga bangiga lafta ah, kaliya isticmaal taleefankaaga!

𝗦𝗶𝗱𝗮 𝗟𝗼𝗼𝗴𝘂 𝗜𝘀𝘁𝗶𝗰𝗺𝗮𝗮𝗹𝗼 𝗪𝗮𝗮𝗳𝗶 𝗔𝗽𝗽 𝗖𝗼𝗻𝘁𝗮𝗰𝘁𝗹𝗲𝘀𝘀 𝗣𝗮𝘆𝗺𝗲𝗻𝘁
1. Soo degso Waafi app oo ka dalbo Mastercard-kaaga digital ah kuna hel si degdeg ah.
2. Furo NFC-ga taleefankaaga.
3. Fur Waafi app marka aad bixinayso lacag oo dooro Mastercard-kaaga.
4. Ku dhaweey taleefankaaga qalabka POS ee aqbala contactless payment.
5. Sidaas ayaad ku bixisey lacagta.

Payment gateway waa adeeg digital ah oo loo isticmaalo in lacagaha online-ka ah lagu xiro. Waxay fududeysaa in lacag lag...
16/07/2024

Payment gateway waa adeeg digital ah oo loo isticmaalo in lacagaha online-ka ah lagu xiro. Waxay fududeysaa in lacag laga qaado macaamiisha marka ay wax ka iibsadaan internetka. Waa sida albaabka lacag bixinta oo kale, oo u oggolaanaya shirkadaha iyo macaamiisha in ay lacag kala gudbisadaan si amaan ah.

𝐒𝐢𝐝𝐞𝐞 𝐚𝐲𝐞𝐲 𝐮 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐞𝐞𝐲𝐚𝐚𝐧:

1-Macmiilku wuxuu wax ka iibsanayaa internetka.
2-Website-ka ama app-ka wuxuu macmiilka u gudbinayaa payment gateway-ga si uu lacagta u bixiyo.
3-Payment gateway-gu wuxuu xaqiijiyaa faahfaahinta lacag bixinta, sida lambarka kaarka, lacagta la bixiyay, iyo caddadka lacagta.
4-Bangiyada ama adeegyada lacag bixinta (PayPal, Stripe, iwm) waxay hubiyaan in lacagtu sax tahay oo amaan tahay.
5-Lacagtu waxay ka soo dhaqaaqeysaa akoonka macmiilka kuna dhacaysaa akoonka ganacsadaha.

𝐅𝐚𝐚'𝐢𝐢𝐝𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐨𝐨𝐝𝐚:

Amaan: Waxay xaqiijiyaan in lacagaha lagu bixiyo qaab ammaan ah, iyaga oo isticmaalaya teknoolojiyada sifeynta xogta.
Sahlan: Waxay u fududaynayaan macaamiisha inay si dhakhso leh u bixiyaan lacagta.
Dhakhso: Waxay lacagaha kala gudbiyaan waqti gaaban gudaheed.
International: Waxay taageeraan lacagaha ka imaanaya dalal kala duwan.

𝐂𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐭𝐢𝐜𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢 𝐊𝐚𝐫𝐭𝐚:

Ganacsiyada: Waxay ku habboon yihiin ganacsiyada internetka wax ku iibinaya sida dukaamada online-ka ah.
Adeegyada Online-ka: Website-yada bixiya adeegyada khadka tooska ah sida tababarada, software-ka, iwm.
Shakhsiyaadka: Qof kasta oo doonaya inuu internetka lacag ku kala xawilo.
Tusaale ahaan, haddii aad leedahay dukaan online ah oo iibisa dhar, waxaad isticmaali kartaa payment gateway si aad lacagaha macaamiisha uga soo qaaddo marka ay wax ka iibsadaan dukaankaaga.


Digital wallets-ku waxay si weyn ugu soo badanayaan dalka, iyadoo bankiyo badan oo Soomaaliyeed ay soo bandhigeen digita...
14/07/2024

Digital wallets-ku waxay si weyn ugu soo badanayaan dalka, iyadoo bankiyo badan oo Soomaaliyeed ay soo bandhigeen digital wallets u gaar ah. Digital Wallet waa boorso elektaroonig ah oo aad ku kaydsan karto lacagahaaga iyo macluumaadka kaararkaaga bangiga, kuna isticmaali karto taleefannada casriga ah. Bulshada waxay ka faa'iideysan karaan lacag-bixin sahlan, ammaan, iyo maareynta lacagaha meel kasta iyo wakhti kasta. Ganacsatada waxay kordhin karaan iibka, yareyn karaan khataraha lacagaha caddaanka ah, iyo fududeyn karaan diiwaangelinta lacagaha. Aan ka faa'iideysanno fursadan cusub ee casriga ah.
Hadaba midkee ayaad adigu istcmaashaa?



Premier Bank ayaa daahfurey adeega Premier Payment Gateway oo ah adeeg elektaroonig ah oo lacag-bixinaha internet-ka ka ...
14/07/2024

Premier Bank ayaa daahfurey adeega Premier Payment Gateway oo ah adeeg elektaroonig ah oo lacag-bixinaha internet-ka ka dhiga kuwo sahlan, ammaan ah, oo u oggolaanaya ganacsatada inay lacag ka helaan kaararka bangiga iyo hababka kale ee elektaroonigga.




Bankiga caalamiga ah ee Salaam Somali Bank  ayaa daahfurey adeegyo cusub uu soo kordhiyey, waxaan ka mid ah adeegyadaas:...
13/07/2024

Bankiga caalamiga ah ee Salaam Somali Bank ayaa daahfurey adeegyo cusub uu soo kordhiyey, waxaan ka mid ah adeegyadaas:

1: POS (Point Of Sales) oo loogu talagaley ganacsatada iney qabtaan lacag bixinaha kala duwan sida kaararka bangiga iyo hababka kale ee electrooniga ah.
2: Debit & Prepaid visa cards oo ah kaarar kuugu xiran xisaabtaada bangiga. oo aad u isticmaali karto lacag-bixinaha elektarooniga ah iyo inaad lacag kala bixi karto ATM-yada dunida.
3: Payment gateway oo ah adeeg electroonig ah oo fududeeya lacag bixinta onlineka iyadoo la ilaalinayo xogtaada amniga.



Address

Bagan Lalang

Website

https://linktr.ee/fintechsomalia, https://fintechsomalia.wixsite.com/fintechsomalia

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when FinTech Somalia posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to FinTech Somalia:

Share