Oogo Media Post

Oogo Media Post NOLOSHU WAA HALGAN IYO HADAF DHALINYARO

05/09/2026

Madaxweyne Cirro iyo Weftigii uu Hogaaminayay oo si diiran Washington loogu soo dhaweeyay.

Breaking News!!!!!Africa has finally won!UNITED NATIONS General Assembly adopts an African proposal for a new world map ...
05/09/2026

Breaking News!!!!!

Africa has finally won!

UNITED NATIONS General Assembly adopts an African proposal for a new world map showing true size of countries relative to one another; US only nation that opposed the resolution.

This 👇🏽is the True Map and size of Africa!

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa la filayaa in uu saacadaha soo ...
05/09/2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa la filayaa in uu saacadaha soo socda uu ka d**o dalka Maraykanka halkaas uu ku tegayo booqasho rasmi ah. Safarkan oo noqonaya kii koowaad ee madaxweyne Cirro uu Maraykanka ku tago tan iyo markii uu talada dalka la wareegay ayaa noqday mid si weyn isha loogu hayo loogana war sugaya natiijada ka soo baxaysa.

Madaxweyne Cirro maaha madaxweynihii koowaad ee taga Maraykanka balse waa madaxweynihii afraad ee ka degga Maraykanka isaga oo haya xilka Somaliland ugu sarreeya. Waxase guud ahaanba kala duwan safarradii madaxdii h**e iyo safarrada madaxweyne Cirro ee xilligan.

Sababta ugu weyn ee isha sannadkan loogu hayo ayaa ah in doorkan aanay Somaliland oo keliya wadin qorshaasha safarka Maraykan balse khubaro waddamo kale ka socota gaar ahaana Israa’iil ayaa ka shaqaynaya malafyada qaar.

Arrimaha socdaalkan saamaynta u yeelaya waxa ka mid ah.

* Is beddelka dunida ka dhacay iyo goobta Somaliland ku taalla oo hadda loo arko muhiimad gaar ah taas oo Somaliland u fudaydisay in qaddiyadeeda Maraykanku u qiimeeyo si ka duwan sidii h**e

* Aqoonsiga Israel siisay Somaliland oo soo jeedisay indhaha Caalamka sababna u noqotay in dad badani wax ka ogaadaan Somaliland.

* Israel oo taageero siinaysa Somaliland oo kala shaqaysay in farriinta Somaliland gaadho gudaha Maraykanka si loo xoojiyo xidhiidhka labada dhinac.

* Is beddelka ku yimi siyaasadda Maraykanka ee Geeska Afrika gaar ahaanna Soomaaliya iyo Washington oo danaynaysa in ay hadda si toos ah ula xidhiidho Somaliland gaar ahaanna dhinaca ammaanka iyo arrimaha badda cas.

* Dedaallo ay bixiyeen kooxo u ololeeya arrimaha Somaliland iyo Israel kuwaas oo sameeyey olole "lobby" ay ku taageerayaan Somaliland.

Madaxweyne Cirro inta uu joogo Maraykanka waxa la naawilayaa in uu la kulmi doono xildhibaanni ka tirsan labada aqal ee Maraykanka, masuuliyiin ka mid ah waaxda difaaca, haayaddo u ololeeya arrimaha is balaadhinta Maraykanka, ganacstada danaynaysa maal gashiga Somaliland iyo masuuliyiin ka mid ah guriga cad ee looga taliyo Maraykanka.

GODEY: Waxuu yaxaas qaatay wiil yar oo ku dabaalanayay buundada Godey hoosteeda,Waxaalla raadinayaa cid dabaal taqaanna ...
04/09/2026

GODEY: Waxuu yaxaas qaatay wiil yar oo ku dabaalanayay buundada Godey hoosteeda,

Waxaalla raadinayaa cid dabaal taqaanna oo raadisa maydka wiilka yar.
Alle Samir iyo iimaan haka siiyo waalidkii.

04/09/2026

■ Wiil dhalinyaro ah oo noqday qofkii ugu h**eeyey ee qoys kii shalay aan baahinay raashin gaadhsiiyey anagoo isku raacnay qoyskana xaalkooda uu ka soo war helay allah ha barakeeyo..

■ Sidoo kale waxaa jira dad muxsiniin ah oo hooyada lambar keedii ugu soo diray Wixii karaan kooda ahaa…

■ Qoyskan Agoonta ah aan u kacno oo aan soo caawinno wax dabka loo saaro ma haystaan…

E-Birr:: 0990442313
Zaad:: 0633779107
E-Dahab:: 0657058209

Sawirrada guriga General Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Taliye Shub ) oo xalay duqeyn lagu beegsaday degmada Doolow ee gobolk...
04/09/2026

Sawirrada guriga General Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Taliye Shub ) oo xalay duqeyn lagu beegsaday degmada Doolow ee gobolka Gedo.

General Mahad, oo h**e laba jeer u soo noqday Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, sidoo kalena ahaa xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa la sheegay inuu ka badbaaday duqeynta. Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in guriga la beegsaday in ka badan hal mar.

03/09/2026
03/09/2026

Qoyskan Agoonta ah aan u kacno oo aan soo caawinno wax dabka loo saaro ma haystaan…

E-Birr:: 0990442313
Zaad:: 0633779107
E-Dahab:: 0657058209

01/09/2026

OGAYSIIS MA JECESHAHAY INAAD QUR,AANKA BARATO AMA XIFTIDO..

مركز الصراط المستقيم لتحفيظ القرآن الكريم (عن بعد online)"

Markiska Siraadil Mustaqiim Ee Xiftinta Qur,aanka Kariimka (Online)

■ wax yaabaha aad ku baranayso"
1..Higaadda (الهجاء)
2.Xitinta Qur,aanka (تحفيظ القرآن الكريم)
3. Barashada Tajwiidka(التجود وعلومه)
4.Carrab sixidda ( تصحيح القرآن الكريم)

Gurigan oo ku yaalla dalka Nepal ayaa noqday midka ugu caansan caalamka hadda, ka dib markii uu si mucjiso leh uga badba...
30/08/2026

Gurigan oo ku yaalla dalka Nepal ayaa noqday midka ugu caansan caalamka hadda, ka dib markii uu si mucjiso leh uga badbaaday fatahaadihii ba’naa ee gabi ahaanba tirtiray tuulo dhan oo uu ku dhex yaallay.

Iyadoo masiibadu ay burbur xooggan gaysatay, haddana gurigan ayaa u adkaystay xooggii biyaha, waxaana si nabad ah uga soo badbaaday dhammaan xubnihii qoyska ee ku dhex jiray.

Adkeysiga layaabka leh ee dhismahan ayaa horseeday in caalamka oo dhan laga raadiyo injineerkii dhisay, si loo ogaado aqoonta iyo farsamada uu adeegsaday ee ka dhigtay gurigan mid dhoobada iyo biyaha dhex istaaga xilli guryihii kale ay u dumeen si sahlan.

Adresse

Oslo

Varslinger

Vær den første som vet og la oss sende deg en e-post når Oogo Media Post legger inn nyheter og kampanjer. Din e-postadresse vil ikke bli brukt til noe annet formål, og du kan når som helst melde deg av.

Snarveier

Del