Abdi Dreysse

Abdi Dreysse 🎙️ A Voice of Reason & Insight | 💡 Wacyigelin & Fikir Sax |

Sidee Loo Dhisayaa Somaliland Uu Muwaadinku Ugu Kalsoonaan Karo Qarankiisa In Ka Badan Qabiilkiisa? 🤔😇👇Su’aashani ma aha...
20/08/2026

Sidee Loo Dhisayaa Somaliland Uu Muwaadinku Ugu Kalsoonaan Karo Qarankiisa In Ka Badan Qabiilkiisa? 🤔😇👇

Su’aashani ma aha oo keliya su’aal siyaasadeed; waa su’aal taabanaysa jiritaanka, mustaqbalka iyo tayada dawladnimada Somaliland. Haddii muwaadinku marka ay timaaddo cabsi, fursad, caddaalad ama xuquuq uu u cararo qabiilkiisa ka hor inta aanu u cararin qarankiisa, waxa aynu haysannaa dawlad jirta, laakiin weli ma haysanno dawladnimo si buuxda ugu qotonta qalbiga muwaadinka. Sidaa darteed, su’aashu ma aha “sidee qabiilka loo tirtiraa?”, balse waa “sidee loo dhisaa qaran ka awood, caddaalad iyo kalsooni badan qabiilka?”

Aragtidayda, muwaadinku qaranka k**a jeclaado khudbad lagu yidhi “qaranka jeclaada”; wuxuu qaranka jeclaadaa marka uu arko in qaranku jecel yahay, ilaaliyo, una siman yahay isaga iyo qofka kale. Kalsoonidu hadal kuma dhalato, ee waxay ka dhalataa caddaalad joogto ah, adeeg hufan, sharci la wada siman yahay iyo masuuliyad aan qofka lagu kala soocin nasab iyo beel.

Qabiilku inta badan wuu xoogaystaa marka hay’adaha qaranku daciifaan. Marka booliisku yahay meel lagu kalsoonaan karo, maxk**addu tahay meel caddaalad laga helo, shaqaduna ku timaaddo karti, adeegyada dawladuna si siman u gaadhaan bulshada, baahida qofku u qabo inuu qabiilkiisa u noqdo gaashaan way yaraataa. Sidaas darteed, qabiilku mararka qaarkood ma aha oo keliya sababta dawladnimadu u daciifto; wuxuu sidoo kale noqdaa natiijada ka dhalata hay’ado aan abuuri karin kalsooni.

Somaliland haddii ay doonayso qaran muwaadinku ku faano, waa inay dhistaa hay’ado ka sarreeya shakhsiga iyo beesha. Sharcigu waa inuu u sinnaadaa madax, maalqabeen, siyaasi iyo qof danyar ah. Qofka xilka haya waa in lagu qiimeeyaa waxqabadkiisa, qofka shaqada qabanayana kartidiisa, qofka gefkana lagu xisaabtamaa cidda uu doono ha ahaadee.

Waxaa kale oo lama huraan ah in siyaasadda laga saaro ganacsiga dareenka qabyaaladeed. Siyaasiga cod ku hela inuu beel dareen geliyo wuxuu heli karaa guul, laakiin wuxuu dhaawacayaa qarannimada. Siyaasadda caafimaad qabta waa in lagu tartamaa waxa la qabanayo, sida loo qabanayo iyo cidda ugu kartida badan.

Waxbarashaduna waa furaha isbeddelkan. Ilmaha maanta dugsiga jooga waa muwaadinka berri. Haddii lagu barbaariyo inuu marka h**e yahay reer hebel, kadibna yahay muwaadin, waxaan sii wadi doonaa jiilal kala fogaansho ku dhisan. Laakiin haddii lagu barbaariyo inuu yahay muwaadin leh xuquuq iyo waajibaad, qarannimadu waxay noqonaysaa dhaqan, ee ma aha hal-ku-dheg.

Ugu dambayn, Somaliland ma dhisi karto qaran uu muwaadinku ka aamino qabiilka haddii aan la dhisin dawlad uu muwaadinku ku aamino caddaaladdeeda. Qabiilku wuxuu ku siin karaa cid aad taqaan, laakiin qaran wanaagsan waa inuu ku siiyaa caddaalad aad ku kalsoon tahay.

Taasi waa halka ay ka bilaabato Somaliland dhab ahaan uga gudbaysa qabiil ku tiirsan bulsho una gudbaysa muwaadin ku tiirsan qaran.

Dreyssa

🗣: 35 sano kadib, su’aasha ugu weyn ee maanta Somaliland hortaalla ma aha oo keliya waxa ay qabatay, balse waa halka ay ...
13/08/2026

🗣: 35 sano kadib, su’aasha ugu weyn ee maanta Somaliland hortaalla ma aha oo keliya waxa ay qabatay, balse waa halka ay kaga jirto safarka dawladnimada 👀💯✍️.

Somaliland 1991 waxay ka soo bilaabatay meel aad u adag. Hay’ado dawli ah oo burburay, amni aan sugnayn, dhaqaale daciif ah iyo adeegyo bulsho oo aad u yar. 35-ka sano ee xigay waxay ku guulaysatay inay dhisto aasaaska dawladnimo: nabad, hay’ado, dastuur, ciidamo, maamul deegaan iyo nidaam doorasho oo awoodda lagu kala wareego.

Dawlad-dhisku wuxuu yahay in la abuuro hay’adaha; dawlad-bislaanshuhuna waa in hay’adahaasi noqdaan kuwo tayo leh, madax-bannaan, hufan, isla xisaabtan leh oo qofka xilka haya ka cimri dheer.

Haddaba Somaliland xaggee ayay maanta taagan tahay?

Aragtidayda, Somaliland si weyn ayay uga gudubtay marxaladdii aasaasiga ahayd ee dawlad-dhiska, laakiin weli si buuxda uguma gudbin marxaladda dawlad bislaatay. Waxay taagan tahay meel u dhexaysa labadaas marxaladood: aasaaskii waa la dhisay, laakiin hadda waxaa loo baahan yahay in la tayayeeyo oo la adkeeyo.

Waxa ugu weyn ee maanta ka dhiman ma aha in hay’ado cusub oo badan la sameeyo, ee waa in hay’adihii jiray laga dhigo kuwo si dhab ah u shaqeeya.

Waxaa loo baahan yahay sharciga oo ka sarreeya qofka, hay’adaha oo ka xoog bata shakhsiyaadka, siyaasadda oo ka gudubta qabyaaladda, dhaqaalaha oo ka gudba ku-tiirsanaanta, adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada oo tayo yeesha, garsoorka oo madax-bannaani dhab ah helo, maamulka oo dijitaal noqda, iyo dhalinyarada oo loo abuuro fursado shaqo iyo mustaqbal.

Dawladnimada casriga ah laguma cabbiro inta wasaaradood ee dalka ka jira ama inta doorasho ee la qabtay oo keliya. Waxaa lagu cabbiraa waxa muwaadinku maalin kasta ka dareemo dawladnimada.

Haddii muwaadinku helo caddaalad, amni, waxbarasho, caafimaad, biyo, koronto, waddooyin, shaqo iyo adeeg dowladeed oo hufan, markaas dawladnimadu waxay yeelanaysaa macne dhab ah.
Dreysse

Somaliland 35 sano gudahood waxaa soo maray lix Madaxweyne: Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur), Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaa...
11/08/2026

Somaliland 35 sano gudahood waxaa soo maray lix Madaxweyne: Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur), Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, Daahir Rayaale Kaahin, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo hadda xilka haya , Haddaba 6 hoggaan iyo 35-kaas sano kadib, maxay shacabka Soomaaliland ka dhaxleen?

Soomaaliyana 35-ka sano waxaa soo maray toddoba Madaxweyne oo kala duwan: Cali Mahdi Maxamed, Cabdiqaasim Salaad Xasan, Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud, Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, waxaana mar labaad xilka qabtay Xasan Sheekh Maxamuud. Haddaba toddobadaas hoggaan iyo 35-kaas sano kadib, maxay shacabka Soomaalian ka dhaxleen ?

Marka aynu Somaliland eegno, Maxamed X. Ibraahim Cigaal wuxuu ka mid ahaa raggii door weyn ka qaatay dhismaha dawladnimada Somaliland. Cigaal wuu geeriyooday, laakiin dawladnimadii iyo hay’adihii uu ka qayb qaatay dhismahooda way sii jiraan. Maanta Somaliland waxay leedahay hay’ado, ciidan, boolis, goleyaal, nidaam maamul, doorashooyin iyo awood gudaha ah oo ay arrimaheeda ku maamusho mana jirto wax faro galin ah oo dawlada shisheeyey ah oo samayn ku leh Dawladnimadooda Iyo siyaasadoodaba.

Marka aynu eegno Soomaalian, oo haysata aqoonsi caalami ah, haddana 35 sano kadib weli la tacaalaysa amni darro khilaaf siyaasadeed, ku-tiirsanaan taageero dibadeed iyo dhammaystir la,aan awoodda hay’adaha qaranka, ciidamo shisheeye oo nabad ilaalin u jooga , dawlad la, aan dhan walba ah .

Tusaale ahaan maanta Xasan Sheekh Maxamuud oo laba jeer Madaxweyne noqday wuxuu wajahaa khilaaf siyaasadeed oo ku saabsan doorashada iyo muddo-xileedka. Mucaaradku waxay ku doodaan in muddo-xileedkiisu dhammaaday, halka dowladda iyo madaxweynuhu ay ku doodaan in isbeddellada dastuurku muddo-xileedka sii kordhiyeen. Haddii madaxweyne laba jeer xilka qabtay uu weli ku adkaado inuu mucaaradka la gaadho heshiis siyaasadeed oo doorasho lagu wada qanacsan yahay, miyaanay taasi ina tusayn in dhibaatada dawlad-dhisku weli taagan tahay?

Waxaa intaas ka sii daran in siyaasiyiinta Soomaalian oo gudahooda 35 sano Xal u helin
ka shaqaynta gudaha wadankooda iyo xalinta khilaafaadkooda siyaasadeed iyo amni ay waqti iyo xoog badan geliso ku mashquulka iyo Hagardamaynta arrimaha dalka Somaliland .

Hadaba akhriste : suaashaydu waxay tahay , 6 Hogaamiye ee Reer Somaliland Iyo 6 Hogaamiye ee Reer Somalian, yaa dhaxal muuqda uga tagay Jilashooda Danbe ?



Dreyssa

Taariikhdu waxay marar badan ina bartay in marka Somaliland hesho guul diblomaasiyadeed, ay isla markiiba soo baxaan dha...
06/07/2026

Taariikhdu waxay marar badan ina bartay in marka Somaliland hesho guul diblomaasiyadeed, ay isla markiiba soo baxaan dhaqdhaqaaqyo lagu doonayo in guushaas la yareeyo ama la fashiliyo.

26-kii Diseembar 2025, Dowladda Israa'iil waxay si rasmi ah u aqoonsatay Jamhuuriyadda Somaliland. Sida aan u arko, aqoonsigaasi ma ahayn oo keliya guul sharafeed, balse wuxuu ahaa isbeddel siyaasadeed oo culus oo gilgilay xisaabtii gobolka.

Waxa hadda muuqata in Soomaaliya, Masar, Turkiga iyo Jabuuti ay isku dayayaan inay si wadajir ah u dhisaan qorshe lagu xannibayo saamaynta aqoonsigaas. Qorshahoodu wuxuu u muuqdaa mid labo jiho leh: mid dibadeed oo lagu cadaadinayo Somaliland, iyo mid gudaha ah oo lagu kala jabinayo mowqifka qaranka.

Waxaan rumaysanahay in ay doonayaan in la abuuro jahawareer siyaasadeed, lana kiciyo khilaafaad gudaha ah, si loo wiiqo xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) loona qasbo inay dib ugu noqoto miiska wada-hadallada Soomaaliya iyadoo laga faa'iidaysanayo xaaladda cusub.

Tani ma aha xeelad cusub. Mar kasta oo Somaliland u muuqato inay ku dhowdahay guul weyn, waxaa soo baxa qorshe kale oo lagu leexinayo jihadaas. Sannadkii 2012, sida uu sheegay Wasiirkii h**e ee Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Ingiriisku wuxuu diyaariyey qorshe la xidhiidha aqoonsiga Somaliland, balse waxaa lagu beddelay wada-hadallo aan wax natiijo ah oo dhab ah dhalin.

Maanta, waxa la moodaa in isla habkii h**e dib loo soo celinayo: in la yareeyo qiimaha aqoonsiga, in la abuuro cadaadis siyaasadeed, in la kala qaybiyo shacabka, isla markaana la muujiyo in Somaliland aanay awoodin inay ka faa'iidaysato guusheeda diblomaasiyadeed.

Cadawga Somaliland hal dariiq kuma yimaado. Mar wuxuu adeegsadaa warbaahin, mar wuxuu adeegsadaa saameyn diblomaasiyadeed, mar wuxuu kiciyaa khilaaf gudaha ah, marna wuxuu isku dayaa inuu shacabka ku abuuro niyad-jab iyo kala shaki.

Sidaa darteed, waxa lama huraan ah in shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ay feejignaadaan, ilaashadaan midnimadooda, kana digtoonaadaan qorshe kasta oo lagu doonayo in lagu wiiqo aqoonsiga iyo sumcadda qaranka.

Dreyssa

Waxaa jira marxalado taariikhdu ay ummadaha ku tijaabiso sida ay u ilaashanayaan go’aankooda siyaasadeed iyo jihada ay d...
05/07/2026

Waxaa jira marxalado taariikhdu ay ummadaha ku tijaabiso sida ay u ilaashanayaan go’aankooda siyaasadeed iyo jihada ay doorteen. Aniga oo ah muwaadin u dhashay Jamhuuriyadda Somaliland, waxaan qabaa in maanta la joogo xilli u baahan feejignaan, adkaysi iyo ilaalin go’aamadii shacabka Somaliland h**e u gaadheen, halkii dib loogu noqon lahaa jid h**e loo soo tijaabiyey oo aan midho muuqda dhalin.

Waxaan si cad uga digayaa Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland in aanay ku dhicin dedaallo dib loogu soo celinayo wadahadalladii u dhexeeyey Soomaaliya iyo Somaliland, kuwaas oo muddo dheer soo socday, isla markaana aan keenin natiijo waafaqsan rabitaanka shacabka Somaliland. Aragtidaydu waxay tahay in dooddaasi ay h**e u gaadhay heer ay shacabka Somaliland u arkeen mid albaabkeedu si dhab ah u xidhmay.

Muddo ka badan soddon sano, Jamhuuriyadda Somaliland waxay dhisaysay dawladnimo ku salaysan nabad, doorashooyin, hay’ado qaran iyo rabitaan shacabka. Hase yeeshee, wada-hadalladii h**e ee lala yeeshay Soomaaliya waxay ku dhammaadeen hakad iyo natiijo la’aan, sababtoo ah kala duwanaanshaha mabda’a aasaasiga ah ee labada dhinac: Somaliland waxay u aragtaa laba dal oo deris ah, halka Soomaaliya ay marar badan u aragto arrin gudaha ah.

Aragtidayda, albaabkaasi wuxuu galay marxalad gebi ahaanba xidhmay markii shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ay si cad u muujiyeen jihadooda siyaasadeed, isla markaana ay sii xoogaysteen fursadaha diblomaasiyadeed ee Somaliland ka helayso beesha caalamka. Waxa aan qabaa in wixii ka dambeeya 26 Diseembar 2025 uu noqday wejigii ugu muhiimsanaa ee qaddiyadda Somaliland, kadib markii Dawladda Israa’iil noqotay dalkii ugu horreeyey ee si rasmi ah u aqoonsada Jamhuuriyadda Somaliland, taas oo calaamad u ahayd isbeddel cusub oo dhinaca aqoonsiga caalamiga ah ah.

Aqoonsigaas, wuxuu beddelay jihada siyaasadda dibadda ee Somaliland, wuxuuna muujiyey in qaddiyadda Somaliland ay ka gudubtay marxalad su’aal lagu keeni jiray, una gudubtay marxalad dalal kale ay si rasmi ah u eegaan. Sidaas darteed, halkii tamarta lagu lumin lahaa dib-u-furista wadahadallo h**e u fashilmay, waxaa habboon in xoogga la saaro ballaadhinta xidhiidhka caalamiga ah, xoojinta aqoonsiyada, iyo horumarinta hay’adaha qaranka.

Muxuu yahay “Shirqoolka Xasan”?

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo kooxdiisu waxay wadaan dedaallo cusub oo lagu doonayo in dib loogu soo celiyo wadahadalladii Somaliland iyo Soomaaliya.

Waxa muuqata in la beddelay habkii h**e ee siyaasadda—oo ahaa hadallo adag, eedaymo iyo af-lagaaddo—laguna beddelay hadallo deggan, isu-soo dhowaansho iyo weedho u muuqda kuwo jilicsan oo laga dhex arki karo xeelad siyaasadeed.
Aragtidayda, isbeddelkan hadal ma aha mid si dhab ah u muujinaya isbeddel mabda’ ku dhisan, balse waa xeelad siyaasadeed oo lagu doonayo in lagu abuuro jawi jilicsan oo fududayn kara in Somaliland lagu riixo miiska wadahadalka

Sidaas darteed, waxaan qabaa in hal albaab u furan yahay Somalia kaaso ah albaabka waanu idin aqoonsanay shacabka iyo dawladda Jamuuriyadda Somaliland

Dreysse

Marka laga hadlayo hoggaaminta dawliga ah ee casriga ah, waxa ugu adag ee masuul qaran la gudboon waa sidii uu isu waafa...
23/06/2026

Marka laga hadlayo hoggaaminta dawliga ah ee casriga ah, waxa ugu adag ee masuul qaran la gudboon waa sidii uu isu waafajin lahaa waajibaadka ballaadhan ee qaranka iyo ka jawaabista baahiyaha gaarka ah ee bulshada uu siyaasiyan matalo.

Arrintaas waxa tusaale muuqda u ah Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga ee Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Omer Shuaib Mohamed, oo muddadii uu xilka hayey dadaalkiisa ugu weyn ku saleeyey horumarinta laf-dhabarta dhaqaalaha Somaliland, isaga oo isla markaana indhaha ku haya baahiyaha deegaannada uu siyaasiyan ku metelo xukuumadda.

Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyigu waa hay’adda ugu dhow tiirka ugu muhiimsan ee dhaqaalaha Somaliland, maadaama xooluhu yihiin ilaha ugu waaweyn ee dakhli-soo-saarka, ganacsiga dibadda iyo nolol-maalmeedka bulshada reer miyiga ah.

Sidaa darteed, masuuliyadda wasiirku ma aha oo keliya maamulidda wasaarad, balse waa ilaalinta il dhaqaale oo ay ku tiirsan yihiin kumannaan qoys oo reer Somaliland ah. Muddadii uu xilka hayey Dr. Cumar Shucayb Maxamed, waxa muuqday dedaal lagu xoojinayo adeegyada caafimaadka xoolaha, horumarinta reer miyiga, kor u qaadista wacyigelinta bulshada xoolo-dhaqatada ah, iyo qorsheyaal lagu adkaynayo tayada iyo wax-soo-saarka xoolaha Somaliland si ay ula jaanqaadaan baahiyaha suuqyada gobolka iyo kuwa caalamkaba.

Waxqabadkaas qaran waxa barbar socday faham qoto dheer oo uu u leeyahay duruufaha iyo baahiyaha deegaannada Bariga Gobolka Maroodi-jeex iyo Galbeedka Gobolka Saaxil, gaar ahaan degmooyinka Laasgeel iyo Mandheera oo ah deegaanno leh muhiimad taariikheed, dhaqaale iyo bulsho. Deegaannadani waxay muddo dheer la daalaa-dhacayeen baahiyo dhinacyo badan leh oo la xidhiidha adeegyada aasaasiga ah, kaabeyaasha horumarka iyo mashaariicda kobcinaya fursadaha bulshada. Si kastaba ha ahaatee, waxa la dareemayaa in wasiirku aanu u arkin matalaadda deegaannadaas mid ku koobban hadal iyo ballanqaad, balse uu u beddelay qorshe iyo aragti ku dhisan xaqiiqooyin la taaban karo.

Waxa muhiim ah in la fahmo in masuulka qaranku aanu awooddiisa ku ururin karin hal deegaan oo keliya, balse looga baahan yahay caddaalad, dheellitirnaan iyo in qaranka oo dhan uu u shaqeeyo. Haddana, dhinaca kale, waxa xil ka saaran yahay in uu codka iyo baahiyaha bulshada uu matalo gaadhsiiyo xarumaha go’aan-qaadashada. Dr. Cumar Shucayb Maxamed waxa lagu tilmaami karaa masuul isku dayay in uu labadaas masuuliyadood isu dheellitiro, isaga oo ilaalinaya danaha guud ee qaranka, haddana si joogto ah uga shaqaynaya sidii qorshayaasha horumarineed loogu jihayn lahaa meelaha mudnaanta gaarka ah u baahan.

Bulshada Laasgeel iyo Mandheera waxa ay muddooyinkii u dambeeyey marag u ahaayeen kulamo, qiimaynno iyo qorshayaal lagu lafagurayo baahiyahooda dhabta ah, kuwaas oo saldhig u noqday hannaan lagu doonayo in ballanqaadyadii Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad loogu beddelo mashaariic iyo adeegyo muuqda. Inkasta oo horumarku yahay geeddi-socod u baahan waqti, haddana waxa muuqata in tallaabooyin badan oo qorshaysan ay marayaan heerar u dhow hirgelin, taas oo bulshada labada degmo rajayn iyo kalsooni gelisay.

Gebogebadii, muddada uu xilka hayey Dr. Cumar Shucayb Maxamed waxa lagu soo koobi karaa isku-darka laba masuuliyadood oo waaweyn: horumarinta wasaarad qaabilsan laf-dhabarta dhaqaalaha Somaliland iyo ka warhaynta baahiyaha bulshada uu siyaasiyan ku metelo xukuumadda. Waa hannaan muujinaya in hoggaamintu aanay ku koobnayn maamulka xafiis, balse ay tahay isku xidhka danaha qaranka iyo rajada shacabka. Haddii qorshayaasha socda ay u hirgalaan sidii loo dejiyey, bulshada Somaliland guud ahaan, gaar ahaanna shacabka Laasgeel iyo Mandheera, waxay dhawaan arki doonaan midhaha dadaallada iyo aragtida horumarineed ee muddadaas la dhisay.

27/05/2026

🗣"Reer Somalilandow ninkii hadlayaaba hayska hadle maydin samayn wax dunida h**e uga dhicin?”👀👇







12/05/2026

🗣Mujaahadiniiti Iyagu Nolol may samaysan ee kuwan ayay u sameeyen 🫀❤️

08/05/2026

Awoodii Geeska oo diyaar garow ku jirta 👀👇

30/04/2026

🗣 Reer Somaliladnow Mar kasta oo Madaxwaynaheenu Safar Xogtiisa La Ilaaliyey uu dalka dibadiisa ugu Baxo ha ilaawina in aad weelaysan Kalmadahan 🫀💯👀👇

Adresse

Nobels Gate 32, 0268 Oslo
Oslo
0010

Varslinger

Vær den første som vet og la oss sende deg en e-post når Abdi Dreysse legger inn nyheter og kampanjer. Din e-postadresse vil ikke bli brukt til noe annet formål, og du kan når som helst melde deg av.

Kontakt Bedriften

Send en melding til Abdi Dreysse:

Snarveier

Del