Abdibasit Farah Mindiyar

Abdibasit Farah Mindiyar WAXAAN IDIIN SOO GUDBINAYNAA DHACDOOYINKA MAALINLAHA AH KUWAASI OO KADHACA SOMALIA IYO ADUUNKA DACALADIISA KALA DUWAN.

Waxaan si buuxda u taageerayaa hadalka Wasiirka Beeraha Soomaaliya, Xil. Xayir Maareeye. Run ahaantii, waa arin qaldan i...
26/08/2025

Waxaan si buuxda u taageerayaa hadalka Wasiirka Beeraha Soomaaliya, Xil. Xayir Maareeye. Run ahaantii, waa arin qaldan in qaran uu ku tiirsanaado gargaar shisheeye mar walba. Waxaa la joogaa xilligii aan dib ugu noqon lahayn kalluumaysigeenna, beeraha, iyo khayraadka dabiiciga ah ee Alle nagu mannaystay.

Qof walba waa in uu garowsadaa in mustaqbalka dalka ku xiran yahay sida aan uga faa’iidaysanno dhulkeena, baddaheena, iyo hal-abuurkeena. Mucaawino dhamaadleh oo goor kastaa lagaa jari karo ee caalamka ka timaadda mar dambe ma jiri karto, mana ahan wax sharaf leh in aan sidaas ku sii noolaanno.

Aan taageerno qorshaha lagu dhiirrigelinayo in qof kasta shaqo iyo nolol ka raadsado dalka gudihiisa. Soomaaliya waxay leedahay fursado dhaqaale oo aan la soo koobi karin haddii si hufan loo maamulo.

Waa in aynu u midoobnaa horumarinta beeraha, kalluumaysiga, iyo wax soo saarka gudaha si aynu uga madax-bannaano gargaar shisheeye.

06/08/2025

Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari ee Soomaaliya waa cutub cusub oo ka mid noqonaya dhismaha qaranimo ee dalka.

Aqoonsiga rasmiga ah ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya siisay maamulka cusub waa guul taariikhi ah, laakiin guusha dhabta ahi waxay ku xirnaan doontaa sida loo maamulo fursaddan. Waxaanu ognahay inuu waqtigu yahay mid qaali ah, fursadduna ay tahay mid xadidan sidaa awgeeda, hoggaanka cusub waa in lagu saleeyaa aqoon, karti, iyo daacadnimo.

Waa in si cad loo doortaa:

1. Shaqsiyaad leh aragti horumarineed oo fog.

2. Aqoonyahanno faham qoto dheer u leh dowlad dhiska.

3. Hogaan daacad u ah shacabka, kana fog musuq iyo eex.

4. Hoggaan mideeya bulshada, ilaalin kara hantida guud, oo horumarin kara adeegyada bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, iyo amniga.

Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari hadda uma baahna loollan siyaasadeed oo nacfi la’aan ah waxay u baahan tahay midnimo, iskaashi, iyo hoggaan u hogaansan mas’uuliyadda shacabka.

Sidoo kale, masuuliyiinta isu sharaxaya xilka madaxweynaha waa in ay muujiyaan xasillooni, is ixtiraam. Ma aha waqtigii mucaarad la abuuri lahaa, waa waqtigii loo midoobi lahaa sidii loo dhisi lahaa dowlad goboleed shacabkaa dhibaataysan wax u qabata.

Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari waa in uu noqdaa tusaale cusub oo qaranka dhisa, kaa oo ka duwan nidaamyadii h**e ee lagu cabiray qabyaaladda, danno gaar ah, iyo maamul aan waxtar lahayn.

Aqoonsi la'aantii, horumar gaarimayno, aqoon la’aanteedna, maamul inoo hirgali maayo. Shacabka Waqooyi Bari waxay mudan yihiin dowlad si hufan ugu adeegta, cadaalad ku dhisan, kana tarjumaysa rabitaankooda.

Address

Bangsar Road, Jalan Bangsar
Kuala Lumpur
43200

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdibasit Farah Mindiyar posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Abdibasit Farah Mindiyar:

Share