Waryaa News

Waryaa News Yusuf abdirahman, Golwein 1963

XARUN JAAJUUS.Jaajuuska waa sida Doofaarka oo kale, oo ah xayawaanka ugu liita xayawaanadda ee xaarkiisa cuno.Somaliya w...
10/12/2025

XARUN JAAJUUS.

Jaajuuska waa sida Doofaarka oo kale, oo ah xayawaanka ugu liita xayawaanadda ee xaarkiisa cuno.
Somaliya waxay noqotay beertii jaajuusyada, dadkeedana waxay wada noqdeen jaajuusyo wada xaraan ah ( madax iyo shacab ) oo dalkooda iyo dadkooda wax u dhima ( wararka ka gudbiya ), waxyeelana u soo jiido.
Waxaa h**e loo yiri; beertii Doofaar kaa galo, waxaa lagu bixiyaa eeyo.
Micnihii xaraan, xaraan kale isaga bixi.

DAGAALKA: DAGAALADDA OO DHAN.( Psychological warfare - حرب الأعصاب)Markii aad cadowgaagga wax walba ku daydo oo weli soo...
10/12/2025

DAGAALKA: DAGAALADDA OO DHAN.
( Psychological warfare - حرب الأعصاب)

Markii aad cadowgaagga wax walba ku daydo oo weli soo taagan, haddey noqon laheyd dagaal iyo caga jugleyntiisa mar walba, ama marka lagu jiro xasilooni darro dhanka waaqica siyaasadeed ( geo-politics ), waxa keliya ee kuu haraa ama kula gudboon waa dagaalka dhan maskaxda iyo caqliga cadowgaagga ( psychological warfare; is the planned tactical use of propaganda, threats & other non - combat techniques to influence the thinking or behavior of your enemy ).

Weli lama arkin ummad leh aragti fog ( strategic ) oo haddanna dulqaad ama sabar laheyn ( without tactics )
Somali waxay rabtaa iney meel fog gaarto, laakin dulqaadkii jidkii ay ku mari laheyd, sey u gaarto aragtitooda iyo rabistoodda aan laheyn, waa kaas dhibka na heysto.
In aan labadaas la isla helo waa hibo iyo waxaan leys la heli karin mucjiso ( micnihii caqli badan iyo dulqaad badan iney kulmaan waa wax naadir ah oo aan la arag inta badan ).

Ummadda Somalida qabiiladeedda iyo kala duwanaanshaheedda labadaas sifo ama ahaansho ee kor ku xusan wey ku adkaatay siddey u mideyn lahaayeen.
Si walba ha noqotee, haddii caqliga Somalida laga ilaaliyo ama laga dhowro arrimaha soo socda sida;
- ka bad-badinta xaqiiqda iyo wax walba sidey yihiin ( over exaggeration - المبالغة ).
- ballan furka iyo khiyaanadda ( deception - الخداع ).
- marin habaabinta ( disinformation - معلومات مضللة )
- ugu dambeeyntii, been abuurka dhaqameed ( myths - الأساطير ), waxay noqon karaan ummad ( nation ) leh aragti iyo rabis fog iyo dulqaadkeedda.

10/12/2025

Sicirka fardaha waxaa kor u qaado tartanka.
Qiimaha dad leeyahayna waxaa kor u qaado mowqifkooda.
Somali mowqif ma leedahay?

09/12/2025

Wax kaa sii tegaayo, weligaa ha u rakuucin. Daliil salaadda jenaazada malaha rakuuc iyo sajuud midna.

09/12/2025

Sadex waxyabood lama arko; Malaa'ikta, Jiniga iyo qof dukaanka deyn looga leeyahay.

08/12/2025

Markii laga hadlo dano iyo lacag, dadku waa isku diin, waa isku qabiil.
MICNAHA Somali waxa isku diray waa labadaas.

SHEEKADII JANAQOW IYO GALTI.Ninkii JANAQOW ahaa ayaa gurigiisa, waxaa soo gashay balanbalis, weligiis ma arkin, wuxuu u ...
07/12/2025

SHEEKADII JANAQOW IYO GALTI.

Ninkii JANAQOW ahaa ayaa gurigiisa, waxaa soo gashay balanbalis, weligiis ma arkin, wuxuu u maleeyey sida xasharaadka ee uu yiqiin ee dhibka iyo waxyeelada leh ( duqsi, baranbaro, kaneeco iwm ).
Odeygii intuu is heyn waayey ayuu ul weyn iyo bud la daba orday balanbaalistii.
Gurigii oo dhan ayuu jejebiyey, carruurtiina qaar dhawacay.
Doqonimadiisa awgeed carruurtiina waa wada dhaawac, gurina ma jiro.

Intaas waa dhinac, waxaa ka sii daray doqonimada odeygii JANAQOW, ninka la dhihi jiray GALTI oo aaminsan in dhibka iyo burburka ay ka dambeeyso balanbaalista oo si nabad ah isaga duusha.
SHEEKADA JANAQOW & GALTI, waxaa la mid ah oo la barbardhigi karaa dagaalka Isreal iyo Xamaas.
Si Xamaas loo dilo ayaa loo burburiyey Gaza oo dhan oo ay kumanaan dad ah ku dhinteen, kumanaan guryo ah ku aasmeen.
waxaa halis galey gobolka bariga dhexe xasiloonidiisii.
Markaasay doqomadii carabta, waxay aamineen
Sababtu in Xamaas ka dambeeyso.

DIMOQRAADIYADA KARTOONKA.Waxaa lagu gartaa ama lagu yaqaan afar sifood.- musharaxiin ka ganacsato saboolnimada dadka.- c...
07/12/2025

DIMOQRAADIYADA KARTOONKA.

Waxaa lagu gartaa ama lagu yaqaan afar sifood.
- musharaxiin ka ganacsato saboolnimada dadka.
- cod bixiye, codkiisa ku iibsado kartton saliid ah iyo kiish bur ah.
- warbaahinta dadka ku dawaqiso been iyo khuraafi.
- natiijada oo lagu soo dhex kariyo qol mudug ah, inta aysan doorashada dhammaan.

07/12/2025

Waqtigii h**e, hubka waxaa loo sameyn jiray si loogu dagaalamo ( qadiyad ). Hadda, dagaalada waxaa loo sameeyaa in hubka lagu iibiyo ( ganacsi ).

07/12/2025

Nolosha & waqtiga waa 2 Macalin; nolosha waxay ku bartaa waqtiga, waqtigana wuxuu ku baraa qiimaha ay nolosha leedahay.

06/12/2025

Markii aan yaraa dhawaceyga wuxuu u badnaa jilbaha, markii aan weynaadayna dhawacii wuxuu u batay wadnaheyga. Weynaadaa wanaagsanaado micnaheeddu ma taas baa?

05/12/2025

Nin aroos ah ayaa la yiri: ka waran arooska, markaasu yiri: waa sida Internet ka oo kale.
Maalmaha h**e waa dheereeya, ka dibna waa gaabiyaa.

Adres

Klaproosmeen 4
Harderwijk
3844PE

Telefoon

+31622860043

Website

Meldingen

Wees de eerste die het weet en laat ons u een e-mail sturen wanneer Waryaa News nieuws en promoties plaatst. Uw e-mailadres wordt niet voor andere doeleinden gebruikt en u kunt zich op elk gewenst moment afmelden.

Delen