05/07/2024
اللهم يرحمه ويغفر له ويسكنه فسيح جناته ويلهم أهله الصبر والسلوان وانا لله وانا اليه راجعون,
Madhente waa ilaah qofkasta waxaa uu Ku xakuman yahay dhimasho waxkasta iyo cidkasta oo uuyahay
Allaha U naxariisto (SHEEKH MAXAMED XAAJI MUMIN waxaa uu kabaxay sanadihii todobaatanadi kabaxay dugsigii Alaahida ee afkacarabiga Ku bixi jiray ee Mogadishu Ku oolaa kadib waxaa uu udhoofay dalka sucuud caraabiya halkaas oo diinta islaamka sifiican uga soo bartay 1986kii sheekha waxaa uu dacwada Ka bilaabay masaajidka jamaca ah eedegmada qandala oo uu tafsiirka quraanka Ka bilaabay hase yeeshee waxaa uu ishortaag Kala kulmay culimadii saalixiyada iyo dawladii shuuciyada oo isgarab sanaya Isla sanadkiiba hase yeeshee arintaas ll k**a reebin faafinta dacwada waxkasta oo Ku yimaadaa,sheekha allaha U naxariistee waxaa uu saldhigtay degmada Balidhidhin oo markaas tuulo ahayd waxaa na uu Kala kulmay cadaadis Ka badan kii qandala uu Kala kulmay ,taasina k**a reebin ama k**a tanasulin faafinta dacwada waxaana UU aasaasay duqsi quraan ayka aflexeen boqolaal wiil oo maanta daaci wada ah baligana waxay noqotay meeshii U horaysay ee sheekhu Ka suuliyey waxa loo yiqiin caariyaadka sida guntiinadii iyo diricii khafiifka ahaa waxaana kheekhu Ku guulaystay in lawada qaatay xijaabka shareecada,arintaas na waxay waxay Ku faaftay degaan Ka oo dhan iyo weliba degmooyinka deriska ahaa sida iskushuban iyo caluula meelo Ka mida ilaah mahadiis skeekha waxaa uu caanku ahaa sabur iyo dulqaad iyo Ku adkaanta saraynta shareecada islaamka, intii uu dacwada waday waa dacweeyey waa la caayey waa la dhagxiyey masaajidka ayaa laga hor istaagay gacan baa loola tegay,waxaa xusud mudan Intaas oo soo gaartaya marna K**a reebin faafinta dacwada waana guulaystay, dadkii sheekhu wax baray iyo inta ay. Waxbareen kumanaal bay Ka badan yihiin allaha unaxariisto sheekha maanta oo taariikh da tahay 10/6/2024 ayaa tii ilaah U timi waxaana lagu aasay degmada carmo
وانا لله وانا اليه راجعون,
اللهم يرحمه ويغفر له ويسكنه فسيح جناته ويلهم أهله الصبر والسلوان