13/10/2025
Markaan arkay dhowr muuqaal oo Madarasadaan reer Sudan laga soo duubay waxaan soo xusuustay iyadoo subax kasta xiligeenii School ka hal Nashiido aan ku celcelino Faataxada kadib wax Wadaniyada la xiriirana aan la aqrin karin meesha ardaydu safato horteeda waxaa ku taala bir loogu tala galay calanka balse nasiib daro dad baa inoo diidanaa calankeena in meeshaas la saaro si xiligaa naloo baro astaanta aan wadamada kale kaga duwanahay. Hada waxaan muuqaalkaan usoo qaatay maalintii shalay ahayd waxay ahayd maalintii Calanka hadana baraarug ogaansho ah ma jirin lagu waynaynaayo. Walaaleheen Reer Sudan 🇸🇩 allaha ka saaro dhibta ay ku jiraan maanta🤲