NorSom News

NorSom News Norsk-somalisk nettavis
Wargays Ka warama dhamaan waxyaabaha ku cusub jaaliyada soomaaliyeed ee Norwey.

Norway ayaa waxaa ka bilowday maalmaha baroordiiqda geerida Boqorka. Linkiga hoose ka akhri taariikhdiisa oo kooban.
28/08/2026

Norway ayaa waxaa ka bilowday maalmaha baroordiiqda geerida Boqorka.
Linkiga hoose ka akhri taariikhdiisa oo kooban.

Xaaladda caafimaad ee boqorka Norway, ayaa aad usii xumaatay maalmihii ugu danbeeyay, sida ay sheegeen xubnaha qiyska bo...
27/08/2026

Xaaladda caafimaad ee boqorka Norway, ayaa aad usii xumaatay maalmihii ugu danbeeyay, sida ay sheegeen xubnaha qiyska boqortooyada.

Boqorka oo xukunka hayay tan iyo sanadkii 1991, ayaa ah mid taageero weyn ku leh bulshoweynta Norway.

SSB: Dadka Norway ka guuray ayaa ka batay dadka usoo guuray.
23/08/2026

SSB: Dadka Norway ka guuray ayaa ka batay dadka usoo guuray.

Wargelin iyo Casuumaad( Kulan aqooneed, Isniin, 6-da Luulyo 2026, saacadda 17:00-20:00). Waxaa dhammaan bulshada Soomaal...
04/07/2026

Wargelin iyo Casuumaad( Kulan aqooneed, Isniin, 6-da Luulyo 2026, saacadda 17:00-20:00).

Waxaa dhammaan bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Oslo iyo nawaaxigeeda lagu casuumayaa inay kasoo qaybgalaan kulan dood-aqooneed oo lagu lafa-guri doono mustaqbalka afka, dhaqanka iyo huwiyadda Soomaalida qurbaha, xilli dunidu ay ku jirto isbeddello waaweyn oo saameynaya bulshada, siyaasadda, dhaqaalaha, xiriirrada caalamiga ah iyo aqoonsiga bulshooyinka laga tirada badan yahay.

Kulanka waxaa marti noogu ah:

* Dr/Amb: Maxamed Sheekh Cali Doodishe – Qoraa, cilmibaare, kana ah Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dowladda Qadar.

* Dr. Mohamed Hussein Gaas – Cilmibaare iyo agaasimihii h**e ee waaxda qurbo-joogta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

* Dr. Mohamed Hussein Moalin – Qoraa iyo cilmibaare ku takhasusay afka, dhaqanka iyo luuqadaha Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa noqon doona madal lagu falanqeeyo sida loo ilaalin karo loona xoojin karo afka, dhaqanka iyo aqoonsiga Soomaaliyeed, iyadoo la wajahayo caqabadaha iyo fursadaha cusub ee ka jira dunida casriga ah.

Taariikh: Isniin, 6 Luulyo 2026
Waqti: 17:00–20:00
Goobta: Tøyenhelsa H32, Hagegata 32, 0653 Oslo.

25/06/2026

"Kulan kasta oo arrimaha bulshada loo qabto, dadka ugu badan ee imaada oo isa soo xilqaama waa hooyooyinka soomaaliyeed oo haya masuuliyadda ugu weyn ee qoyska".

Gudoomiyaha masaajidka Abubakar ee magaaladda Drammen, Sh Ismaaciil Caduur oo ka hadlayay kulan wacyigalin ah oo Khamiistii ka dhacay masaajidka magaaladda Drammen.

Adresse

Brugata 1
Oslo
0187

Varslinger

Vær den første som vet og la oss sende deg en e-post når NorSom News legger inn nyheter og kampanjer. Din e-postadresse vil ikke bli brukt til noe annet formål, og du kan når som helst melde deg av.

Kontakt Bedriften

Send en melding til NorSom News:

Snarveier

Del