13/01/2024
Hadalada dhiilada leh ay beryahan danbe isa soo taraya ee madaxweynaha Soomaaliya HSM iyo dhigiisa Itoobiya RW Abiye Axmed, ay hawada isu marinayaan waxay muujinaysaa in uu dhici karo dagaal dhax mara laba dal . Balse inta aynu ku sahwin dagaal aynu cid kale la galno ,horta aynu hoos u eegno xaalkeenu waa sidee:
1.Xafiisyada xukuumadda, shaqaalaha rayidka, xubnaha labada aqal ilaa xafiisyada dalka ugu sareeyo,waa madaxtooyada Villa-Somalia iyo xafiiska Raisal-Wasaarahee waxaa dhamaan ka buuxa taageerayaasha nidaamka gooni-isku-taagga ee Somaliland, waxaana jira shaqsiyaad si hoose iyo si banaan-yaal ah u caddaystay taageeradooda,waxayna hayaan jagooyin muhiim ah.
2. Hoggaanka Milateriga Soomaaliya oo u muuqda mid aanan lahayn istiraatijiyad,wax badanna aanan ka fahansanayn xeeladaha dagaalka casriga ah, waxaana taasi daliil u ah soo jeedintii sarkaal ka tirsan ciidamada badda Soomaaliya mar uu ka hadlayey TV-ga Qaranka oo ahayd in uu gaynayo ciidanka badda Soomaliya halkaas, ayadoo la wada ogyahay inaysan Soomaaliya lahayn ciidan dhisan oo badeed iyo agabkoodii dagaal.
3. Ciidamada Itoobiya ayaa ka howlgala saldhigyo aad u qalabeysan oo ku yaala gudaha dalka Soomaaliya, waxay ciidankooda maamulaan dagmooyin dalka gudahiisa ah, sidoo kale waxay ku dhax jiraan nidaamka amniga ee dalka.
Saas oo tahay madaxweynaha iyo wasiirka arrimaha gudaha iyo qaybo ka mid ah ciidanka ayaa sheegayo inay gali karaan dagaal dag-dag ah oo aanan loo diyaar garoobin.
4. Nidaamka gooni-goosadka ah ee Somaliland ayaa qaadey tilaabo xoog-badan oo ay baddii dalka ku bixiyeen, ma jiro wax tilaabo ah oo u qorsheysan dowladda madaxweyne HSM oo ay kaga falcelinayaan, ama cadaadis ay ku saarayaan,aanan ka ahayn wasiir Fiqi oo meelaha ka qayliyo.
5. Dagaalka uu madaxweynaha iclaamiyay ayaa keenaya su’aalo in la iska waydiiyo istaraatiijiyaddiisa iyo fahamkiisa. In lala dagaalamo Itoobiya waa khasab marba haday kusoo xadgudubto jiritaanka wadankeena ,balse waxaa ina horyaala caqabado waawayn oo loo baahanyahay in si hoose loo eego:
B- Soomaaliya ma haysato ciidan qaran oo dhamaystiran
T- Dowladda dhexe k**a arrimiso halka ay itoobiyaanku doonayaan
J- Lama hubo maamul goboleedyada inay dagaalka la galayaan dowladda dhexe.
X- Xitaa hadduu dagaal ka qarxo goboladda waqooyi, waxay u badantahay in ay Soomaali ku dagaalanto oo aanan itoobiyaan-ba meesha imaan, taasna waxay soo celinaysaa 1988-labaad
Marka la eego caqabadahaas, waxaa muhiim ah inuu madaxwaynaha si miyir qab ah u waajaho arrintaan, oo laab-la kac iyo fudeyd lagu maarayn
1. Dowladda ha siiso aqoonsi maamul oo buuxa goboladda SSC iyo Awdal.
2. Si deg deg ah Raisal-Wasaaraha ha u magacaabo wasiirka arrimaha dibadda dalka.
3. Si degdeg ah dib loogu eego saamaynta ay Itoobiya ku leedahay hanaanka ciidamada dalka iyo nidaamka dowladda dhexe.
4. Dib u qiimayn dag-dag ah halugu sameeyo tanaasulaadyadii horey loo siiyay nidaamka gooni-goosadka ah ee SomaliLand.
Si loo wajaho caqabadaha ka dhax-jira dalka gudahiisa inta aanan dagaal la galin, waxaa muhiim ah in madaxweynaha wax la arki karo ka qabto caabuqa ka dhax jira dalka.
Waxaan rajeeynayaa in madaxweynaha iyo dhamaan maamulkiisa qaadi doonaan tilaabo maangal ah o aanan ku dhisnayn laab-la kac iyo fudayd.