Ayub Abdi Hashi

Ayub Abdi Hashi Respect people for who they are🙏

28/08/2026

Wadankaan aan joogo ee Malaysia maanta waxaa u bilaabanaaya dabaaldaga 69 guuradoodii kasoo wareegtay xuriyada maalintii ay British ka qaateen runtii intaas ay jiraan waxay gaareen guulo badan iyagoo wali aaminsan in dib u dhac ku jiro hadana nolol muuqata ayay ku nool yihiin iyagoo dalxiiska iyo waxbarashada lacago aad u badan ka soo xareeya wadankoodana ka dhigay wadan wada geedo iyo dhul cagaaran ah iyagoo cimiladooda ay tahay mid kulul wadankaan wax badan ayaan iskaga egnahay walina qof si rasmi ah oga hadlay ma aanan arag. Waan ugu hambalyaynaynaa sanad guuradooda.

16/08/2026

Waxaan barta tiktok ku arkay muuqaalo badan oo ninkaan reer Uganda ah uu qandaraasla yaal, district planner, maamulayaal school iyo companies guryo iyo jidad dhisay goobohoodii inta ugu tagay mid mid u warsanaaya ma aqaano run iyo been iyo xilka uu ka haayo dowlada Uganda lkn markaan arkay lacagta loogu sheegay in wax lagu qabtay cadadkeeda iyo waxa la qabtay sida ay u yaaliin waxaa igusoo dhacday 30sano Soomaaliya waxa nalagu lahaa waan qabanay iyo hadii loo tago wixii la qabtay sida ay u yaaliin in caqliga saliimka ahi diidaayo 5sano ee u danbeysay waxaan ka shaqaynaayay Galmudug markaan arko dhisme School, Musqulo ama Guryo iyo Ceelal ama Masaajido la leeyahay intaas oo Hay'adood ayaa isla dhisay qarash xoog badan ayaana ku baxay iyo waxa markaa meesha ku arkay walee in ay ii sawirantay in aan u baahanahay cidii qandaraaska bixisay iyo cidii la siiyay in ay fuliso sida ninkaan dadka u galay loo galo oo xabsi iyo ciqaab aduun la marsiiyo allaha ku gubo umadana haka qabto qof kasta oo ku howlan cunida xoolaha umadda.

Hada muuqaalkaan waa mid kamid ah dhismayaashii uu la yaabay waa musqulo bal qiyaas lacagta la sheegaayo iyo musqulahaas ma isku qalmaan

25/12/2025 maanta waa maalin taariikhi ah sababtuna waa in nuuc doorasho oo dadwayne ka qayb galaayaan ay dhacayso inkas...
25/12/2025

25/12/2025 maanta waa maalin taariikhi ah sababtuna waa in nuuc doorasho oo dadwayne ka qayb galaayaan ay dhacayso inkastoo sax iyo qaladba aan labada dhinac la’isku raacsaneen balse hadii aan dib u fiirino Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo go’aanadiisii loogasoo horjeestay balse 10sano ku dhowaad qaarkood lagu nacfinaayo xiligaase hoog iyo balan bal lagu sheegay iyo in aan laga fiirsan waa kuwaan ee hoos ka aqriso:-
1) Dib u furistii Jaamacada Umadda Soomaaliyeed 2013kii
2) Dib u furistii Digfeer Hospital 2014/15
3) Bilaabistii Dhismihii Xerada TURKSOM 2015kii
4) Bilaabistii Imtixaankii Qaranka 2015
Waxaan kaloon xusuustaa kal xukunkiisii h**e xeerar baarlamaanku ansixiyeen markii lagu buuqay Madaxweynahana uu yiri waxay dhaqan galayaan kal xukunka danbe, marka intaas iyo inkaloo badanba waa looga soo horjeestay wuuna ku adkeystay tana waxaan rajaynaa in alle ka dhigin mid dhabaato daba dheeraata nagu noqota waanse in lagula indha adeego siday noqon allaa oge.
Allow magantaa🤲


Address

Changalun
Changlun
06010

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ayub Abdi Hashi posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Ayub Abdi Hashi:

Shortcuts

Share