31/05/2026
Beesha Sacad oo war-saxaafadeed ka soo saartay xaaladda Galmudug.
Beelweynta Sacad ee dagan caasimadda dhuusamareb ayaa maanta yeelatay Shir ay ugu tashanaayeen aayaha Beesha kulanka waxaa ka soo qeyb-galay wasiiro katirsan Galmudug salaadiin, odayaasha dhaqanka, siyaasiyiin, dhalinyarada, haweenka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Sacad ee kusugan caasimada Dhuusmareeb. Kadib tashiyo dheer, waxaa ka soo baxay qodobadan Dhowrka ah:
1. Beeshu waxay adkaynaysaa muhiimadda ay leedahay ilaalinta amniga caasimadda iyo dhammaan deegaannada kale ee Galmudug si loo xoojiyo nabadda,
xasilloonida iyo wadajirka bulshada iyo dowladda reer Galmudug.
2. Beesha Sacad waxay si buuxda u taageeraysaa qabsoomidda doorashooyinka ka dhaca Galmudug taas oo si daahfuran loo qabto ahna mid loo dhanyahay.
3. Beesha Sacad waxay caddeynaysaa inay si buuxda u taageeri doonto cid kasta oo si sharci ah ugu soo baxda hoggaanka Dowladda Galmudug, iyadoo mudnaanta
siinaysa midnimada, wadajirka iyo horumarka bulshada reer Galmudug.
4. Beeshu waxay bogaadinaysaa doorka dhalinyarada iyo haweenka ee ka qeyb-galay shirkaan, waxayna ku boorrinaysaa in la sii kordhiyo ka-qeybgalkooda arrimaha
siyaasadda bulshada, iyo nabad-galyada.
5. Beesha Sacad waxay ugu baaqaysaa dhammaan beelaha reer Galmudug inay ilaaliyaan wadajirka, kana hortagaan cid kasta oo burburinaysa nidaamka Galmudug ee hada jira