07/07/2025
Shirka dib-u-heshiisiinta beelaha Wagardhaca iyo Sacad oo maanta si rasmi ah manta looga furay magaalada Dhuusamareeb, ayaa shacabka iyo indha-indheeyeyaasha siyaasadda u dhaliyay su'aalo badan oo ku saabsan waxtarkiisa iyo dhab ahaanshihiisa.
Shirka oo lagu tilmaamay mid xambaarsan muhiimad weyn, ayaa haddana la og yahay in dhowrkii sano ee lasoo dhaafay marar badan la qabtay shirar noocan ah, balse aan wax natiijo muuqata laga gaarin. Tani waxay keentay in dad badan su’aal geliyaan:
➡️ Maxaa ka dhashay shirarkii h**e?
Shacabka reer Galmudug, gaar ahaan bulshada deegaanka Galgaduud, waxa ay ka daaleen shirar lagu bixiyo kharash badan, hadana aysan ka dhalan nabad waarta ama xal dhab ah oo lagu xalliyo khilaafaadka beelaha.
➡️ Bulshada kuma filna ka qayb-galka:
Waxaa muuqata in shirka markasta lagu casuumo koox gaar ah, isla markaana aysan jirin matalaad dhab ah oo loo heli karo qeybaha kale ee bulshada sida dhalinyarada, haweenka, iyo dadka deegaanka ay si toos ah codkooda ugu dhiiban karaan.
➡️ Dhibaatooyinka Asaasiga ah lama taaban:
Nabad-dhisidda waxay u baahan tahay in wax laga qabto arrimaha aasaasiga ah sida adeegyada bulshada, horumarinta dhaqaalaha, shaqo-abuurka, iyo amniga. Balse shirarku waxay ku ekaadaan sawir-qaadasho iyo hadal ku kooban masraxyada, taasoo shacabka badankood ka niyad jabtay.
➡️ Dhuusamareeb oo looga dhigay masraxa keliya:
Dadka qaar waxay qabaan in shirarka noocan ah markasta lagu qabto Dhuusamareeb, halka deegaanka kale sida
Galinsoor, Dhabad
Cabudwaaq, Cadaado, Guriceel iyo Balanballe aysan helin fursad ay ku marti-geliyaan shirarka ama ay si muuqata ugu matalaan.
Bulshada Galmudug waxay dalbanayaan in laga baxo shirar warqado iyo ballan-qaadyo kaliya lagu bixinayo.
Qays Bashiir Osman