12/05/2026
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta magaalada Jowhar si rasmi ah uga furay Meertada 7-aad ee Caafimaadka Soomaaliya, oo diiradda lagu saarayo horumarinta adeegyada caafimaadka ee shacabka Soomaaliyeed.
Shirka oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa waxaa ka qeyb galay wasiirrada caafimaadka dowlad-goboleedyada, maamulka gobolka Banaadir iyo ururrada caafimaadka.
Waxaa farxad iyo sharaf weyn u ah bulshada Hirshabeelle gaar ahaan magaalada Jowhar in shir heer qaran ah oo muhiim u ah caafimaadka dalka lagu qabto magaalada, taas oo muujineysa horumarka, amniga iyo kaalinta ay Jowhar ku leedahay martigelinta shirarka waaweyn ee dalka.
Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa si weyn loogu ammaanayaa sida hagar la’aanta ah ee uu ugu shaqeynayo bulshada, isaga oo mudnaan siinaya adeegyada aas-aasiga ah, horumarinta caafimaadka, amniga iyo daryeelka shacabka. Dadaalladiisa joogtada ah iyo dhowrista danaha bulshada ayaa kasbaday kalsoonida iyo taageerada shacabka Hirshabeelle.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa door muuqda ka qaadanaya hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka qof iyo cod, kuwaas oo shacabka Soomaaliyeed siinaya fursad ay si toos ah ugu doortaan hoggaankooda, una xoojinaya dowladnimada iyo horumarka dalka.
Dhanka kale, Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa ku ammaanay bahda caafimaadka Soomaaliyeed dadaalkooda iyo naf-hurnimada ay ugu adeegayaan bulshada Soomaaliyeed.