20/08/2026
Sidee Loo Dhisayaa Somaliland Uu Muwaadinku Ugu Kalsoonaan Karo Qarankiisa In Ka Badan Qabiilkiisa? 🤔😇👇
Su’aashani ma aha oo keliya su’aal siyaasadeed; waa su’aal taabanaysa jiritaanka, mustaqbalka iyo tayada dawladnimada Somaliland. Haddii muwaadinku marka ay timaaddo cabsi, fursad, caddaalad ama xuquuq uu u cararo qabiilkiisa ka hor inta aanu u cararin qarankiisa, waxa aynu haysannaa dawlad jirta, laakiin weli ma haysanno dawladnimo si buuxda ugu qotonta qalbiga muwaadinka. Sidaa darteed, su’aashu ma aha “sidee qabiilka loo tirtiraa?”, balse waa “sidee loo dhisaa qaran ka awood, caddaalad iyo kalsooni badan qabiilka?”
Aragtidayda, muwaadinku qaranka k**a jeclaado khudbad lagu yidhi “qaranka jeclaada”; wuxuu qaranka jeclaadaa marka uu arko in qaranku jecel yahay, ilaaliyo, una siman yahay isaga iyo qofka kale. Kalsoonidu hadal kuma dhalato, ee waxay ka dhalataa caddaalad joogto ah, adeeg hufan, sharci la wada siman yahay iyo masuuliyad aan qofka lagu kala soocin nasab iyo beel.
Qabiilku inta badan wuu xoogaystaa marka hay’adaha qaranku daciifaan. Marka booliisku yahay meel lagu kalsoonaan karo, maxk**addu tahay meel caddaalad laga helo, shaqaduna ku timaaddo karti, adeegyada dawladuna si siman u gaadhaan bulshada, baahida qofku u qabo inuu qabiilkiisa u noqdo gaashaan way yaraataa. Sidaas darteed, qabiilku mararka qaarkood ma aha oo keliya sababta dawladnimadu u daciifto; wuxuu sidoo kale noqdaa natiijada ka dhalata hay’ado aan abuuri karin kalsooni.
Somaliland haddii ay doonayso qaran muwaadinku ku faano, waa inay dhistaa hay’ado ka sarreeya shakhsiga iyo beesha. Sharcigu waa inuu u sinnaadaa madax, maalqabeen, siyaasi iyo qof danyar ah. Qofka xilka haya waa in lagu qiimeeyaa waxqabadkiisa, qofka shaqada qabanayana kartidiisa, qofka gefkana lagu xisaabtamaa cidda uu doono ha ahaadee.
Waxaa kale oo lama huraan ah in siyaasadda laga saaro ganacsiga dareenka qabyaaladeed. Siyaasiga cod ku hela inuu beel dareen geliyo wuxuu heli karaa guul, laakiin wuxuu dhaawacayaa qarannimada. Siyaasadda caafimaad qabta waa in lagu tartamaa waxa la qabanayo, sida loo qabanayo iyo cidda ugu kartida badan.
Waxbarashaduna waa furaha isbeddelkan. Ilmaha maanta dugsiga jooga waa muwaadinka berri. Haddii lagu barbaariyo inuu marka h**e yahay reer hebel, kadibna yahay muwaadin, waxaan sii wadi doonaa jiilal kala fogaansho ku dhisan. Laakiin haddii lagu barbaariyo inuu yahay muwaadin leh xuquuq iyo waajibaad, qarannimadu waxay noqonaysaa dhaqan, ee ma aha hal-ku-dheg.
Ugu dambayn, Somaliland ma dhisi karto qaran uu muwaadinku ka aamino qabiilka haddii aan la dhisin dawlad uu muwaadinku ku aamino caddaaladdeeda. Qabiilku wuxuu ku siin karaa cid aad taqaan, laakiin qaran wanaagsan waa inuu ku siiyaa caddaalad aad ku kalsoon tahay.
Taasi waa halka ay ka bilaabato Somaliland dhab ahaan uga gudbaysa qabiil ku tiirsan bulsho una gudbaysa muwaadin ku tiirsan qaran.
Dreyssa