Cilariti Consulting Services

Cilariti Consulting Services Consulting firm delivering strategy, governance & advisory services across East Africa. Clarity | Integrity | Results

Cilariti Consulting Services (CCS) delivers clear, strategic consulting in business, governance, and public sector growth across East Africa and Somalia.

๐™…๐™ค๐™ž๐™ฃ ๐™๐™จ ๐™–๐™ฃ๐™™ ๐™ง๐™š๐™œ๐™ž๐™จ๐™ฉ๐™š๐™ง ๐™ฉ๐™ค๐™™๐™–๐™ฎ.๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข ๐Œ๐ž๐ซ๐ข๐ญ ๐€๐ฐ๐š๐ซ๐๐ฌ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฑhttps://www.ccskenya.com/awards/
02/07/2025

๐™…๐™ค๐™ž๐™ฃ ๐™๐™จ ๐™–๐™ฃ๐™™ ๐™ง๐™š๐™œ๐™ž๐™จ๐™ฉ๐™š๐™ง ๐™ฉ๐™ค๐™™๐™–๐™ฎ.

๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข ๐Œ๐ž๐ซ๐ข๐ญ ๐€๐ฐ๐š๐ซ๐๐ฌ
๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฑ
https://www.ccskenya.com/awards/

Mark your calendars! ๐ŸŽ‰ On August 10, 2025, CCS and the Somali Embassy in Kenya proudly co-host the Somali Merit Awards (...
02/07/2025

Mark your calendars! ๐ŸŽ‰ On August 10, 2025, CCS and the Somali Embassy in Kenya proudly co-host the Somali Merit Awards (SMA), celebrating outstanding Somali-led businesses and initiatives.
Join us in honoring excellence and inspiring the community!

27/06/2024

Clan Conflict Escalates in Galmudug and Puntland Region

27/06/2024

Somali Government Approves National Security Resolution

27/06/2024

Ethiopiaโ€™s Land Grab: Hassan Sheikh Accuses Ethiopia

30/04/2024

Why is Gen. Shub frustrated with the Ministry of Justice?

30/04/2024

What is causing PM Hamza to feel unsettled about the upcoming election?

30/04/2024

Turkish Intel Director visits Mogadishu.

13/01/2024

Hadalada dhiilada leh ay beryahan danbe isa soo taraya ee madaxweynaha Soomaaliya HSM iyo dhigiisa Itoobiya RW Abiye Axmed, ay hawada isu marinayaan waxay muujinaysaa in uu dhici karo dagaal dhax mara laba dal . Balse inta aynu ku sahwin dagaal aynu cid kale la galno ,horta aynu hoos u eegno xaalkeenu waa sidee:

1.Xafiisyada xukuumadda, shaqaalaha rayidka, xubnaha labada aqal ilaa xafiisyada dalka ugu sareeyo,waa madaxtooyada Villa-Somalia iyo xafiiska Raisal-Wasaarahee waxaa dhamaan ka buuxa taageerayaasha nidaamka gooni-isku-taagga ee Somaliland, waxaana jira shaqsiyaad si hoose iyo si banaan-yaal ah u caddaystay taageeradooda,waxayna hayaan jagooyin muhiim ah.

2. Hoggaanka Milateriga Soomaaliya oo u muuqda mid aanan lahayn istiraatijiyad,wax badanna aanan ka fahansanayn xeeladaha dagaalka casriga ah, waxaana taasi daliil u ah soo jeedintii sarkaal ka tirsan ciidamada badda Soomaaliya mar uu ka hadlayey TV-ga Qaranka oo ahayd in uu gaynayo ciidanka badda Soomaliya halkaas, ayadoo la wada ogyahay inaysan Soomaaliya lahayn ciidan dhisan oo badeed iyo agabkoodii dagaal.

3. Ciidamada Itoobiya ayaa ka howlgala saldhigyo aad u qalabeysan oo ku yaala gudaha dalka Soomaaliya, waxay ciidankooda maamulaan dagmooyin dalka gudahiisa ah, sidoo kale waxay ku dhax jiraan nidaamka amniga ee dalka.
Saas oo tahay madaxweynaha iyo wasiirka arrimaha gudaha iyo qaybo ka mid ah ciidanka ayaa sheegayo inay gali karaan dagaal dag-dag ah oo aanan loo diyaar garoobin.

4. Nidaamka gooni-goosadka ah ee Somaliland ayaa qaadey tilaabo xoog-badan oo ay baddii dalka ku bixiyeen, ma jiro wax tilaabo ah oo u qorsheysan dowladda madaxweyne HSM oo ay kaga falcelinayaan, ama cadaadis ay ku saarayaan,aanan ka ahayn wasiir Fiqi oo meelaha ka qayliyo.

5. Dagaalka uu madaxweynaha iclaamiyay ayaa keenaya suโ€™aalo in la iska waydiiyo istaraatiijiyaddiisa iyo fahamkiisa. In lala dagaalamo Itoobiya waa khasab marba haday kusoo xadgudubto jiritaanka wadankeena ,balse waxaa ina horyaala caqabado waawayn oo loo baahanyahay in si hoose loo eego:
B- Soomaaliya ma haysato ciidan qaran oo dhamaystiran
T- Dowladda dhexe k**a arrimiso halka ay itoobiyaanku doonayaan
J- Lama hubo maamul goboleedyada inay dagaalka la galayaan dowladda dhexe.
X- Xitaa hadduu dagaal ka qarxo goboladda waqooyi, waxay u badantahay in ay Soomaali ku dagaalanto oo aanan itoobiyaan-ba meesha imaan, taasna waxay soo celinaysaa 1988-labaad

Marka la eego caqabadahaas, waxaa muhiim ah inuu madaxwaynaha si miyir qab ah u waajaho arrintaan, oo laab-la kac iyo fudeyd lagu maarayn

1. Dowladda ha siiso aqoonsi maamul oo buuxa goboladda SSC iyo Awdal.
2. Si deg deg ah Raisal-Wasaaraha ha u magacaabo wasiirka arrimaha dibadda dalka.
3. Si degdeg ah dib loogu eego saamaynta ay Itoobiya ku leedahay hanaanka ciidamada dalka iyo nidaamka dowladda dhexe.
4. Dib u qiimayn dag-dag ah halugu sameeyo tanaasulaadyadii horey loo siiyay nidaamka gooni-goosadka ah ee SomaliLand.

Si loo wajaho caqabadaha ka dhax-jira dalka gudahiisa inta aanan dagaal la galin, waxaa muhiim ah in madaxweynaha wax la arki karo ka qabto caabuqa ka dhax jira dalka.
Waxaan rajeeynayaa in madaxweynaha iyo dhamaan maamulkiisa qaadi doonaan tilaabo maangal ah o aanan ku dhisnayn laab-la kac iyo fudayd.

Raisal wasaaraha Yuhuuda Netanyahu wuxuu ku wargeliyay Biden in Israaโ€™iil ay ku qasban tahay inay gasho Qaza, xilli boqo...
09/10/2023

Raisal wasaaraha Yuhuuda Netanyahu wuxuu ku wargeliyay Biden in Israaโ€™iil ay ku qasban tahay inay gasho Qaza, xilli boqol kun oo ciidan ah ay geysay xadka Gaza, halkaa oo sidoo kale si aan kala jogsi lahayn ay duqeyno uga geysanayaan diyaaradaha Israaโ€™iil, sida uu sheegay wargeyska Israaโ€™iil ka soo baxa ee Walla.

Dagaalka Xamaas iyo Israaโ€™iil ayaa maalintii saddexaad galay, sidan ayay arrimuhu u taaganyihiin; โ€ขDhimashada ayaa kor u...
09/10/2023

Dagaalka Xamaas iyo Israaโ€™iil ayaa maalintii saddexaad galay, sidan ayay arrimuhu u taaganyihiin;

โ€ขDhimashada ayaa kor u dhaaftay 1,100 labada dhinac , iyadoo in ka badan 100,000 oo ciidamada Israa'iil ah ay hadda isku urursanayaan xadka si ay ugu diyaar garoobaan weerar xagga dhulka ah.

โ€ขWaxaa jira ugu yaraan toddobo goobood oo ay militariga Israaโ€™iil weli kula dagaallamayaan dagaalyahannada Falastiiniyiinta.

โ€ขIsraa'iil waxay sheegtay inay xaqiijisatay gacan ku haynta saldhigga booliiska ee Sderot, balse dhowr meelood oo ku teedsan darbiga Qaza ayaa weli gacanta ugu jira Xamaas.

โ€ขDuqeymaha cirka ee Israaโ€™iil ayaa lagu garaacay dhismayaal badan oo la deggan yahay oo ku yaal Qaza.

โ€ข73 askari oo Israel ah ayaa la xaqiijiyay in ay dileen dagaalyahanada Falastiiniyiinta, waxayna tani ka dhigtay iskahorimaadkii ugu dhimashada badnaa ee soo mara Israaโ€™iil tan iyo dagaalkii labaad ee Lubnaan 2006.

Address

Kampong Dollah

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Cilariti Consulting Services posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Cilariti Consulting Services:

Share